SIDA LOO SAMAYSTO WADAN diyaarintii eng khadar axmed kaahin - TopicsExpress



          

SIDA LOO SAMAYSTO WADAN diyaarintii eng khadar axmed kaahin Waddada loo maro in kursi laga helo qaramada midoobay oolagu noqdo dal madax bannaan ma aha midamma kuwo isku wada mid ah oo hal wadooo kaliya ah. Si kastaba ha noqotee, qormadan oo aan ula baxay ‘’ Sida loosamaysto waddan’’, waxa aan ku soo qaadan doonaa afar shardi oo fudud oo kuu iftiimin doona guud ahaan sida looguguulaysan karo in aad samaysato waddan jira oo la aqoonsanyahay. Tani maaha midka turjumaysa in aan ahay khabiir ku xeel dheer siyaasadda iyo xidhiidhadacaalamiga ah, balse waa mid aan ku sameeyay baadhis yar oo cishooyin ah. 1. Xaqiiji bal hortainaad u qalantid Waddan Somaliland waxa looaqoonsan yahay inay tahay De-factostate. ‘’ De Facto’’ waa kalmad Latin ahoo macnaheedu yahay af-ingiriisi ‘’ concerning fact’’ amma af-soomali ‘’laxidhiidha xaqiiqada’’. Waxa ay ka dhigantahay, kalmaddan lagu sifeeyay qarankaSomaliland, in xaqiiqada jirta uu adduunweynuhu innoo ogsoonyahay. Xaqiiqadaas oo ah inaynu buuxinnay dhammaanastaamaha lagu asteeyo dal madax-bannaan sida calan, ciidamo,dastuur,lacag, dhul go’an oo la yaqaan iyo dadjoogto ah. Koonfurta Sudan oo ahaa wadankii ugu danbeeyay ee si rasmi ah ugamid noqda qaramada 150-ka ka badan ee kujira Qaramada Midoobay, ayaa inna galisay yididiilo dheeraad ah iyo inaynu karumayn karno hammigeennan labaatan jirka kor u dhaafay. Inaan ku raago se majeceli qodobkan. Waa mid aynu ka wada dharagsan nahay oon in badan dhagaheennumaqleen. Maxaase xiga? 2. Inaad ku dhawaaqdoinaad rabto madax-bannaani: Ka dib marka aad buuxiso astaamaha qaran leeyahay, ha moodinin isla markiiba si kadis ah laguu aqbali doono laguuna soo dhawayn doono. Majiro sharci uga yaalla wadamada cidda aysiin karaan aqoonsi iyo cidda aanay siin karin. Waa arrin la xidhiidha dane dhaqaale amma mid dhuleed . Laakinwaxa aad helaysaa laba faa’iido ka dib marka aad caddaysaysato inaad rabto madax bannaani. Qaramada Midoobaywaxa meel u yaalla oo la isla qaatay xilligii Dagaalkii Qaboobaa( The Cold War)uu socday, in bulshooyinka ku dhawaaqa madax-bannaani xoog amma awoodmilitary aan lagu soo celin karinmarnaba ,islamarkaana, la xushmeeyo dhulka ay sheegteen (territorialintegrity). Xilligaas lagu jiray dagaalkii qaboobaa waxa samaysmay dawlado yaryar oo farobadan kuwaasoo raba in laaqoonsado madax-bannaanida ay ku dhawaaqeen . Marxaladdan marka dalku marayoweli waa De-facto state. 3. In lagu aqoonsado Runtii macno weyn ma samaynayso aasaasitaanka iyo yagleelitaanka waddan ilaa iyo ay waddamada kale u aqoonsan yihiinoo ay qirsan yihiin jiritaanka waddankaas.Taaso ah inay aqbalaan baasaboorkiisa , xidhiidhoganacsi iyo qaar dublamaasiyadeed oo rasmi ahna la wadaagaan. Aqoonsigacaalamiga ahi waa ka waddan u banneeya inuu ka mid noqdo beesha caalamka oo uuka qeyb galo tartannada caalamiga ah sida kuwa ciyaaraha fudud ee Olympics-ka loo yaqaan .Waa ka ay New Zealand kaga duwantahay Nagomo-Karabakhs. Si kastaba ha ahaatee, aqoonsigu waa arrin cufan ookoobsada labada arrimood oo kala ah ;sharciga caalamiga ah( international law) iyo