Chelsea Oo Booqashadeeda Asia Ku Soo Gabagabeysay 8-1 Ay Ku - TopicsExpress



          

Chelsea Oo Booqashadeeda Asia Ku Soo Gabagabeysay 8-1 Ay Ku Xasuuqday Xiddigaha Indonesia. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 25-07-13 6:31 PM Kooxda Chelsea ayaa guusheedii 3aad ee isku xigta ka gaartay booqashada ay ku mareyso Asia ka dib markii ay 8-1 ku xasuuqeen Xiddigaha Indonesia ciyaar ka dhacday Jakarta. Chelsea ayaa waxaa goolasha ka saaciday min labo gool oo kala dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Ramires. Iyadoo min gool ay u dhaliyeen Terry, Traore, Demba Ba iyo Hazarad oo gool rigoore ah u saxiixay kooxda Jose Mourinho. Goolka kaliya ee ay dhaliyeen xiddigaha Indonesia waxa uu ahaa gool ay Chelsea iska dhalisay daqiiqadii 67aad ee ciyaarta oo aheyd mid hal dhinac ah oo Chelsea ay iska maamuleysay. Chelsea ayaa booqashadeeda Asia ku bilowday 1-0 ay kaga badisay Xiddigaha Thailand, ka dib waxa ay 4-1 ku dubteen Xiddigaha Malaysia, haatan 8-1 ayay kaga badiyeen Xiddigaha Indonesia. Goolasha ayaa ahaa min afar gool oo ay Blues kala dhalisay labadii qeyb ee ciyaarta, waana markii ugu horeysay abid ee ay ku ciyaarto Indonesia. Waxaana uu kulankaan gabagabo u ahaa socdaalkeeda ay ku mareysay Asia. Ciyaartoyda U Ciyaartay Chelsea: Chelsea: Blackman (Schwarzer 45); Wallace (Ivanovic 45), Cahill, Terry (Kalas 45), Bertrand (Cole 45); Chalobah (Essien 45), Van Ginkel (McEachran 60); Ramires (Feruz 60), Hazard (Piazon 60), Moses (Traore 45); Ba (Lukaku 45). Goolasha: Hazard (rigoore) 21, Ramires 29, 56 Ba 32, Terry 45, Traore 50, Lukaku 52, 65
Posted on: Fri, 26 Jul 2013 14:32:56 +0000

Trending Topics




© 2015