Markaan in badan kuwo guurkoodu furiin ku danbeeyay weeydiiyay - TopicsExpress



          

Markaan in badan kuwo guurkoodu furiin ku danbeeyay weeydiiyay sababta keentay kala taga waxeey ku jawaabaan labaddan midkood: calafkii baa nakala diray, ama calafkii baa dhamaaday. Kuwa yiri calafkii baa nakala diray waxaan kudhahaa maxaad calafka isaga celin weydeen? kuwa yiraahdo calafkii baa dhamaaday, waxaan ku dhahaa maxaad calaf aan dhamaan u soo dhigan weydeen guriga? Waxaan kaloo isku dayay inaan calaf raadiyo oon weeydiiyo sababtuu u kala diro qoysaska qurbaha iyo sababtuu sidaan dhaqsaha ah ugu dhamaado. Markaan calaf la kulmay oo aan wareeystay waxuu ii sheegay inuu guurku yahay calaf markiisa horeba. Calafkaa lamaanaha is bara oo guurkaba dhaliya. Howshiisaba waa intaas. Halkaas ayeyna ugu eg tahay. Ka dib markii la is guursado waxaa meesha ka baxa calaf. Waxaa bedela caashaq, Kalsooni, tanaasul iyo isku samir. Guurkaan afartaasi helin ma dhaafo calaf oo wuu dhamaadaa. Ama si kale u dhigoo calafku markuu arki waayo bedelkiisii wuxuu kala diraa labada is guursata.
Posted on: Mon, 28 Oct 2013 20:17:07 +0000

Trending Topics




© 2015