Waa qormo u qalanta wakhtiga ay kaa qaadanayso. Ogaal-lii ceeb ma - TopicsExpress



          

Waa qormo u qalanta wakhtiga ay kaa qaadanayso. Ogaal-lii ceeb ma aha. Dugsiyadeenu waxay ahayd inay ina baraan ogaal-liideena ama ogaal-yarideena. Waxa ayaan xumo ah inaynu kasoo baxno inagoo u qabna in aynu noqonay indheergarad, aqoonyahan, ama ogaalbadane xagga aan u haysana bulshada aan dugsiyadeena oo kale soo marin indhawgarad, aqoondaranayaal, ogaal-laawayaal ama ogaal-yarayaal. Ta ugu mudan waa sida aad u hawlgeli lahayd adigoo ogsoon in adiga iyo qayrkaaba ogaalkiinu yar yahay. Tollow waa sidee? Ma anaa og!
Posted on: Sun, 20 Oct 2013 13:50:51 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015