Muwaadinow Magaca Dastuurka oo wayda ayaan laguu adeegsan ee - TopicsExpress



          

Muwaadinow Magaca Dastuurka oo wayda ayaan laguu adeegsan ee adiga Dastuurkoo Waafiyii ha kuu adeego: Golaha Wadatashiga V Dawladda. Qormadaydan waxaan jecelahay in aan ku eego ugu yaran sedex qoral oo saxaafadda ku soo baxay oo ku aadanaa ku dhawaaqidda Golaha wadda Tashiga iyo Toosinta Qaranka. Qoraalladu waxay ka soo kala baxeen ama laga soo qoray; Gudoomiyaha Kulmiye, Muse Bixi Cabdi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Waran Cadde Wasiirkii hore ee Ganacsiga, Abiib Xasan Filil iyo The Horn Center for Criminal Justice Advancement Markaa ah aad akhridda qolyaha dhaleecaynaya Golaha wadatashigay waxay ku salaynayaan in aanu sharci ahayn ku dhawaaqidda Golahani in Somaliland waxay leedahay: Madaxweyne, Dastuur, Axsaab mucaarid ah iyo golayaal dastuuriya. Dhinaca kale Golaha wada tashiga iyo toosintu wuxuu badka soo dhigay lix iyo toban dhaliilood oo ay leedahay dawladda maanta yirtaa oo ku aadan dhaliisha maamul hanashadda madax weynaha, wiiqidda Dastuurka qaranka, isku milanka Golayasha sharci dejinta, asbaabta mucaarid ah, xeer illaalinta iyo golaha fulinta ee dawladnimo. Waxay kaloo farta ku fiiqeen wiiqidda gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland. Hadda haddii aynu egno sida ay masuuliyinta ganafka ugu dhufatay, ama u dhaliishay waxaa inaga dhex muuqanaya waxyaaba badan oo danno gaar ahi ku hoos jiraan lakiin lagu maydhaamay sharci garabmar. Waxaynu ognahay goluhu isaga oo aan odhan waxaanu nahay urur siyaasiya wuxuu dawladda u soo bandhigay wax ka qabashadda lix-iyo- toban qodob oo haddaan la saxin ay ku wiiqmayso jirtaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo ay cadeeyeen in ay cilmi baadhis iyo dood ka samayndoonaan sidii loo sixi lahaa wixii ka khaldan wadanka, talooyinka ka soo baxana ay dawladda u soo bandhigi doonan. Marnaba saxaafadda kumaynaan maqal golaha oo ku dhawaaqay in dadku ka horyimaad dawlada oo ay sameeyaan mudaaharaaddo, waxaase warkaasi si cad ay uga soo baxday dhinaca gudoomiya xisbul xaakimka Muuse Bixi Cabdi taas oo loo qaadankaro in ay tahay gabaala gurday iyo bajin u aadan xurgufta ka dhexjirta Gudoomiya xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha oo garabsiinaya Wasiir Samaale oo beryahanba la soconay in loolan ku aadan Mustaqbalku uu ka dhex jiro. Dhinaca Muuse wuxu ka beerlaxawsanay saaxiibaddii ay muddada afartameeyadda sanno shaxda soo wadda dhigaayeen. Haddaba intii Golaha wada tashiga lagu dhawaaqay waxaa soo baxaysa in dadweynu guda iyo debadba aad ugu hanqal taagay madaama ay dhaliilahii ay golayashu iyo mucaridku guud ahaanba ay ahayd in ay ka hadlaan dawladuna saxdo in ay ku dhiiradeen si miwaadinnimo iyo nasteexo ku jirto in ay u soo bandhigaan dawladdana laga sugaayo in ay garwaaqsato si dhakhso ah waxna uga qabato. Haddaba waxaa muuqda xaalad abuur iyo waraabow bood oo xagga xagasha u bood uu durtaba bilaabay Wasiirka arimaha Guduhu Cali Waran Cade