Hadal culus oo geesinimo leh Madaxweyne farole 'Waxaanan marna - TopicsExpress



          

Hadal culus oo geesinimo leh Madaxweyne farole 'Waxaanan marna yeeleyn oo wiil wiilkii aan dadka halkaan jooga aysan yeelayn oo aan anigu intaan halka joogo aanan yeeleyn oo ay tahay calaacashaas oo timo kasoo bexeen cid kale adigu hakuu hadasho oo wixii hambo ah oo kasoo hara lagu siiyo , inta la yiraahdo shahaadadii sudan laga aqoonsanaa xamar ha la geeyo tasdiiq baan ku samaynaynaa xamar keena , goormaan joognaa ? yaa nala mooday ? Xagee baa xaal marayaa hada ? anigu waxaanba oran lahaa halka tasdiiqa ha keeneen annagu aan u tasdiiqinno barkee annaga imtixaan midaysan leh waxaana marag ka ah maryan qaasim wasiirada tacliinta waxaan xasuusnahay markay soo qaaday oo ammaantay nadaamka puntland ee tacliinta in loo dhaartay , maryam qaasim hadii la xumeeyo halkaanaan uga yeereynaa halkaan ha u soo guurto caruurteedana hala timaado , cidna marti uma nihin naloomana tasdiiqayo arrintaasi waa in ay caddahay " Madaxweyne Farole ayaa caawa hadalkaan ka jeediyay xafladii dabaal daga 15 guurada Puntland .
Posted on: Fri, 02 Aug 2013 07:40:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015