Qofba marbuu Jubbaland Maqlayee adna goormaad maqashay? Qofba - TopicsExpress



          

Qofba marbuu Jubbaland Maqlayee adna goormaad maqashay? Qofba marbuu Jubbaland Maqlayee adna goormaad maqashay? Waxaan Qoraalkaygan ugu talo galay inaan uga hadlo kuna ifiyo Goorta Jubbaland dhalatay. Maadaamaa dad badan oo Soomaaliyeed aad moodo in taariikhdii iyo dhibaatooyinkii laga soo maray xoraynta dalka Somalia iyo waliba Juquraafiga Somaliya inaysanba warba kaheyn. Marmarka qaar waxaan isweydiiyaa War waxani armayba tahay indha adeeggii lagu sheegi jiray Soomaalida qaar, waa markaan maqlo Jubbooyinka waxaa haysta dad Qabridahar,Goday, NFD ama Puntland kayimid!!! War cajiib badanaa. Ayaan darrada jirto waa marka Idaacadaha aad ka aragto odayaal waaweyn oo gar-cas ah oo afkooda ku bal-ballaarinaayo hadallada noocaas ah, oo waliba wax ka daba hadlaayo ama qabanaayaba la arag. War sow dadku kuwii kala xishoon jiray oo is qaban jiray ma ah. Aad baan u yaabaa marna u qoslaa. Waxaan markii danbe ogaaday in dadyowga Jubbaland dego dhammaantood ama dhulka yaqaana ay iyaguba arrinkaa aad ula yaaban yihiin. Dhulku hadda lama helin waxuuna waligiiba qeeb ka ahaa kownka aynu hadda ku noolnahay, taariikha kala duwanna wuu soo maray, marka su´aashu waa adigu goormaad maqashay jubbaland? Wahtigan hadda lagu jiro Soomaaliya waxay haysataa fursad aad u wanaagsan oo ay uga bixi karto dhibaatooyinkii soo maray. Laakiin ayaan darrada jirtaayi waxay tahay, dadka majaraha u haayo Soomaaliya aysan arrinkaa diyaar u ahayn amaba aysan fahansanayn muhiimadda ay leedahay fursadani. Fursadda maanta taalaayi waxay lamid tahay fursadii aynu haysanay jannaayo 1991. Markii xukunkii laga tuuray A.H.N. Maxamed Siyaad Barre, oo loo baahnaa in wadanka la gaarsiiyo horumar, caddaalad iyo doorashooyin xalaal ah. Laakiin nasiib darro waxaa dhacay waxayaalo aan looba fadhiyin. Maantana waxaad moodaa in fursaddii mid lamid ah aynu haysanno, laakiin, haatanna sidiiyoo kale xaalku yahay, oo waxaaban looba fadhin lagu hadlaayo. Nin meeli u caddahay meeli ka madow ayaa la yiri, taasoo aan ula jeedo nin reer hebel dalka kasaar u caddahay Soomaalinimo uma jeedo, taasi waa tii 1991kii dhacday oo jabhaddii S.P.M Qeybtii ka dagaalami jirtay Jubbaland ee uu hogaaminayey Marxuum Col. Bashiir Cali Salaad (Bashiir Bililiqo) iyo odayashii Jubooyinka inta Kismaayo ku shireen dhambaal iyo bogaadin u direen jabhaddii USC da, lana ogaysiiyay in jubbaland inteedii badnayd ay gacanta ku hayso S.P.M loona baahanyahay in dalka laga hirgaliyo dowlad dimuqraadi ah, waxaa kale oo dhambaalkaa lagu ogaysiiyay in S.P.M diyaar u tahay wada shaqayn iyo in loo baahanyahay in xaaladda dalka la dajiyo. Intaa kadib waxay reer Jubbaland sugayeen jawaab noocay doontaba ha noqotee. Dadka qaar ayaa ka shaki qabay in USC sadbursi iyo nin jeclaysi ay la imaan doonto, maadaamaa ay iyadu magaalamadaxdii gacanta ku heyso. Laakiin marnaba lama soo dhigan in wixii dhacay ee maanta halkaa ina dhigay ay