Australia: Xafladii Nabada & Horumarka Dowlad Deegaanka Soomaalida - TopicsExpress



          

Australia: Xafladii Nabada & Horumarka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aan Loo Kala Hadhin (Qeybtii 1-aad) September 28, 2013 Gogol-dhig: “Jaaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qabatay kulan weyn oo looga hadlaayo nabada & horumarka DDSI. Si loo sharxo horumarkaas, waxaa shirka lagu marti qaaday dadka ku hadla af-Soomaaliga ee dega Bariga-Afrika. Sidaa darteed waxaa kulankan ka soo qeyb-galay ma’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasiir hore, Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya dalkan Australia, Jaaliyadaha Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo Soomaali weynta kale. Xagga warbaahinta waxaa madasha diyaar ku ahaa Kamaradii indhaha fiiqnayd ee Universal TV oo uu majaraha u hayo wariyaha caanka ah ee Ibraahim Baafo. Xagga madadaaladana waa kooxdii fanka iyo suugaanka ee walaalaha Melbourne ee loo yaqaan “Somali OZ-Band”. HOOS KA AQRISO WARBIXINTAAS OO AF-SOOMAALI HUFAN KU XARDHAN ———————————ooooooo——————————— Melbourne (Sabti – 28th September 2013): Sacabka, sawaxanka iyo mushxarada ayaa hal mar isqabsaday ka dib markii uu furmay kulankii muddada dheer la sugayey ee ku saabsanaa hormarka dhinac walba leh ee uu ku talaabsaday deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cod qurux badan oo dadka wada deeqay ayaa waxaa aayadaha Qur’aanka kariimka xaflada ku furay Xuseen M. Askar. Ka dib waxaa cod-laliyaha (microphone) lagu soo dhaweeyey Koos Daahir oo ku hadlaysay magaca haweenka. Koos waxa ay xustay in horumarka uu maanta ku talaabsaday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) uu yahay mid marnaba aan la qarain karin, lana mid yahay qof raba in qorax soo baxday uu sacabo ku qariyo. Koos Waxa ay qurba-joogta ka soo jeeda DDSI ay ku boorisay in ay taageeraan Dowlada iyo madaxweynahooda oo ku hawlan horumarinta deegaanka. Sidoo kale waxay ku boorisay qurba-joogta in ay soo booqdaan dalkoodii isla markaasna ay maal-gashadaan, iyadoo xustay in ay iyadu barito u dhoofi doonto dalkii gaar ahaan caasimada Jig-jiga. Intaas ka dib waxaa iyaduna hadal aad u qiimo badan goobta ka soo jeedisay Faadumo Shaafici oo si qiiro leh uga hadashay xaaladihii adkaa ee uu soo maray DDSI, iyo horumarka baaxadda leh ee uu maanta ku talaabsaday. Faadumo waxay dadka ku boorisay in nabada iyo horumarka laga shaqeeyo, lagana soo daalay dagaalkii dheeraa, maantana wiilashii ku dhashay DDSI ay dalkoodii maamulaan, ayna mudan yihiin in lagu taageero. Sacab diiran ayaa lagu soo dhaweeyey hadaladii Koos iyo Faadumo. Faysal Ibraahim Cabdi oo ah aqoonyahan ka soo jeeda DDSI ayaa goobta ku soo bandhigay warbixin si aad ah loo jeclaystay, dadkiina aad u soo jiidatay. Faysal waxa uu si maqal iyo muuqaal ah u soo bandhigay “Power-point Presentation” ka hadlaya xaalada DDSI laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta. Mudane Faysal waxa uu soo bandhigay in deegaanku ahaa mid dib u dhacay dhinac walba, balse maanta uu ku talaabsaday horumar baaxad leh oo xagga waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, jidadka, korontada, isgaadhsiinta, xanaanada xoolaha, hormarinta biyo-gelinta, maamulka suuban iyo adeegyada kala duwan ee bulshadu u baahan tahay. Intaas ka dib waxaa cod-laliyaha (microphone) lagu soo dhaweeyey siyaasi in badan la sugaayey in uu madasha ka soo muuqdo, dadweynuhuna xiiso badan u hayeen in ay qudbadiisa dhago furan ku dhagaystaan: waa siyaasiga caanka ah ee Khadar Aadan Yare, qaaradan Australia dhexdeedana saamaynta badan ku leh. Muadane Khadar waxa uu ahaan