Baabuur siday hub iyo tuute ciidan oo ciidan kamida shabaabku ku - TopicsExpress



          

Baabuur siday hub iyo tuute ciidan oo ciidan kamida shabaabku ku qabteen Jilib July 9, 2013 // admin1 // News Warar Dhanaan ay si hoose ku heshay ayaa sheegaya in shalay magaalada Jilib lagu qabtay baabuur waday hub iyo tuute ciidan oo ay soo dirtay dowlada Somalia.Baabuurkan ayaa sida xogtu nagu soo gaadhay waxaa soo gudbiyay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab waxayna soo gaadhsiiyeen ilaa iyo Jilib.Baabuurka ayaa usocday Bare Hiiraale oo heshiis hoose la galay urur weynaha Alshabaab. Shalay waxaa magaalada Jilib ka dhacay kulan balaadhan oo ay kasoo qeyb galeen 32 masuul oo katirsan xarakada Alshabaab kuwaas oo ka tashanayay qaabka ay ula dhaqmayaan Bare Hiiraale.Qaar kamida shabaabka ayaa aaminsan in Bare Hiiraale loo fududeeyo musaacadada uu ka helayo DFS loona soo gudbiyo halka qaar kale ay arintaas kasoo horjeedaan ayna aaminsan yihin in Bare Hiiraale uu keensado maleeshiyaad loo tababaro uuna ka dhexdagaalamo Alshabaab. Wararku waxay sheegayaan in kulankii shalay lagu go’aamiyay in baabuurka dowlada soo dirtay shabaabku la wareegaan.Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in Bare Hiiraale loo wareejiyo magaalada Baraawe oo hada saldhiga guud ee xarakada Alshabaab.Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in saaka Bare Hiiraale loo qaaday magaalada Baraawe.Wixii kasoo kordha arintan kala soco wararkaanaga dambe. Dhanaan
Posted on: Tue, 09 Jul 2013 10:38:57 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015