siyaasadda caalamigaah(international politics). Inkasta oo mararka qaar lagu soo koobo inuu yahayarrin keliya la xidhiidha siyaasadda taasoo tusaale aynu u soo qaadan karnoxilligii lagu jiray dagaalkii qaboobaa oo ay jireen North Vietnam iyo SouthVietnam, North Korea iyo South Korea , East iyo West Germany. Jiritaankoodawadammadaas kor ku xusan, dalalka qaarna wey aqoonsanaayeen qaarna ma ayaqoonsanayn waxaanay ku xidhnayd oo keliya mabda’a siyaasadeed ee uu waddankaasileeyahay.Waxa jiray xilligan labada mabda’ ee kala ah Hantigoosad-ka iyoHawl-waddaag-ga. Aqoonsigan ku tiirsan siyaasaddu weli adduunka wuu ka jiraawaxaana jira qaramo ay waddamada qaar aqoonsanyihiin qaarna aanay aqoonsanayn.Waxaana ka mid ah Falastiin( Palestine), Taywan (Taiwan)iyo Qubrusta Waqooyi(Northern Cyprus). Su’aasha meesha taallaa waxay tahay; Ma jiraan haddaba tolow dawlado farsamo ahaanictiraafsan Somaliland laakiin aan si rasmi ah u soo bandhigayn weli? Haddii ayjiraanse , waxa aad ogsoonaataa in arrinka ictiraafku uu weli yahay midsiyaasad ku xidhan iyo dano dhaqaale. Maraykanka haddii aad rabto in uu kuictiraafo waa inaad maqashiisaa wax dan ah oo ugu jirta inuu ictiraafo. ‘’Strategic priorities’ amma ahmiyado istaraatiijiyadeed ayaa sal ah inaad heshoaqbalaadda waddan kale. Aqoonsiga Caalamiga ah looma aqoonsana sida xuquuqahabani-aadanimada oo kale inkastoo ay tahay in la tixgaliyo rabitaanka bulshooyinkacaalamka. 4. Inaad ku biirto naadiga la aqoonsan yahay Tan iyo markii la aasaasay 1945-kii , ka mid noqoshada QaramadaMidoobay waxay u noqotay cabbir dahabiya sharcinimada caalamiga ah(international legitimacy). Saasoo ay tahay, marka laguu ogollaado inaan ka mid noqoto Qaramada Midoobay, waa sidiioo shaabad laguugu dhuftay inaad tahay xubin buuxda oo ka mida BulshadaCaalamka. Haddaba side ayaad u codsan kartaa xubinimada QaramadaMidoobay? Jawaabta su’aashaas haddii aan isku dayo. Marka loo eego xeerarka uyaalla Qaramada Midoobay, waxa taas kaaga filnaan kara in codsigaaga xubinimo ku qorto waraaq una dirto xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay. Warqaddaasmma warqadahaasi waa qaar aad u kooban oo u fudud. Waxa laga yaabaa inaadisweydiiso akhriste sidee ayay u fudududahay in Xog-hayaha dhan ee QaramadaMidoobay aad u qori kartid warqad? Waxa aad ku diri kartaa codsigaaga address-kan layska wadayaqaan ee soo socda: Ban Ki Moon Secretary-General The United Nations First Ave. At 46th St, New York, NY 10017 Intaas markaad samayso ayay imanaysaa qeybtii ugu adkayd.Golaha Ammaanku (Security Council) waain ay kuu gudbiyaan Golaha Guud( General Assembly), kuwaas oo qaadi doona cod. Waa in saddex meelood labameelood aqlabiyad ahi ay u codeeyaan inaad tahay qaran nabadda jecel(Peace-loving state) kaas oo fulin kara waajibaadka uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay( UN Charter). Hadda maaha miqiyaaska ay wax ku qiyaasayaan rabitaan shacbi eeogow waa inaad tahay waddan nabadda jecel. Siday doonaan ha u yaqaaneennabad-jacaylka’e. Runtii waxa jira bulshooyin faro-badan oo codsadanayay kamid noqoshada Qaramada Midoobay muddo farabadan waxaana ka mid ah qabiilooyinkaHindida