4AAD kistoo baashaala MAAHMAAYADA REER BANAADIRIGA QAAR: • - TopicsExpress



          

4AAD kistoo baashaala MAAHMAAYADA REER BANAADIRIGA QAAR: • Tabar taada ogaaw ceeb ma ahan • Gambaalo ninkii gaaraa guntadaa • War la uunba uunbeeyo weeykaxaa ka roon. • Yeele waa hilmaamaa la yeelo ma hilmaamo • Luuq luuq marrow laazim laamigaas imahaa • La faltee la beeqtee ka roon. • Ninkii soo jog laga waayo soo jiifaa laga helaa • Baabuur qaboo jinni qaboo • Musbax mininkaa u baahan minin dadoo ma lagu daaro • Abkee dooli diloo dad nool maas u daahaa • Saxan saxan ku gud Saan saan ku gud • Af daboolan dahab. • Gacanaan gemaa goosaan jobihaa ma gabanaayi • Cawadoo qad aqal ka yeelo. • Xuskaa qab iyo xaajadaana qabo • Deriskaa ku deyo ama ku diin • Badoo dhan hal malaay yaa u riyay • Wareer caawo waa loo waaw bariistaa • Iid hortiisaa la aqal yeeshtaa • Qosol aan leesla qabin qaraabo goos waaye • Cumri dhamaaday ceeb ma lagu sabootiyo • Yaa ku dhobay kariinkaa • Bannaankiisa mare maradiisa bood ma qabsato • Mukulaal mininkeeda joogto mici libaaxeey leedahay • Mallaay maanyo ku jiro xawaaji ma loo shiito • Daayeer dabadiisa ma ku diimo daba dadoo aas ku diimaa • Iin fal-iin fal dhimmanyee lee • Ma rabtaa raqiis ma qabtaa qaal • Magac maskiin ma laga aha,maal mowlaa loo qabaa • Ceeb khasaaraa ka roon • Burtii cunti bootintiisaa la rabaa • Shakki yaqiinaa ka roon • Nin sigti ma noola • Dadayasho doorabo ka uurowti • Dooro qoor qabasho bish maka dhanto • Tacsiiyo mala urisho(ooysi ma uro) • Diin qaboo darajo qaboo • Mininkee iiga bax & Maalkee i sii meel loo moodo male • Wax wallaaloow lagu waayi waryaa hooy ma lagu helo. • Wahsadoo wiilkiisa ma korsado • Waano waalid diidoow waraabaa cunaa • Juuq kuugu jiro mala jeriyo • Bilaayo ku haysato aboo aboo ma loogu boxo • Nin jeedo mala kiciyo nin hurdaa la kiciyaa • Nin is hinjiyo aa la humbaaraa • Aabaa kan yar iga celi kan weyn anaa iska celihaa • Afar naagloow amaraa ku haystaa • Xaalkaa xabiibkaagaa loo sheegtaa • Jinkaa la dheel kana dhug lahaaw • Nimmaan dhul marin dhaayo male • Raaliya helaa raaxo adduun helay • Mallaay makaalinaa keentaa macaaneyna meher • Minnin aan musbax (naag) lahayn ma nuuro • Ninkii shab aad iska siisid shafeecaad ka heleey • Hunguri weyne malaayaa saab ugu dhacay • Maaskey i sii meel loo moodo male • Gurbaan gacalkaa ha kuu haayo ama garabkaa ha kuugu jiro • Gurbaan la xadi,goob laka tumee la done • Afkaa feed ilkahaa aan tiriyo aad wadaa • Albaab furan mala galo ee weji furanaa la gala • Wax la yaqaan aroos wax la yaqaan ha kuu dhashee • Nin naagtaa rabo gabartee hoo makaa yeelaayo • Naftaa ka qaad naftaa u qaad • Ninkii is xarakeeyaa la xurmeeyaa • Darajo diidow duliyaa kuu dambeeyaa • Dhoorsadaa dhammaan baxay • Erbet aruurti misaar • Tuuge lama tuugo taajirkaa loo tegaa • Nin faruuran ma fooriyo • Caasigaa mininka ma mooga • Wallaalkaa dheeftiisa dhegtaa raaxadeeda Waaye • Shan beri Sheekh ma lagu noqdo • Maal wallaalkaa dhereg ma loo cunno • Magac iyo masiibo maaliney baxaan • Ishiisa laku arkaa ushiisa lagu tumaa • Habartii doqon dhasho ii dooriyoo ma hesho • Kaa barte waa kaa badiyaa • Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi • Intay tirnaan lahayd ha tilmaanaato • Bun la waayee badelkis mala waayo • Nin waalan wallaalkiisaa u miirsan. • Damiin far waaweenaa wax loogu dhigaa. • Buris bax lee ma loo kasaayo. • Xumoo ha joogo samoona ha joogo. • Baahanoo baqti kuu bannaan. • Geedkii rooroor lagu koro roorooraa loogu degaa. • Kala bax kitaabkaa sheegi. • Hilib xeeb yaalee huunfeey ma dhaafto. • Dooli rooroorkiis Mukulaal dhirifkeeda waaye. • Dheesha in kastoo dheel tahay haddana ma lagu dheelo. • Tuug tuugaas ku mudaa. • Waltii feleetee fel marii awaa ka weynyee ha falin. • Fa’aa waxtiis falee fal fanjibo ha koo dhecee. • Saantaa meeltii ka batee sumcadaa ka dhumideeye. • War la uunba-uunbeeyo weykaxaa ka roon. • Meeshii Iftiin soo galo mugdi waa ka baxaa. • Tuug la qabti tabar male. • Naf qabee sheey ma qabo. • Is ma hurtooy yaan leys haleynina. • Fa’aa wixiis roor ku waayo fadhigaa Allah kugu siiyo. • Ninboo naftaa nabiyoo ummaddaa. • FIIRO GAAR AH. WELI WAA SOCATAA SHEEKADAN INTAN WAA MUCDA KELIYA, WAANA XAFIDAN YAHAY BUUGAN. FADLAN,AKHRISTOOW KU DARSO COMMENTS AMA TALLO SOOMAALINIMO OO WAX LAGU SAXAAYO HADEEY KULA NOQOTO Email-KEYGANA WAA garweyne79@hotmail MAHADSANID
Posted on: Mon, 09 Sep 2013 05:41:35 +0000

Trending Topics



class="stbody" style="min-height:30px;">
Esto dice la letra menuda del proyecto de reforma de la
Hi all, Warmest welcome to serious candidates who are interested

Recently Viewed Topics




© 2015