الأخبار بالعربية videos/muuqaal Maqaalo Contact - TopicsExpress



          

الأخبار بالعربية videos/muuqaal Maqaalo Contact Us HOME WARAR NEWS IN ENGLISH MAQAALO ARTICLES OGEYSIIS/XAYEYSIIS VIDEOS/MUUQAAL Shaki kuma jiro inuu Cabdulaahi Xuseen u hiiliyay dadkiisa dulman Waxaan shalay iyo maanta aad loo hadal hayay dalka Sweden dhibaatada ay ku hayso Itobiya dadka shacabka ah een waxba galabsan eek u nool Ogadenya ka dib markii habeen hoore laga daawaday STV1 filimkii Dokumentriga ahaa ee laga soo diyaariyay cajaladihii uu sida geesinimada leh uga soo saaray Cabdulaahi Xuseen qasnada Gacan-kudhiigle Cabdi Iley. Saxaafadda ayaa aad u soo qaatay wixii lagu soo bandhigay filimka iyagoo wareysiyo isdaba joog ah la yeeshay Cabdulaahi Xuseen iyo labadii wariye ee xabsiga Itobiya ku xidhnaa ilaa uu ka dhintay Meles Zanawi oo hubaal ay tahay inuu wax ka ogaa dambi beenaadka lagu soo oogay labada wariye maadaama uu ahaa aabaha dhabta ah ee Cabdi iley uu ka tala qaadan jiray. Wargeyska caanka ah ee Aftonbladet oo Cabdulaahi Xuseen wareystay ayaa yidhi; waxyaabaha uu soo bandhigay filimka waa qayb yar oo ka mid ah dambiyada ka dhacay Ogadenya. Markaan arintaa kala hadlay Cabdi Iley wuu igu qoslay ayuu yidhi Cabdulaahi, markaa ayaanan ogaaday buu yidhi inuu masuul ka yahay isaga waxa ka dhacaya dalka oo amrkiisa lagu fulinayo. (- It was when I brought it up with the president , and he did not do anything but smile, and I knew he was one of those who were behind this , that I decided to switch sides , says Abdullahi Hussein told Aftonbladet .) Waxay isku raaceen wargaysayada ka soo baxa dalkaa in dambiyada laga galay shacabka Somalida Ogadenya ee cadaymahooda la hayo la horkeeni karo maxkamadda iyadoo uu noo sheegay mar aan teleefoon ku wareysanay mudane Cabdulaahi Xuseen inuu ku wareejinayo 100 saacadood oo filimaan ah xafiiska Xeerilaaliyaha Qaranka ee Dambiyada Dawliga ah (the International Public Prosecution Office in Stockholm ). Wuxuu noo sheegay Cabdulaahi Xuseen in malaayiintii daawatay Filimka oo waqti xasaasi ah (Prime Time) la soo daayay ay isweydiinayaan sababta ay xukuumadda Sweden xidhiidhka ula leedahay dawlad xasuuq iyo gaboodfal ku haysa dad shacab ah oy leedahay masuul ayaan ka nahay. Wuxuu intaa raaciyay Cabdulaahi inay qareenada ugu caansan dalka Sweden uu midwalba goonidiisa ula soo xidhiidhay iyagoo codsanaya inay la wareegaan qadiyadda oy maxkamadda horgeeyaan. Ugu dambayntiina waxaa qadiyadda la wareegay Qareen Stellan Gärde oo dambiyada noocan ah ku takhasusay oo dalka Sweden caan ka ah. Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah TV-ga Itobiya ee Jigjiga laga daawado oo mar kale filimkii ay horey ugu fashilmeen ku soo caliyay taasoo kaga cadhaysiisay qaar ka mid ah siyaasiyiin Swedish ah oo markii hore ku difaacayay Itobiya in aanay shaqa ku lahayn filimkii labada wariye laga sameeyay ee maxkamadda lagu saaray. Filimka ay hadda soo daayeen ESTV oo waliba Cabdulaahi Itobiya uu ka dhex muuqdo isagoo aflabadii ku qirnayo inuu isaga ahaa ninkii maraanmaray labada wariye saxna uu ku ahaa arintaa ayay dadka sida