Booqasho ayaan ku joognaa maalinkii saddexaad magaalada Nairobi oo - TopicsExpress



          

Booqasho ayaan ku joognaa maalinkii saddexaad magaalada Nairobi oo aan la kulanay talaadadii Safiirka Cusub ee USA u qaabilsan Somalia Ambassador James P. McAnulty. Ilaa 25 safiiro iyo wakiilo ka socda safaardaha dalalka Yurub iyo safiirka EU ee Somalia Michele Cervone ayaan iyagana ka wada hadalnay taageerada Somalia iyo shirka Brussels ee September, 2013. Si gaar ah waxaan isku aragnay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Italy iyo Safiirka Talyaaniga ee Somalia Andrea Mazzela. Maanta saraakiisha UNICEF ayaan kala hadalnay sii socod siinta hawsha Cisbitalka Galkacayo oo ay banaysay hay’ada MSF, halka UNOPS ayan kala hadalnay dardagelinta dhismaha Garoonka diyaaradaha Bossaso. Caawa waxaan la kulmay Fowsiyo Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibadda ee DF Somalia xiriirka Puntland iyo Federaalka iyo sidii loo ictiraafi lahaa dastuurika rasmiga ee lagu heshiiyay Nairobi, June 2012.
Posted on: Thu, 29 Aug 2013 18:44:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015