Aad baan uga xumahay una cambaareeynayaa weerarka naftii halignimo - TopicsExpress



          

Aad baan uga xumahay una cambaareeynayaa weerarka naftii halignimo ee maanta lala a beegsaday maqaayada The Village ee magaalada Muqdisho halkaas oo dad rayid ah oo aan waxbo galabsan ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac. Waxa aan u tacsiyadeeynayaa dhamaan qoysaska dadkii halkaa ku dhintay, inta dhaawacantayna Alle ha noo bogsiiyo. Tani waxaa ay na tusineeysaa arxandarada kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Al-qaacida iyo cadaawada fog ee ay u hayaan shacabkeena Soomaaliyeed iyo dalkeena Somalia oo mudo dagaal sokeeye ah ka dib soo kabanaya. Haddii aanu nahay xukuumadda Soomaaliya ma jirto wax dadaal ah oo aanu la hari doono si aan uga ciribtirno kooxahaan aragaxisada ah dalkeena. Argagixisadu waxaa ay marayaan maalmihi ugu dambeeyay ee ay sii joogaan Soomaalia, waana sida neef gowracan oo sameeynaya rafashadii ugu dambeesay marayana daqiiqadihi ugu dambeesay noloshiisa.
Posted on: Sat, 07 Sep 2013 13:45:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015