fiican ula socda arimaha Jigjiga aqoontana u leh hab-dhaqanka Cabdi iley, waxay leeyihiin waa qorshe uu Cabdi iley dajiyay uguna talagay inuu uga siibto Cabdulaahi Itobiya qadiyadaa oo isaga dusha laga saaro, hadii dawladda Itobiya ama maxkmadaha caalamka laga dalbado qofkii masuulka ka ahaa. Mr. Andrew Rocksén oo ah ninka Filimka isku dubariday ayaa yidhi waxyaaba la yaab leh oo murugo kugu abuuraya ayaan ka daawaday 9kii bilood een ku hawlanaa filimkan taasoo ku tusaysa mujrimiin gacan-ku-dhiiglayaal ah inay galeen dambiyada halkaa ka dhacay, waxaanan rajaynayaa inay markhaati cad oo maxkamadaha la horkeeni karo uu noqdo filamkaa. Ugu dambayntii, wuxuu noo sheegay Cabdulaahi Xuseen inuu bilaabi doono goor aan fogayn qaybtii 2aad ee filimadan oon ugu talagalnay dadka u dhashay dalka Ogadenya say u arkaan dambiyada iyo gaboodfalka qaawan ee lagu hayo shacabka iyo beenta loo shaaegayo maalinwalba ee la leeyahay nabad iyo horumar ayaa ka socda Ogadenya. Qayb ka mid ah Filimka ONA. Short URL: ogadennet/?p=26556 Posted by wariye6 on Oct 16 2013. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed. LEAVE A REPLY Name (required) Mail (will not be published) (required) Website Privacy & Terms RECENT ENTRIES Jaliyadda Sweden oo shir wada tashi iyo sagootin ah isugu yimid Shaki kuma jiro inuu Cabdulaahi Xuseen u hiiliyay dadkiisa dulman Jaaliyada Galbeedka Australia (Perth) oo meel kuwada ciiday. Xidhitaankii & Goaamadii shirweynihii 19aad ee Jaaliyadaha Ogadenya Mudaaharaad Balaadhan oo Maanta Gilgilay Magaalooyinka Waawayn ee Itoobiya Xailemaryam Desaaleen oo la shaagay inuu qarsoodi ku iman doono Ogadenya iyo CWXO oo heegan la galiyay Sanadwalba ku Ciida Farxad – Ilaahay haka soo daayo dadka cadaalada darada ugu xidhan xabsiyada Itobiya Jaaliyada Denmark oo Shir Heer Sare ah Qabsatay Isu-Duwaha ESSENCE OF TERROR oo wareysi siiya idaacad 1aad ee Sweden Shir Ay Isugu Yimaden OYSU MN oo Si Habsami ah Udhacay FEATURED LINKS 1 Isniin 7:00 PM 2 Talado 7:00 PM 3 Jimce 7:00 PM 4 Sabti 7:00 PM Arbaco Awaare Axad BBC 11:00 GMT BBC 14:00 GMT BBC 18:00 GMT BBC 4:00 GMT haleelo haradigeed Isniin ogaden Online ogadentoday ONA Arabic onlf.org qorahay Online Radio xoriyo Sabti vivaogaden VOA 4:00 PM VOA 6:30 AM VOA 7:00 PM VOA 8:00 PM SEARCH ARCHIVE Search by Date Search by Category Search with Google PHOTO GALLERY Aan Habee Hooyo Miyaan Odhan Karaa Ilmahayga? Waa ruwaayad Cusub oo ka dhici doonta magaalada London waa Goorma? Jaaliyada UK oo diyaar garow adag ugu jirta Shirka “Ogaden To Dadaab In Search of Peace” Agoonteenii iyo Bisha Ramadaan – Ninkii Khayr doonayow u dagdag. Xafiiska WFFO oo diyaariyay Cajalad muuqaal ah oo gudaha Ogadenya laga soo duubay Ogeysiis: OYSU Greater Manchester oo qabanaysa Xaflad Hiddo iyo Dhaqan OGEYSIIS: Bandhiga Carwada Hiddaha Iyo Dhaqanka Ogadeniya OYSU Norwey ONA Traffic Visitors Last 24 hours: 7,919 Last 7 days: 61,351 Last 30 days: 217,156 Online now: 21 TRAFFIC COUNTER RSS Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet
Posted on: Fri, 18 Oct 2013 06:43:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015