Turkigu wuxuu yidhi inta wada hadalku socdo hadalada xanafta leh - TopicsExpress



          

Turkigu wuxuu yidhi inta wada hadalku socdo hadalada xanafta leh hala joojiyo, sidaa daraaded si qadarin leh baan ula hadlaya Madaxweynaha Somalia Mudane Madaxweyne hadal kaa u eeg baad ka tidhi 18 may xafladii schoolka Turkiga. Kalmadaa waan u soo noqon ee. Hadaad isbedel iyo is barbar dhig wado, may ahayn in school shisheeye dhisay in aad ka dgex tidhaahdid caadifada ka soo noqda ummada Somaliland oo maalin qiime u leh u dabaaldegaysa. Aan kuu sheego waxaad caadifada u arkaysay. Schools aanu gacantayda ku dhisnay waxay kor u dhaafayaan 2kun. Waxaa dhigta arday ku dhow 300kun oo arday. Waxaanu leenahay jaamacado kor u dhaafaya 30, oo aay dhigtaan arday dhaafaysa 20kun oo arday. Kumaan darin akedimayda military ga, farsamada gacanta, wax barashada aan caadiga ahayn ama ta dadka waaweyn. Machadyada aay dowladu shaqaalaheeda ku tababarto iyo waxbarashada hayadaha caalamiga ah kumaan darin. Waxaanu leenahay qorshe siyaasadeed oo lagu hago waxbarashada dalka Jamhuuriyada Somaliland. Wasaarada waxbarashada ee aay hoogaanka ka tahay Marwo Zamzam Abdi Aden fulisaa amaa hirgalisaa qorshahaa oo uu ugu horaysa Manhajka mideeya tacliinta qaybaheeda kala duwan. Hadaad intaa iskuul Turki kugu caawiyey ka dhex leedahay caadifada ka soo noqda, cidlaad gudaysaa ama la joogtaa. Hadaan u soo noqdo hadalka qaybtiisa kale, waxaad tidhi wixii shalay ina soo maray berito inagu soo noqon. Taana waxaan u aqaan "togba taagtii rogmay" oo itaalka waxaad ku hanjabaysaa intaada yar iyo waxaad filayso. Waxaad ujeedaa hadaynu shalay isdilay, hanagu kalifina dagaal danbe. Taana jawaabteeda halkan kugu siin maayo.
Posted on: Fri, 07 Jun 2013 00:55:43 +0000

Trending Topics




© 2015