Talow Wasiir Waran cade Sidee Isku Baraa! Odayaal uma Kaxaysan - TopicsExpress



          

Talow Wasiir Waran cade Sidee Isku Baraa! Odayaal uma Kaxaysan karo oo waxay nuqsaan ku tahay Aqoontayda iyo Himiladayda nololeed, Reer tolkayna Gaar ahaan Isaxaaq (Bashtuuga Xaafada), kuma qancin karo inaan samayno kacdoonkii reer Masar oo kale, oo Waa Muuse Biixiga Xaafada, Odayaal jufadayda uma dalban karo, oo waa khabiir kasoo baxay dugsigii Cigaal (AHUN) ee Tribal-politico Ideology, oo intaanan wada gaadhin ayuu fulinaya Xeerki caanka ahaa Ee "Odayada Hano, Dhalintu wa Dabrantee", Xafadisa ma tuurtuur yeyn karo, oo wuxuu Shaah badan la soo cabay KGB-di Rusia, waana xeel dheer yaqaan daba-marka iyo daba galka, gaar ahan tii Soviet, oo halis bay naftaydu galaysa! Lalama murmi karo, oo sidii Duur la odhan maayo waar Raga il-madeerka Geedka geeya, ee waxa la odhan ka Aamus Odayga ku adeerka Inkaari kugu dhacde, Hadaba waa yaabe sidee Duqa Cirada ku xaragooda loo waajahaa? Jawaabtu waxay dhaafi wayday arintan: In la furo Buuga Dacwada dadka ka Seexan waayey Cida Libaaxyada, iyo kuwa la nool cabsida joogtada, dhanka kalana Qolyaha reer galbeedka loo qora araaji lagu eedaynayo Siyaasiga Lumiyey Xaquuqdi Xayawaanka, kadib markuu meel shacab dagan yahay uu ku dhaqay Xayawan Halisa, dhawr Kaysna wan haysta, arintani ugu yaran waxay keeni inaan Miiska labada dhinac kasoo fadhiisan, Aan isba xaqirne, oo Odayo dhawr dhinaci idhahdan "Adeer Ina Baroud waxad wado jooji, Waar adna Wasiir Wiilka La hadal!" deedna aan sidii laba Siyaasi u sheekaysano, Maxad i ogoshay iyo Adeer xil qaran ayaan hayaaye Arintaa Samee!, dhawr habeena casho fiican wada cuno, si hoosana ugu sheego inaan Burco iyo Oodweyne kasoo jarayo Ardaaga (Baha Ismail), isagana hoos keeni doono iyo sadalada Yuusufisamka.
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 08:07:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015