Gabaygii ‘ALLEYL DUMAY’ iyo Raage Ugaas Wali waxaynu ku guda - TopicsExpress



          

Gabaygii ‘ALLEYL DUMAY’ iyo Raage Ugaas Wali waxaynu ku guda jirnaa ururinta suugaantii aynu kusoo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe iyo Sare ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya. Gabaygan idinku soo maqan ee halkudhegiisu yahay ‘Alleyl Dumay’, wuxu ka mid ahaa gabayadaas aynu soo sheegnay. Waxa tiriyay Raage Ugaas (AUN), kadib markii gabadh isaga u doonanayd oo ad u qurux badnayn isla markaana Raage aad u jeclaa loo meheriyay Faarax wiil-waal. Raage Ugaas sida la soo wariyay aakhirkii wuu dili doonaa Faarax Wiilwaal, kadib markii ay isugu yimaadeen inay shax wada cayaaraan, gabadhiina wuxu ku kaxaysanayaa xarrago iyo xoog. Waa marka uu odhanayo: Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye Qaabiilba haabiil intuu, qoonsaduu dilaye Qar hadumo qiyaamana hadhaco, qoysna yuu hadhine Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo! Si kastaba ha ahaatee Raage Ugaas wuxu ka mid ahaa gabayaaga soomaaliyeed kuwa ugu mucjisada badan, ee aad loo xiiseeyo murtidooda. Gabaygan Alleyl dumayna waa mid ka tarjumaya murtida qarada weyn ee looga bartay Abwaan Raage Ugaas (AUN). Waana sidan hoos ku xusan: Alleyl dumay albaabadoo xidhan, uunku wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax, iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye Labadii wax laga eegi jiray, waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah, kaliya uun baa oge Aboodigu malalo garab haduu, iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii, adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay, iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha, arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu, ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale, meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa, uurkutaalada e Ninka illo biyaleh soo arkoo, ooman baan ahaye Ninkaa ooridiisii nin kale, loo igdhaan ahaye Nin Ugaas aabihii yahoo, aarsan baan ahaye Afdhabaandhow ninkaa aayar uun, aamusaan ahaye
Posted on: Sat, 03 Aug 2013 09:24:25 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015