USC soo wadatay. Khaladkaa barigaa dhacay qiimihiisu wuxuu Soomaali ugu fariistay in ikhtiyaarkii iyo aaya-katashigeenii uu gacanteena ka baxo, lamana soo koobi karo khasaarihii Soomaali kasoo gaaray khaladkaa isaga ah. Maantana waa maalin cusuboo aad moodo in ALLAH Soomaali siiyay fursad cusub, reer Jubbalandna waxay ku shireen Kismaayo iyagoo is tusay inay ka faa´iidaystaan fursadda maanta Rabbi Soomaali siiyay. Waxay eegeen dastuurka federalka ah, waxay eegeen juquraafiga waxay eegeen xaaladda lagu jiro intaa ka dib, waxay ku qaadatay inay dadkii isu keenaan muddo aad u dheer. Markii la isu keenay odayadii Jubbaland ayaa waxay shir u fadhiyeen muddo dhan 5-bilood dhan. Waxay aakhirkii ku guulaysteen in ay yagleelaan maamul goboleed. Intaa kadib waxay 23na kadib mar labaad dhambaal u direen Muqdisho oo ay ugu bogaadiyeen dowladda iyo dadka reer Muqdisho hormarka ay ku socdaan, waxay sidiiyoo kale ogaysiiyeen in Jubbaland dhankeedii diyaar tahay, waxaana laga war dhowrayey Muqdisho, oo la is lahaa gacmo furan ayay diyaar layihiin, maadaamaa inagii wax tirsanayneyba aynu diyaar u nahay wada shaqayn. Laakiin taa bedelkeed waxaa sidii yoo kale naloogu jawaabay dagaal iyo weerar iyo wadamo kale ayaad ka timaadeen. Waa markaan is iraahdo oo kaalay Dalkaba ma muqdishaa leh!!!!!!! Warr meesha malaha aan dowlad ka sugeynaba waranbaa inooga soo maqan!!! Haddii aan dib ugu noqdo Suaashii ahayd goormaad maqashay Jubbaland jawaabteedu adigaa iska leh. Laakiin Haddii aad tahay reer jubbaland dhalad ah, uma baahnid in lagaaga sheekeeyo Jubbaland taariikhdeeda iyo xaaladihii ay soo martay. Haddii aad magaca ka maqashay idaacadaha ay yagleeleen dhallintii ku caqliyaysatay dagaaladii sokeeye, gaar ahaan kuwa Muqdisho ama aad is leedahay magaca iyo dadkuba waa wax meel kale ka yimid. Waxaan kuu dul marayaa taariikhihii kala duwanaa ee ay Jubbaland soo martay anigoo aad kuugu soo koobaya caddeyteedana kuu tilmaamayo meesha aad ka heli kartid. Qeexid: Seddexda Gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa la isku yiraahdaa Dhulka Jubba. Magacu wuxuu cuskanayaa Wabiga Jubba oo seddexda gobolba mara, isagoo ka soo bilawda Degmada Doolow ee Gedo, wuxuuna ku dhammaadaa Goobweyn oo duleedka Kismaayo ah. Wabiga Jubba wuxuu dhererkiisu ka badanyahay 1000 mayl. Magaca Dhulka Jubba maahan mid dhawaan la allifay ee waa taariikhi sidaan hoos ka dheehan doonno. Bilowgii arnigii 17aad ayaa koox sahan aheyd oo laga soo diray dhanka Ogadenia ay soo gaareen meesha hadda la yiraahdo Kismaayo. Qarnigaa waxaa dagaallo ba´an oo muddo dheer socday ku dhexmaray Dalka Ethiobia Muslimiin iyo gaalo, waxaa aad loo jabiyey muslimiintii, qowmiyadihii uu jabka soo gaaray waxaa ka mid ahaa Soomaalida. Dagaalladaas kadib xoogaggii Somalida waxay u kale jabeen meelo badan. Qeybtii soo aadday dhanka Kismaayo ama Waamo, waxay ku soo guurtay warbixinnadii sahankii dib uga soo laabtay Waamo. Kooxahaas soo guuray waxaa ugu badnaa qabiilada Daaroodka ah, Waxaa ay