jiray sarkaa sare oo ka tirsan jabhada ONLF, balse markii uu u si qoto dheer u fiiriyey siyaasada geeska Africa iyo xaaladaha kala duwan ee Itoobiya iyo kililku ku sugan yahay, waxa uu Khadar ku qancay in uu la jaan-qaado isbadalada siyaasadeed ee uu maanta dalku maraayo, taas oo ah in dadkii deeganka u dhashay ay iyagu maanta gacanta ku hayaan taladii dalka. Mudane Khadar oo ku dhashay una dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya, lehna waayo aragnimo siyaasadeed ayaa si cilmiyeysan uga hadlay taariikhda gobolka laga soo bilaabo xiligii Xayle Salaase ilaa maanta. Waxaa kale uu ka hadlay nabada iyo horumarka uu ku talaabsaday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhinac walba leh. Waxa uu dadweynihii goobta fadhiyey ugu baaqay in ay taageeraan nabada iyo horumarka u curtay deegaankooda, kana fogaadaan cid kasta oo dhaawaci karta horumarkaas. Mudane Khadar waxa uu dadkii weydiiyey su’aal ah: maanta miyey haboon tahay in dagaal la geliyo ardayda tiradoodu dhan tahay boqolaalka kun ee maanta wax ku barta iskuulada iyo Jaamacadaha DDSI, mise waxaa haboon in ardaydaas loo daayo in ay iyagu ka tashadaan mustaqbalka dalkooda hooyo?!. Mudane Khadar waxa uu carabka ku adeeyey in isaga iyo caruutiisuba ay Australia ku haystaan nolosha ugu fiican, sidaad darteed aysan marna cadaalad ahayn in caruur dad kale dhaleen dagaal iyo colaad la geliyo. Khudbadii Khadar jeediyey ayaa dadweynihii ka keentay sacab iyo sawaxan, taas oo ka turjumaysa sida dhabta ah ee geesinimadu ku dheehan tahay oo uu sharaxaada uga bixiyey xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay DDSI, taas oo ah in la sii badhi-gantaalo nabada iyo horumarka, qaswadayaashana laga hortago. YAA LAGU MARTI QAADAY SHIRKAN: Shirkan waxaa iska lahaa Jaaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan magaalada Melbourne, balse waxaa lagu marti qaaday dhammaan Soomaali weyn, sii loogu sharxo horumarka uu ku talaabsaday DDSI. Waxaa ka soo qeyb galay: Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya dalkan Australia Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi. Mudane Yoonis waxa uu ka hadlay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo DDSI, isaga oo xusay in uu madaxda DDSI uga mahad celinaayo soo dhaweyntii diiranayd ee afhaayeenka Baarlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari lagu soo dhaweeyey Jig-Jiga iyo weliba Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole. Waxaa kale oo mudane Yoonis uga mahadceliyey madaxda DDSI deeqda waxbarasho ee ay siiyaan ardayda ka timid Jamhuuriyada Soomaaliya. Waxaa kale oo kulanka weyn ka soo qeybgalay Dr. Cali Nuur oo ahaa wasiir ka tirsan Dowladii Sheekh Shariif, gaar ahaan markii uu Prof. Cabdiweli ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dowladii KMG Federaalka Soomaaliyeed. Waxaa goobta ka hadlay Qunsulka Guud ee Dowlada Federalka Itoobiya u fadhiya dalkan Australia Graham J Romanes, oo ku hadlayey magaca Dowlada Federalka Itoobiya. Mudane Graham waxa uu xusay in uu aad ugu farxay horumarka intaas la’eeg eek u talaabsaday DDSI. Waxaa uu sheegay in qoomiyadda Soomaalida Itoobiya ay ka faa’iidaystaa nidaamka Federalka ah ee Itoobiya ku dhisan tahay, mar walbana nabada laga shaqeeyo. Mudane Bashiir Dheere oo ku hadlayey magaca Jaaliyadda Puntland. Mudane Bashiir waxa uu xusay in waqtigan maanta la joogo ay haboon tahay in nabad wax lagu raadiyo, waxa uu carabka ku dhuftay in uu isagu deegaanka aqoon u leeyahay, loona baahan yahay in la fahmo farqiga u dhexeeya Itoobiyada maanta iyo Itoobiyadii shalay. Jaaliyadda Puntland oo si aad ah uga soo qeyb-galay kulanka ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Dr. Kulmiye iyo Siciid Shiinle oo ka tirsan hawl-wadeenada iyo aqoonyahanada Jaaliyadda Puntland. Waxaa kale oo ka soo qeybgalay xubno ka socday jaaliyadda Khaatumo State of Somalia. Jaaliyadda Jubbaland ayaa iyaguna si fiican uga soo qeyb galay shirkan lagu taageerayey nabada iyo horumarka DDSI. Dadka ka socday dhinaca Jaaliyadda Jubbaland waxaa laga xusi karaa Maxamed Madar, sheikh C/Naasir Maxmed, Dhaayow, iyo Dr. Maxamed Cabaas oo isagu ah Gudoomiyaha “Jubbaland Intellectuals”, isla markaasna ah madaxa ururka dalkan Australia ee lagu magacaabo “African-Australian Literary Association”. Jaaliyadda Somaliland ayaa iyaguna si buuxda uga soo qeyb galay xafladan. Mudane Sharmaake Yuusuf Nuur oo isagu ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalialand ee Australia ayaa isagu kalmad kooban oo mahad-celin ah halkaas ka soo jeediyey. Cabdi-Qani Faarax oo isaguna ka tirsan Jaaliyadda DDSI ayaa kalmad kooban soo jeediyey. Mudane C/Qani waxa uu xusay in dalkii tagay soona arkay xaqiiqda jirta. Waxa uu xusay afar wiil oo qaraabo wada oo wada dhaawac ah, oo midba dhinac ka dagaalamayey. Waxa uu xusay in caruurtiisu ay si nabad ah ugu nool yihiin Melbourne. Sidaa darteed caruurta ku nool Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyaguna nabadaas oo kale ayey xaq u leeyihiin. DOWLADA DEEGAANKA OO SHIRKA KA QEYB-GALAY: (Hello Melbourne, Hello Jig-Jiga): Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ahna Wasiirka Caafimaadka C/Fataax Maxamuud Xassan ayaa si toos ah qadka telefoonka uga qeyb-galay shirkan. Mudane C/Fataax ayaa dadweynihii ugu mahad-celiyey soo qaban-qaabinta shirka intaas la’eeg, isaga oo ku booriyey in dalkoodu mar walba u baahan yahay, dowladuna ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso cid kasta oo dowlada ka caawinaysa nabada iyo horumarka. Sacab iyo sawaxan aad u badan lagu soo dhaweeyey hadalkii madaxweyne ku xigeenka. WARBAAHINTA: Maadaama shirkani ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Australia ee lagu taageerayo DDSI, waxaa shirkani soo jiitay warbaahinta caalamiga ah ee Soomaaliyeed. Waxaa goobta xaadir ku ahaa oo shirka oo dhan duubayey Tiifiiga caalamiga ah ee Universal oo uu si fiican ugu fara-yaraystay wariye Ibraahim Baafo. Universal TV ayaa caawa ilaa barito si toos ah looga daawan karaa xaflada oo dhamaystiran. Waxaa kale oo goobta ku sugnaa wariyeyaal kale oo ka socday website-yada Soomaalidu aqrisato. Waxaa dadweynaha loo soo bandhigay dhammaan mashaariicda horumaka leh oo maqal iyo muuqaal ah. Waxaa weheliyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee dhaantada. XAGGA MADADAALADA: Waxaa xaflada diyaar ku ahaa kooxda fanka iyo madadaalada ee fadhigeedu yahay Melbourne oo lagu magacaabo “Somali OZ-Band”, oo iyagu goobta ku soo bandhigay heeso iyo madadaalo kala duwan. Kooxdan fanka waxaa hor-kacaayey heesaaga Soomaaliyeed ee caanka ah Mudane C/Xakiim Xaashi. Mudane waxa uu goobta ka qaaday hees uu ku amaanayo horumarka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Xafladan waxaa daadihinaayey aqoonyahan Faysal Ibraahim Cabdi, xagga farsamadana waxaa hayey Ibraahim Aadan Yare (ilka case). Shirkan waxaa ka soo shaqeeyey, iskuna soo duba-riday: Siyaasiga Khadar Aadan Yare – Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada. Faysal Ibraahim Cabdi. Koos Daahir. Faadumo Shaafici. Bashiir Dheere. Axmed Rooble. Ibraahim Aadan Yare (ilka case). Qeybta labaad ee warbixintan waxaanu soo gudbin doonaa xafladii oo muuqaal ah. Nabaddu Waa Furaha Horumaka
Posted on: Sun, 29 Sep 2013 08:49:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015