Afar sano, ayaa ka soo wareegatay dhimashadii Eng Maxamed Xuseen - TopicsExpress



          

Afar sano, ayaa ka soo wareegatay dhimashadii Eng Maxamed Xuseen Caddow, oo ka mid ahaa aqoon yahannadii Soomaaliyeed, kana mid ahaa xubnihii wax ka soo aas’aasay dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliyeed, oo September 2012 u gudubtay dowlad rasmi ah. ALLAHA u raxmadee 19-kii June 2009 maanta oo kale waxa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dhintey Eng. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa xildhibaannadii dowladdii KMG aheyd, kadib dagaal ka dhacey degmada Kaaraan kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladdii KMG aheyd iyo kooxda Al-shabab xilli uu xildhibaanku dhulkiisa ka difaacayay maleeshiyada Shabaab ee deegaanada Soomaaliyeed ku soo duushey. Eng. Caddow oo ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee aqoonyahanka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xilli galab ah maanta oo kale afar sano ka hor dagaal ka dhacay meel u dhow hoygiisa oo ku yaallay degmada Kaaraan ku dhintay ka dib markii tiro badan oo ka mid ah maleshiyada Al-shabab weerar dhinaca badda ah kaga soo qaadeen degmada Kaaraan xilligaas. Maxamed Xuseen Caddow (Eng. Caddow), ayaa ku taamayay in dalka dhibaatada uu ka baxo, lana helo dowladnimo shaqeysa, taas uu mar kaste ku cel celin jirey marka uu la kulmo dadka in uu dhiiggiisa u daadin karo. Isagoo ku jira dadaalkaasi, ayuuna ku dhintey, markaas oo ay dad badani dhihi karaan Caddow, wuxu u dhintey dalkiisa iyo dadkiisa, haddana yoolkii uu u dhintay Illaah mahaddi waa la gaaray, oo dalku wuxuu leeyahay dowlad rasmi ah oo aan KMG aheyn. Caddow, ayaa u tartamay xilkii madaxtinnimo ee dowladdii KMG aheyd ee Kenya lagu soo dhisay, markaas uu ka mid noqday afarta musharax ee ugu codadka badnayd doorashadii Kenya ka dhacday ee dowladdii C/laahi Yusuf Axmed lagu soo dhisay, inkastoo markii dambe wareeggii xigay uu sheegay in uu ka tanaasulay in uu sii tartamo. Mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee beesha ALLAHA u raxmadee xildhibaan Eng. Caddow ka soo jeeday, islamarkaasina ka mid ahaa dadkii aasay xildhibaanka, ayaa sheegay in Eng. Caddow iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay dagaalka ku dhinteen xilli ay deegaankooda ka difaacayeen Al-shabab. Inkastoo aanay helin Engineer Caddow iyo raggii isaga la midka ahaa gurmadkii ay u baahnaayeen iyo taageeradii, ayuu haddana odey dhaqameedka oo magaciisa diidey in la shaaciyo sheegay inay sharaf u aheyd in uu xildhibaanka shahiido isagoo dalkiisana ka difaacaya soo duulayaashii dhibka geystay. Afar sano ayaa ka soo wareegatay geerida Caddow, laakiin wali waxa taagan hadda aas’aaskii wixii ay soo unkeen dadkii uu isagu ka mid ahaa. Maanta, waxa sidoo kale Illaah xamdigiisa ah in degmadii Kaaraan ee uu dhiiggiisa ku daatay Eng. Maxamed Xuseen Caddow ay xur tahay, dadka degmada iyo reer Muqdisho dhan ay wali xasuusanayaan Maxamed Xuseen Caddow. Si kastabe, ha’ahaatee bishan June, waxay shacabka Soomaaliyeed u ahedy mid ka mid ah bilihii ugu xumaa ee soo mara. 17-kii June 2009, waxa dagaal ka dhacay Hodan, Muqdisho ku dhintey talihii booliska gobolka Banaadir AUN Col. Cali Saacid, 18-kii June ee isla sanadkaasi waxaa Baladweyne qarax lagu dilay AUN wasiirkii hore ee amniga Col. Cumar Xaashi Aden, Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogey Addis Ababa Cabdi Kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil iyo odayaal dhaqameedyo ku dhow 80 ruux, 19-kii June 2009 waxaa isna dagaalkii Kaaraan ku dhintey Eng. Maxamed Xuseen Caddow AUN. Maxamed Nuur Amiin Nuuramiin@hotmail Muqdisho, Soomaaliya
Posted on: Wed, 19 Jun 2013 07:49:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015