dhisteen saldanad la oran jiray (Aji) Magaca Ajigu wuxuu ka soo jeeday is-bahaysigii la tartami jiray Saldanadii Ajuuraanka waxay markii danbe dadku ahaayeen Aji iyo Ajuuraan. Dhulka Waamo iyo agaggaarkiisa waxaa xilliyadaas degganaa qolo Gaallo madow la oran jiray. Gaalo madowdii degganaa dhulka iyo qolyihii hayaanka ku yimid waxaa ka dhex bilowday dagaallo ba’an oo socday muddo qarni ku dhow. Madaama laga tiro badnaa qolyihii geeddiga ku yimid, waxay qeylodhaan u dirsadeen dhulkii ay ka yimaadeen iyo dadkii Soomaaliyeed ee ka ag dhowaa meelaha ay ku dagaallamayeen. Badi reerihii Soomaaliyeed ee qeylodhaantu gaartay way soo gurmadeen gurmadkii ugu badnaa wuxuu ka yimid Somalida Ogadenia. Waxaa kaloo gurmad ciidan badan soo diray Biyomaal iyo Tunnni oo markaa deganaa Muqdisho ilaa aagga Baraawe. Waxaa dagaalka ku soo biiray beesha Sade oo katimid gobollada dhexe iyo Garre ka yimid dhinaca Mooyaale, waxayna ka dagaal galeen dhanka Beledxaawo iyagoo dagaalo adag la galay Gaalomadowdii gaar ahaan BOORAN. Sidoo kale waxaa dagaalka markii danbi aad usii xoojiyay Ciidamo hor leh oo kayimid dhinaca Ogadenia gaar ahaan beesha Absame oo ka dagaal gashay Bakool ilaa iyo Baardheere. Sidaas darteed waxaa muddo dheer Waamo ka socday dagaallo aad u cuslaa oo kadhan ahaa qawmiyaddii aan muslinka ahayn ee dhulka degi jirtay, waxaana loo yaqaan dagaalladii Ajiga iyo Gaalada Waxaana aakhirkii guulaystay Soomaalidii. Waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii caanka ahaa ee hogaamin jirtay Ajiga Nin la oran jiray Aadan Xagal oo awoow u ahaa Alla ha u naxariistee heesaagii caanka ahaa Cabdi Salaad Aadan Xagal (Beerdilaacshe). Dhaqanka iyo xeerarka deegaank ee soo jireenka ahaa Intaa kadib Waxay Soomaalidii samaysatay xeerkii Ajiga. Xeerka Ajiga waxaa dhigtay Qabiilada: Absame, Harti, Sade, Warday, Baajuun, Asharaaf, Reer-Awqudub iyo Somaali kale. qodobada xeerka Aji waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku qoran. 1- waxaa kamid ahaa in dadka Aji yeeshaan Hal Suldaan kaasoo noqday Suldaan Magan. Suldaanka Hadda jiraa ee Waamo waa Suldaan C:laahi Suldaan Cali Sonkor Suldaan Axmed Suldaan Magan. 2-xeerakaas lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa lahaanshaha dhulka iyo deegaanada sidaa loo kala leeyahay. 3-xeerarkaas waxaa ugu mihiimsanaa daaqa iyo biyaha iyo sida ceelasha looga kala cabaaayo xilliyada abaarta. Tusaale waxaa lagu heshiiyay in haddii abaari timaado beelaha gobolka Gedo dego ay ka cabbi karaan ceelasha J/hoose Afmadow ilaa inta roob laga helayo kadibna ay dib ugu laabtaan deegaanadooda. Waxaa xusid mudan in xeerkaas sidiisii uu yahay oo reer guuraagu xeerarkaas sidoodii ay wali ugu dhaqmaan. 