ah ee dagga America( AmericanIdian tribes ) iyo sidaan rajaynayo Somaliland-teennanba. Laakiinse waa in aadhorta kasbataa kalsoonida dhinacyada amma dalalka marka hore. Haddii kalefaylkaaga waxa lagu tuurayaa baaldiga xashiishka. Waxa markaa ku iftiimaysa in carqalladda ugu weyn ee kaahorjoogsan karta inaad ka mid noqoto Qaramada Midoobay ay iskugu soo biyoshubanayso awood siyaasadeed(power politics). Tusaale ahaan, Waqooyiga Kuuriyaiyo Koonfurta Kuuriya labadaba umay suurto galin inay xubinnimo buuxda helaan ilaa iyo sannadkii 1991-kii taas oo ayugu wacnayd awoodda qayyaxan (Veto) oo ay isticmaalayeen kolba xulufo( waalabadii xulufo ee Hanti-goosadka iyo Hanti-wadaagga’e) xilligaas oo lagu jirayDagaalkii Qaboobaa. Xattaa maanta, Ruushku waxa uu adeegsaday Veto si aanay Kosovouga helin kursi joogto ah QaramadaMidoobay. Taiwan waxa ay ka mid ahayd wadamadii aasaasayba Qaramada Midoobaywaxaanay kursi ku lahayd Golaha Ammaanka. Laakiinse, sannadkii 1971-kii ayaa dibadda looga sootuuray iyadoo la tixgalinayo waddanka weyn ee Shiinaha. Sannadkaas oo uugo’aansaday madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Richard Nixon inuu booqasho kutago Beijing. Dawladda Taiwan waxa ay si aan kala go’ lahayn u codsanaysayxubbinimo laga soo bilaabo 1993-kii, laakiin dhag looma dhigo. Waqtigan aynujoognona Qaramada Midoobay xattaa iskumaba hawsho inay furto wixii waraaqocodsi ah ee kaga yimaada Taiwan. Sida aad aragtid haddaba, waxa dhul lagu dhaqanyahay kadhiga inuu noqdo dal u jira si rasmi ah , waa mid in yar uun ku xidhanbulshadaas. Aqoonsiga caalamiga ahna qiimihiisu waa mid aan sugnayn oo danesalka ku haya. Laakiinse, warka farxadda leh ayaa waxa uu yahay, marka uu sii dheeraado waqtiga aad sugaysidba, waxasii badanaya fursadahaaga lagugu aqbali karo. Sharciga caalamiga ah, oo ahmid ku salaysan caado( custom) ,waxa uu tibaaxayaa marka uu sii dheeraadowaqtiga aad ku sii dhaganaan karto xornimadaada de facto-da ahba, waxa siikordhaysa suurto-galnimada laguu aqbali karo inaad noqoto waddan si rasmi ahxor u ah. Awoodda codsiga xornimo-doonka ah ee Kosovo rabto inay kagahoos baxdo Serbia waxa uu ku salaysnaa xaqiiqada jirta ee ah in ay kamadax-bannaanayd Serbia muddo toban sanno ku dhawaad ah balse taasi ma aydhaxalsiin in la aqoonsado. Tusaale kaa ka sii wanaagsan waxa aynu u soo qaadan karnaa Nidaamka Military ee Madaxa-bannaan ee Maltaoo loo yaqaan ‘’ Soveriegn Military Orderof Malta ‘’ oo jirta 900 oo sanno taas oo la leh xidhiidho diblomaasiyadeed in ka badan 100waddan waxa ay ku leedahay Qaramada Midoobay xubin goob-joognimo ( observerstatus) ,inkasta oo badka dhulka ay ku fadhidaa uu yahay mid ku kooban ookeliya dhismayaal dhowr ah oo ku dhex yaalla Caasimadda Rome. Markaa ha ka niyad jabina .Inaad samaysataan waddan jira maaha arrin aan suurto gal ahayn. Afartaasshardi ee kor ku xusan ayuunbaa lagaaga baahan yahay inaad buuxiso. Waxaseay u baahan tahay samir aad u farobadaniyo inaad samaysato saaxiibbo habboon ookugu taageera qaddiyaddaada. Eng. Khadar Axmed Faarax Kaahin K_kaahin@hotmail
Posted on: Sun, 07 Jul 2013 20:28:26 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015