Sacad Ibn Abii Waqas (Allaah Haka Raali Noqde) (Oo Ka Mid Ah - TopicsExpress



          

Sacad Ibn Abii Waqas (Allaah Haka Raali Noqde) (Oo Ka Mid Ah Tobankii Loogu Bishaareeyey Jannada) Wuxuu Yiri Nabigaa (Salallaahu Caleyhi Wasalam) I Soo Booqday Anigoo Aad U Xanuunsanaya. Arrintanina Waxay Dhacaday Kolkuu Rasuulku Gutay Xajkii Sagootiga, Markaasaan Waxaan Ku Iri: Rasuul Alloow (S.C.W.) Waad Aragtaa Sida Xaalkeygu Yahay. Waxaanan Leeyahay Xoolo Badan, Wax I Dhaxlana Gabadh Kaliyaan Leeyahay, Ee Maalkayga Saddex Meelood Labo Ma Sadaqaystaa? Wuxuu Yiri Nabigu (S.C.W.): Maya Waxaan Idhi: Badhna Rasuul Alloow? Wuxuu Yiri: Maya. Waxaan Idhi: Sedex Melood Meelna? Wuxuu Yiri: Haah, Iyadaana Waliba Badan. Dadka Dhaxalkaaga Leh Inaad Ka Tagtid Iyagoo Hodan Ah Baa Ka Khayr Badan Inaad Ka Tagtid Iyagoo Sabool Ah Oo Aad Ku Qasabto Inay Dadka Gacmaha Hoos Dhigtaan. Sadaqo Kasta Oo Aad Wejiga Alle Ula Baxdidna Ajar Baad Ka Heleysaa, Xataa Raashin Waxoogaa Ah Oo Aad Haweenaydaada Afkeeda Galisidba Ha Ahaatee, Alle Wuu Kaa Ajar Siin. Dabadeed Waxaan Idhi: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) Saaxiibaday Ma Ka Hadhayaa? Wuxuu Yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) Kama Aad Hadhaysid. Camalkii Aad Fasho Oo Aad Alle Dartii Ula Jeedidba Ajar Iyo Derejaad Ka Sii Helaysaa, Waxaana Laga Yaabaa Inaad Muddo Noolaato Oo Cimri Dherer Lagu Siiyo Oo Ay Markaas Qoon Muslimiin Ah Kaa Faaiidaystaan, Qoon Gaalo Ahina Gacantaada Lagu Ciqaabo. Kadibna Rasuulkii Alle Ilaahay Buu Baryey Oo Yiri: Alloow Asxaabtayda Hijradoodii Ka Yeel Mid Dhan Oo Guuleysta Gadaalna Ha U Celin. Waxaase In Loo Murugoodo Leh Sacad Ibnu Khawla Ee Gadaal Looga Soo Tagey, Makkana Ku Dhintay, Rasuulkii Allena (S.C.W.) Naxariis Iyo Samaan Buu Alle Uga Baryey. (Bukhaari Iyo Muslim)
Posted on: Fri, 18 Oct 2013 11:48:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015