4- Qaabka magta loo bixinaayo tusaale Asharaaf iyo Reer Aw-Qudub waxay qaaraanka la wadaagaan Maxamed Subayr taasoo macneheedu yahay inay inay iska xigaan hiil iyo hooba Absamaha kale waa siduu xeerku ahaa 1992dii ka hor. Waxaad caddayn ka heli kartaa ku saabsan Qaabkii ay Soomaalida u kala deganaayeen Jubbaland Buuggii uu qoray Sahmiye I.N Dracopoli oo ahaa dhulmareen ka tirsanaa hay’ada cilmi baadhista Juquraafiga iyo sahaminta dhulka oo ay lahayd boqortooyadii Ingiriiska, laguna magacaabi jiray “UK Royal Goegraphical Society”. Buugiisa lagu magacaabo “Through Jubaland to the Lorian Swamps” waxa uu intiisa badan kaga hadlay Beesha Absame, deegaanadooda, iyo waliba dagaaladii ay kula galeen Jubbaland maamulkii Ingiriiska. Dagaaladii Nus Qarniga socday ee Ajiga dhexdiisa. Dagaaladaa waxay ka bilaabmeen kadib markii ay warday ka baxday isbahaysigii Ajida, Wardey oo dhulka uga soo horreysay dadkan kale sannadku markuu ahaa 1840-1850 ayaa Warday waxay dishay Oday Ogaadeen ahaa oo kamid ahaa odayaashii caanka ahaa . Waxayna iclaamiyeen dagaal . Arrintaas waxay keentay in dagaal cuslus oo Ajigii u dhammaa lagu qaado Wardey. Markii dagaalkii lagu jabiyay ayaa Ajigii waxay ku heshiiyeen in Wardayda la qaybsado oo reeraha Ajiga ah loo qaybiyo sidaasna ay dhulka ku deganaadaan qabiiladaasna ay katirsanaadaan. Waxaa sidoo kale dagaal dhexmaray Absame iyo Harti oo kawada tirsanaa isbahaysigii Ajiga, dagaalladaas wakhtiyo badan ma socon waana laga heshiiyay barigaas. Waxaa jiray Dagaallo dhacay wakhtiyadii dambe ee gumaysiga joogay. Sannadkii 1905.1910kii waxaa qarxay dagaalkii Biyomaalka iyo Talyaaniga wuxuuna sababay in qoysas Biyomaal ah u soo qaxaan Jamaame. Waxaa markaas qarxay dagaal kale oo dhex maray Biyomaalka iyo Ajiga. Markii dagaalku dhammaan waayay oo dagaalka maraayo meesha la yiraahdo Garaska Boramo ayaa Talyaanigu kala dhexgalay, halkaasna ka dhigay seeraha labada qolo. Dagaalkii wardayda kadib waxaa xeerkii Ajiga kusoo biiray Baantuuga oo asal ahaan kasoo jeedo Tansania iyo Zanzibaar iyo Meshunguliga oo waayahaas aagga yimid. Dabayaaqadii 1860kiidii waxaa Kismaayo soo gaaray Nin la oranjiray Seyfu-Nuur oo Sansibaar laga soo diray wuxuuna heshiis la galay Ajigii Waamo ka talinaayay heshiiskaas kadib Jubbaland waxay ka tirsanayd saldanadii Suldaan Barghash Bin Saciid. 1. Goormay gumaystayaashii reer galbeedka yimaadeen yaase dagaal kala hortegey? Suldaan Sayid Barghash Bin Saciid oo isagu gacanta ku hayey Jubaland ayaa sanadkii 1887 dhulka Jubaland ku wareejiyey shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray “British East Africa Company”. Siddeed sano ka dib (1895) ayaa si buuxda boqortooyadii Ingiriisku ula wareegtay maamulkii Jubaland, lana hoos geeyey maamulkii guud ee Ingiriiska ee Bariga Afrika ee “British East Africa Protectorate” Intaa kadib waxaa bilowday dagaal dheer oo dhexmaray beesha Absame oo dhinac ah iyo ciidamadii boqortooyada Ingiriiska oo ay taageerayaan ciidamo Afrikaan ah oo lagu magacaabi jiray “King’s African Rifles” iyo Ciidamo kale oo Hindi ah. Dagaalkani waxa uu bilowday sanadkii 1896 ka dib markii Beesha Absame ay diideen in ay canshuur siiyaan maamulkii Ingiriiska, iyo iyada oo Ingiriisku ku eedeeyey beesha Absame in ay yihiin qaswadayaal. Ka dib waxay ay taladu