BAAHIDA MASKAXDA(Somali) Sida uu qofkasta dareemi karo raashinka - TopicsExpress



          

SYD

BAAHIDA MASKAXDA(Somali) Sida uu qofkasta dareemi karo raashinka iyo biyaha ayaa ah baahida asaasiga ah ee uu qofku u baahanyahay noloshiisa, balse dad yar oo aan badneen ayaa fahmi kara baahida ay maskaxdu dareento inta uu qofku noolyahay, dhamaan dadka xikmada jecel ayaa isku raacsan hadii aan si hagaagsan loo daboolin baahida maskaxda in noloshu aysan wax qiimo ah yeelanayn, si la mid ah sida loo koriyo jirka qofka waa in loo barbaariyaa maskaxda bani aadamka, waxaan ogsoonahay in dadka dunida ku nool ay ku kala hormareen habka nolosha, sababta ugu wayn oo dadku ay u kala hormareen aya lagu tilmaama sida loogu kala duwan yahay koriinshaha maskaxda . Runtii lama soo koobi karo arimaha badan ee ay maskaxdu u oomantahay, balse maqaalku wuxu si gaar ah u sharixi doona mid ka mid ah baahida ugu daran ee ay maskaxdu dareento, si ay maskaxdu u korto waa in ay heshaa xog badan, hadaba baahida ugu daran ee maskaxda ayaa noqonaysa helida macluumaad badan oo maskaxda u sahasha in ay curiso fikrado badan oo hormarin kara nolosha qofka iyo guud ahaan tan dadka, dad badan ayaa aaminsan in waxbarashadu ay tahay habka ugu fudud ee lagu dabooli karo baahida maskaxda, balse hadii si kale loo fiiriyo waxbarashadu waxay qofku u sahlaysaa oo kaliya sidii uu ku baran lahaa xirfad uu ku shaqaysto si uu daboolo baahida asaasiga ah ee jirka, hadaba lama dhihi karo qofkasta oo xirfad bartaa wuxuu ka qaan gaaray maskaxda waayo waxaan maalin kasta aragnaa kuwo badan oo aqoonyahano lagu sheego oo ka garasho liita inanta yare ee waxaraha ku ilaalisa baadiyaha fog ee dalka . Waxaan soo ogaanay baahida ugu daran ee maskaxda in ay tahay helida xog badan si loo kobciyo garashada qofka , waxaa hadaba mudan in la iswaydiiyo habka ugu fudud oo ay maskaxdu ku heli karto macluumadka ay u baahantahay, dhamaan dadka lagu tilmaamo in ay maskaxda ka qaan gaareen waxay ka sinaayeen hal dabeecad oo malaha ay ka dhaxleen baahida maskaxdooda, dabeecadaas ayaa ah in ay si waali ah u jecelyihin wax aqriska, runtii dadka dareema baahida wax aqriska ayaa ah dad fara ku tiris ah marka la fiiriyo dadka soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan, wadamada iyo qaaradaha ay ku noolyihiin dadyowga dareema baahida wax aqriska waxaa ku badan ganacsiga buugaagta, sidoo kale waxaa ku badan rugaha wax lagu aqriyo iyo madbacadaha wax lagu daabaco. Hadaba waa sidee baahida maskaxda ama baahida wax aqriska marka loo kuur galo sida ay u noolyihiin soomalida meelkasta oo ay joogaan, soomalida waxay caan ku yihiin in ay ku liitaan wax aqriska taaso laga dhaxlay ka dib markii baahida maskaxda laga waayay soomalida meelkasta oo ay ku noolyihiin, sidoo kale waxaan caan ku nahay dad jecel in ay aad u raadiyaan war cusub balse habka aan wararka u raadino ayaa ah qaab aad u danbeeya oo badi dadku ay ka hormareen, magaca waryaa oo soomalida looga yaqaan dalalka dariska ayaa ka tarjumaya sida aan nahay dad ku nool hadalka