oo dadka lagu jeedinaayo sida abaabulka iyo Ciidamadda. Waxaynu ognahay in dalkeenu markasta u taagan yahay heegan hadday tahay dhinaca nabad gelyada iyo sugid dhinaca xaduudaha ah. Taasni maaha mid dadka lagaga jeedinkaro khaladaadka iyo gaabiska ka yimaad wax qabadka dawladda. Soo jeedinta iyo Golenimadda Golaha wadda tashiga waxa uu Wasiir Waran Cadde ku sheegay sharcidaro, iyadoo aynu ognahay in ay dawladdau qaabisho odayaal, gudiyo iyo muwaadininkalaba oo u socda dan ama xalin xaalad taagan sida odayaashii ka socday Caynaba ee shirka saxaafadda loo diiday Madaxweynu kula yeeshay Madaxtooyadda dhawaan. Golaha wadatashigu miyuuna xaq u lahayn in ay soo ururiyaan sheegaan iyagoo muwadinin ah wixii dadku iyo saxaafaduba hore ugu soo bandhigeen ee qabyo ah labada gole iyo madaxda xisbiyadda qaar ka gaabsadeen in ay hadalkaan. Haddaba Ex Wsiir Abiib Xasan Filfil dhaliishiisa waxaa ka muuqatay dhoohan dareenka iyo xuquuqda shacbiga ah taas oo uu ku tilmaamey in aan dawladda looga talin Suuq iyo Maqaaxiyaha . Wuxuuse moog yahay Farxadda iyo kalsoonidda taal maqaaaxiya iyo suuqu in ay tahay Guusha dawladda, cabashadda iyo dhaliisha taalaana in ay tahay Guuldaradda dawladda. Shacabka iyo dawladu waa isku midig iyo bidix quudhsiga shacabkuna waa qoomamadda dawladda! Tasina waa kicin dadwayne ka timid masuul dawladda difacay. Waxaa saxaafadda ku arkaynay in hayad layidhaa The Horn Center for Criminal Justice Advancement (HCCJA) in ay soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in uuna sharci ahayn Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranku. Bal hadaba muwaadinaw ma is waydiisay waxa ay tahay Hayadda warsaxaafadeedka soo saartay, haddii aadan hore u ogayn bal booqo boga ay internet ka ku leedahay hccja.org/?page_id=52 oo akhri himaladeeda (Mission) iyo meelaha ay xafiis yadda ku leedahay (Location) waxaad ka heli weedhan: The Organization is based in Seattle Washington, USA, but has offices in Hargeysa Somaliland and is currently planning to open a second office in Mogadishu Somalia. Haddii aan kuu turjumo weedhaas ku qoran af ingriisiga waxay noqonaysa Hayadan (The Horn Center for Criminal Justice Advancement) waxaa saldhigeedu yahay magaladda Seattle Washington, USA, lakiin waxay xafiisyo ku leeddahay Hargaysa, Somaliland imikana waxay qorshaynaysaa in ay xafiis ka furato muqdisho, Somaliya. Bal haddaba muwaadino maxaa inaga iyo Muqdisha inaga dhexeya, maxaa kenay warsaxaafadoodkooda ma baraarugga lagu baraarukay mad madawga galay qaranimadda Somaliland ayay doonayaan in ay shaasheeyaan Golaha Wadatashiga iyo toosinta Qaranka. Ma hayad ka shaqaynaysa u qarqaadka iyo isu keenidda Somalia iyo Somalilandba. Maxay tahay Ujeedda Warsaxaafadeedkeedu? Yaa soo igmadday? Waxaa ku soo gebababaynayaa qormadan muwaadino fiiro lahaw oo ayaan magaca dastuurka oo wayda laguu adeegsan ee adiga dastuurkoo waafiyii ha kuu adeego. Mohamoud Arrale
Posted on: Sun, 14 Jul 2013 16:52:34 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015