faraha ka baxday markii mid ka mid ah odayaasha beesha Absame uu isku dayey in uu waran caloosha ka galiyo madixii maamulka Ingiriiska, waqtigaas oo magaalada Kismaayo dhexdeeda uu shir uga socday odayaasha dhaqanka ee beesha Absame iyo maamulka Ingiriiska ee Jubaland. In kasta oo ninkii Ingiriiska ahaa uu ka badbaaday dilka, haddana xaaladda cirka ayay isku shareertay. Kornayl F.H.James oo dhacdadaas wax ka qoray waxa uu yiri sidan: “For some years the Ogaden Somalis had been causing trouble which culminated in an extensive slave raid into Jubaland in 1896. The Ogaden Chiefs were called to Kismayu by the Commissioner to meet at a Durbar. During one of the discussions one of the chiefs attempted to murder the Commissioner by throwing a knife at him. The Commissioner had been warned to expect something of this sort and had hidden a strong guard in other rooms of the residency. When the trouble began the guard reacted immediately by storming the room and killing all the chiefs except for a few who were able to escape by jumping from the windows of the residency. It was decided to take punitive measures to bring the Ogaden to order”. (fiiri buuga: “History of the 1st Battalion 6th Rajputana Rifles (Wellesleys), Aldershot: Gale & Polden Ltd, 1938, pp. 127 – 132). 2.Dilkii taliyihii Ingiriiska ee Jubbaland SIR ARTHUR JENNER iyo isu hub uruursigii 2da dhinac. Waxaa ay reer Jubbaland usoo mareen xornimada Somaliya dhibaatooyin badan iyo dagaallo iyo bara-kicin ba´an oo kasoo wajahday gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Dagaaladii Reer jubbaland iyo ingiriiska dhexmaray waxaa ka mid ahaa dagaalkii ka bilowdey dilkii loo gaystay SIR ARTHUR JENNER oo ahaa madaxii maamulkii Ingiriiska ee Jubaland, waxaa dilay niman dagaalyahano ah oo ka tirsan beesha Absame taariikhdu markay ahayd 13th November 1900. Intaas ka dib maamulkii Ingiriiska ayaa wacad ku maray in uu cagta mariyo waxa uu ugu magac daray “Ogaden Revolt” ama “Gadoodkii Beesha Ogaadeen”. Ingiriiska waxa uu ciidamo dheeraad ah ka soo daabulay magaalada Bombay ee Hindiya. Dhinaca kale beesha Absame iyaguna waxay dagaalkaas bilowday uga qeyb galay 4,000 (afar kun) oo dagaalyahan oo ay ugu tala galeen in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo ay ahayd xarunta maamulkii Ingriiska ee Jubaland. Ciidankaas tiraas leh waxa uu argagax ku riday ciidamadii Ingiriiska, kuwii Afrikaanka ee “King’s African Rifles” iyo ciidamadii Hindida ahayd. (Warkan waxaa laga soo guuriyey: House of Commons Sessional Papers, 1901, Vol 12: Colonies and British Possessions, Afria, page 13 ilaa 14). Hoos ka akhriso warbaahinta Ingiriiska ee magaalada London oo ka faalootay ciidankaas tiradiisu tahay 4,000 ee beesha Ogaden ugu tala gashay in ay Ingiriiska kaga xoreeyaan dhulka Jubaland. NOTE: Warbixintan ku saabsan ciidanka beesha Absame waxaa laga heli karaa qeybta keydka ee Jariidada caanka ah ee ka soo baxda Ingiriiska ee “The Daily Telegraph”, Issue 9928, 27 November 1900, Page 5. 