Warqad qoraal ah oo naga soo gaartay aqristayaasha ku tixan isla - TopicsExpress



          

Warqad qoraal ah oo naga soo gaartay aqristayaasha ku tixan isla shabakadaan waxa ayna u qorneed sida taan ee aqriso wacan:- “Websiteyada qaar waxaan ka codsaneynaa in ay naga dhafaan arimaha ay had iyo jeer ay ka hadlaan oo ku saabsan Galmada sharciga ah sababtoo ah mar aan warbixin ku saabsan galmada aan ka aqriyay mid ka mid ah websiteyada soomaalida ayaan is celin waayay kabacdi wiil aan saxibo nahay ayaan ka dalbaday kamirada habeenkii dhan halkaas ayaan ku heynay macaanka iyo macaanto iyo waxyaaba kale oo aan jecleen in aan halkaan ka sheego marka habeenkii saas ayaan ku kala tagnay. Habeenkii ku-xigtay waxaan arkay asoo leh Macaanto noo dalab hee kamirada. ane waan ka diiday waxaan ku dhahay aboowe waa danbi ee naga dhaaf danbi intii xalay ilaah hanoogu ekeeyo intaas markii aan dhahay markaas ayoo igu dhahay “abaayo xalay amarkaada waan qaatay oo waan bashaalnay caawane amar keyga qaado ee noo soo dalab kamirada hadii kale shekadeenii xalay waan qarxinaa” . markaas ayaan ku dhahay aboowe maxaad qarxinaysaa shekadaas xalay ayay aheed waana lasoo dhaafay intaas markii aan ku dhahay ayoo qosol la dhacyay kkkkkk oo lasoo booday xalay oo dhan documinti ayaan kaa diyaarshay ee fiiri yaah sawirka aan soo saari doono, intaas markii ay afkiisa ka soo baxday ayaan mar qura niyada qalaw iiga soo dhahday imoo xalay dhan wixii aad sameyneyseen oo duubaayay waan naxay walaahi walaal. kabacdi maxoo sameeyay mataqanaa sawir aan qaawanahay ayuu soo saartay shaashada MSN-ka ane waxaan la dhacay naxdin iyo qeylo waxaan la soo booday waryaa maxaad sameysay xalay masaas ayaad ii galaysaa miyaada aheen wiil walaal key ah oo i jecel waryaa ka daji sawirka meesha iyo hadalo kale oo aan inta aan ku sheegi karin oo badan intaas markii ay afkeyga ka baxday wiilkii waa dajiyay Sawirkii kabacdi maxaa dhacay? mataqanaa sawirkii mid ka sii daran ayuu soo saaray oo leeyahay nayaa kamirada madalabtaa ama sawiradaan waxaan soo galshaa alaada internetka. Waxaan ku dhahay aboowe waan ku baryaa hasoo galin internetka waa dalbaa kamirada ee wax yar sug, markii aan istaas dhahay ayaan u yeeray gabar ila dhalatay oo iga yar waxaan ugu sheekeeyay shekadii, gabadha walaashey aheed wey i canaanatay, canaan ka bacdi waxay igula talisay in aan kamirada u dalbin wiilka sababtoo ah waxa oo soo wado ayaa kasii daran ee ha u ogolaan kamirada abaayo, kabacdi waxaan go’aansaday in aan kamirada u dalbin wiilka oo aan internetka ugu baxo. Habeenkii waan iska jiiftay, habeenkii xigtay ayaan hadane internetka soo galay waxaaba facebookga liigu soo diray linka markii aan linkgaas kilik ku siiyay waxaan tagayba Youtube naxdin ayaa isoo gashay, Youtube markii oo soo kacay ayaan waxaan arkay sawiro farabadan oo aniga leeyahay oo ay ku jiraan sawira qaawan iyo kuwa iska caadi ah iyo qoraalo lagu soo qoray waa heblo.. waxay ku nooshahay wadankaas.. waa sharmuuto… iyo wax ka siidaran. Marka yarkii saas ayuu iiga dhintay mar kale dib iskuma xariirin, ane waxaan noqday maskixiyan qof aan joogin, waxaana mar qura hawada ka baxay saxiibo farabadan aan lahaay kadib markii ay arkeen waxa igu dhacay ama Yutbeka lasoo galshay. Marka websiteyada qaar waxaan ka codsanaa in ay yareyaan waxa ay soo qoraan. Waxaan halkaan kula talinaa gabdhaha Soomaaliyeed in ay iska ilaalshaan wiilasha ay saxibada la noqonayaan sababtoo ah waxaa jiro wiilal anshax xun.”by ahmed dahir
Posted on: Sun, 04 Aug 2013 04:45:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015