War bixin: Soomaalida ku nool kilinka 5-aad oo dhibaato ku qaba - TopicsExpress



          

War bixin: Soomaalida ku nool kilinka 5-aad oo dhibaato ku qaba xukuumada Ethiopia August 2013 - David Shin safiirkii hore ee dawlada Maraykanka ee dalka Ethiopia oo waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay wargeys dalka Ethiopia kasoo baxa ayaa waxaa uu sharaxay dhibaatada ay Soomaalida ku nool kilinka Shanaad ku qabaan xukuumadda Ethiopia ka jirta waxaana uu xusay in aad loogu xad gudbay Soomaalida kilinka Shanaad mudadii uu safiirka ahaa. David Shiin waxaa uu sheegay in intii uu joogay safaaradda Maraykanka ee Addis-Ababa oo aheyd intii u dhaxaysay sanadihii 1996 illaa 1999 uu goob joog u ahaa dhacdooyin aan tiro yarayn oo loo gaystay dad badan oo Soomaali ah kadib markii lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan Jabhadda ONLF oo degaankaas ka dagaalanta. “Mar aan dhawr jeer la kulmay Soomaalida Kilinka Shanaad wax ahmiyad ah uma aysan hayn siyaasadda Ethiopia gaar ahaan xilligii uu socday dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea” ayuu yiri David Shiin. Warkaan oo sidoo kale lagu qoray wargeyska Daily Ethiopia la yiraahdo ayaa waxaa uu Shiin ku sheegay in asaga shaqsiyan ay dawlada Ethiopia si dadban uga hor istaagtay inuu booqdo gobolka Soomaalida loona sheegay in sababo amaan uusan ugu safri Karin waxaase uu xusay in madaxda ONLF oo uu dhawr jeer la kulmayna ay u sheegeen in ciidamada Ethiopia ay aad u dhibaateeyaan dadka shacabka ah. “Waxaa xaqiiq ah in dad badan si bareer ah loo dilay kuwa la xiray oo la jir dilay” ayuu yiri David Shinn. Muxuu yahay doorka Maraykanka uu ku leeyahay xal laga gaaro dhibaatada gobolkaas ka taagan? Ayaa la waydiiyay safiirkii hore ee Maraykanka ee Ethiopia waxaana uu kaga jawaabay “Inkasta oo aan u hadleyn dawlada Maraykanka haddana waxaan aaminsanahay in Maraykanku uu taageerayo wada hadalada nabada ee gobolka laga samaynayo” Diblomaasigaan Maraykanka waxaa uu u xusay in inkastoo hormar badan oo dhanka wada hadalada la gaaray haddana ay wada hadalada badankood hakad galeen wixii ka dambeeyay geeridii Meles Zenawe R/wasaarihii hore ee Ethiopia. “Dad badan oo Soomaalida kilinka Shanaad degen ayaa aaminsan in dawlada Maraykanka ay Ethiopia ku taageerto siyaasadda ay gobolka ka haysato taasoo sawir xun ku abuurtay siyaasadda Maraykanka ee gobolka” ayaa la weydiiyay diblomaasigaan waxaana uu kaga jawaabay “Anni ahaan Maraykanka waxaan u jeedin lahaa inay taageeraan wada hadalo dhex mara dawlada Ethiopia iyo jabhadda ONLF dadka gobolkana waxaana leeyahay wax badan ka ogaada gar gaarka Maraykanka uu Ethiopia siiyo” Aragti ahaan inuu jiro walaac uu ka qabo in dagaalyahano ka tirsan Al-Qacida ama Al-Shabab ay saameyn ku yeeshaan degaanka oo ay ka faa’idaystaan xurgufta gobolka ka jirta ayaa waxaa uu tilmaamay in arrintaasi aysan wax wal ah ku hayn. “Waa ay jirtay mar wal wal badan arrintaan laga qabay oo ay gobolka galeen xubno ka tirsan ururkii Al-Itaxaad Al-Islamiyaha waana ay jiri kartaa in Al-Shabab mar mar weeraraan gobolka sida tii dhacday 2007,dii oo 9 ruux oo Shiinaha u dhashay ay ku dileen hase ahaatee hadda Aniga iyo Maraykankaba wal walkaas ma qabno” ayuu yiri Ugu dambeyn David Shiin waxaa uu talo ahaan ugu soo jeediyay dawlada Ethiopia iyo hogaanka jabhadda ONLF ee willi diidan wada hadalada in waqti badan la galiyo dib u amba qaadista wada hadalada dadka Soomaalida ahna loo madax banaaneeyo hawlahooda gaarka ah . Gobolka kilinka Shanaad ee Ethiopia ay maamusho dhawr jeer ayay hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha kasoo wariyeen dhacdooyin bini’aadanimada ka baxsan oo ka dhacay inkastoo xukuumadda Addis-Ababa ay beeniso eedeyntaas.
Posted on: Wed, 28 Aug 2013 15:10:51 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015