3.Geesigii Caanka ahaa ee.Sheekh Cabdiraxman Sh. Mursal Hogaamiyihii caanka ahaa ee aadka ula dagaalamay gumaystayaashii waxaa kamid ahaa Sheekh Cabdiraxman Sh. Mursal oo dagaallo adag oo taariikhi ah lagalay Ingiriiskii, dhulalka uu ka dagaalami jiray sheekh Cabdiraxmaan waa deegaanada Gedo iyo Jubbada dhexe. Waxaad caddeyn ka heli kartaa britishcolonialafrica/ oo ah page lagu aruuriyey qaar kamid ah taariikhdii Gumaystaha ee Afrika. Weerarradii caanka ahaa ee uu Ingiriiska ku qaaday waxaa kamid ahaa weerarkii uu wadaadku Ingiriiska askartiissii kaga dilay 40 nin kagana furtay hub iyo rag nolol uu ku qabtay 1915tii. Wadaadka Sheekh C./raxman Mursal way yaqaanaan dadka reer Jubbaland taariikhdiisa. Haddii aan dadka qaar xusuusiyo waa ninkii sokorta iyo raashinka wabiga kaga shubay Ingiriiska, kadib markii uu subax weerar ku qaaday taliskii Ingiriiska ee Baardheere deedna askar badan kaga laayay, markii ay ciidamadii ingiriiska carareen ayuu wuxuu halkaa ka rartay raashin iyos sokor fara badan oo loogu tala galay in subaxaa gunno loo siiyo askartii Soomaalida ee ingiriiska u shaqayneysay. Ciidankii Ingiriiska waxay weerar afar dhinac ah ku soo qaadeen wadaadkii, isna markuu ogaaday in dhanwalba laga joogo meel uu ku baxsadana jirin sokortana laga furan doono, ayuu yiri wallee shaydaanku bishaan minshahar looma doonto shaahna afka ma saaro, halkaa ayuuna sokortii wabiga kaga daadshay. Waxay noqotay in Askartii ay sidaa gunnadii ku waayaan oo ay qaadato muddo inta gunno kale loo keenaayo. Soomaalida qaarbaa qisadaa u bedeley kaftan iyo qosol maadays ku jiro oo tiri sheekhu wabiguu macaaneeyey, inkastoo dadka qaarna ku kaftamaan qabiilkii wabiga macaaneeyey. dagaaladii ba´naa ee wadaadku ingiriiska lagalay waxaad si khaas ah uga heli kartaa linkigan hoose. britishcolonialafrica/PDFS/4_JUBALAND_1917-18_SINGLE_2_.pdf. Sannadkii 1925kii baa Ingiriisku si rasmi ah ugu wareejiyay Jubbaland Talyaaniga. Isla wakhtiyadaas waxaa Dhulka soo gaaray ciidamo badan oo ka tirsanaan jiray daraawiishtii Sayid Maxammed Cabdille Xasan kadib markay Istaageen dagaalladii Daraawiishta iyo Ingiriiska waxayna ciidamadaas ka qeeb qaateen dagaalladii markii danbe aadka loola galay Talyaaniga. Taariikhdaa kore waxaa dheer taariikho badan oo ka danbeeyey oo ay Jubbaland Soo martay ilaa iyo maanta. Kahadalkooda waxaan isleeyahay maanta kuma haboona, maadaamaa lagu jiro xilli la daweeynaayo boogo badan oo Soomaalidu kasoo gaarey dagaalladii sokeeye. Taariikhdu intaa kuma eka way socotaa wayna socon doontaa, Sidaa awgeed Waxaan dowladda Federaalka uga digaynaa in aysan taariikhda Somaliya baal madow ka gelin. Waxaan sidoo kale dowladda ka codsanaynaa in ay wax ka qabato dadka qaran duminta wado ee dowladda ka agdhow amaba ka tirsan, kuwaasoo si toos ah ummadda Soomaaliyeed Ee Jubbaland degan ugu xadgudbo Soomaalinimadooda lama taabtaanka ah.
Posted on: Tue, 23 Jul 2013 03:23:42 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015