oo jecel in ay marwalba qaab maqal ku raadiyaan wixii cusub. Inta aynaan ka hadlin faa’idada laga heli karo wax aqriska ayaan waxaan ku dhaqsanaynaa in aan sharaxno siyaabaha ay u dhaqmaan dadka aan ka helin wax aqriska, marka ugu horaysa qofka ama dadka aan waxba aqrin waxay u dhaqmaan sidii caruurta marka la fiiriyo sida ay u fakaraan iyo waliba sida ay u noolyihiin, wax aqris la’aanta waxay garashada qofka dhaxalsiisa in uu adoon u noqdo habka ay u fakaraan dad asaga la mid ah, aqristaha wuxuu ku wareeri karaa waxa aan ula jeedno adoon xaga garashada iyo fakarka ah, qofka jaahilka ah lama garan karo sidii uu u dhaqmi lahaa hadii uu wax baran lahaa, waaxana laga yaaba hadii uu helo iftiinka aqoonta in uu ku mami lahaa wax aqriska,balse waxaan ka hadlaynaa dadka wax bartay balse dhaqan ka dhigtay in wax loo sheegay ay iskula dhax wareegan halkii ay wax ka aqrin lahaayen, qofba qofka u ka aqris yar yahay waxuu ku jiraa ciriiri xaga fakarka ah, waana taas sababta soomalida meelkasta oo ay joogan ay ugu adagtahay sidi ay ku heli lahaayen fikradii ay ku badbaadin lahaayen dalkooda burbursan mudada labaatanka sano ah. Soomalida dadkooda wax qora aad looma yaqaano,balse waxaa caan ah dadka meelaha ka wacdiya ama idaacadaha ka gabya, mar hadii aysan jirin baahi wax aqris ma jirayso sabab loo qiimeeyo qof wax qora, qiimaha waxkasta waxay ku xirantahay baahida loo qabo,wax aqriska wuxuu qofka ka dhaxlaa in uu maskaxda xor ka noqdo, hadii aad u kuur gashid qaabka aan u fakirno waxaad ogaanaysaa in aan nahay dad aad u colaadiya qofkii isku daya in uu fikrad cusub baadigoobo asagoo daboolaya baahida maskaxda, tusaale ahaan wixi ka danbeeyay waxa aan u naqaano xiligii xornimada oo hada laga joogo mudo 50 sano ah ma aysan dhicin in fikrad cusub oo xal u noqon karta dhibaatada ina haysato la baadi gobo, sababta kaliya ee ay u suurta gali la’dahay in la helo fikradii na badbaadin lahayd ayaa in aynaan marnaba isku dayin in la barbaaiyo maskaxdii u sahantagi lahayd fikradaha aan u omoonahay. Buuga ayaa noqday saaxiibka ugu qaalisan noloshan casriga ah ,waa saaxiibka kaliya ee kaa haqab tiri kara baahida maskaxda, sidoo kale buuga aya noqday wehelka ugu fiican marka ay timaado cidlada, hadii aad si wanaagsan u saaxiibtaan buuga waxaa hubanti ah in uu kugu abaal marin doono fikrado noloshaada wax wayn ka badala, Ceebta ugu daran ee soomalida haysata ma ahan oo kaliya in aan nahay dad ku liita wax aqriska, waxaaba laga yaaba in la helo dad badan oo afrikaan ah oo ku liita aqriska , balse ceebta aysan cidna nala wadaagin ayaa ah in aan nahay dadka kaliya ee madaxdooda aysan waxba aqrin, mar hadii siyaasiyiinti iyo madaxdii dalka aysan waxba aqrin side loo filan in dalka uu gaaro wax uun hormar ah? malaha balwada ugu fiican ayaa ah balwada wax aqrinta, waa balwada kaliya ee quudin karta maskaxdeena, maalmahan waxaa aad u soo shaac baxay balwad halis ah taasoo ah in aan si nacasnimo ah isku xamano!
Posted on: Sat, 24 Aug 2013 09:24:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015