Codkii Qaramada Midoobay loo qaaday in Gobolka Crimea kamid yahay - TopicsExpress



          

Codkii Qaramada Midoobay loo qaaday in Gobolka Crimea kamid yahay Ukraine iyo in kale, waxaa ka aamusay codeynta waddamo badan oo Africa ah. Waxaa kamid ah Egypt , South Africa, Ethiopia, Kenya, Zambia, Uganda, Rwanda, Senegal, Botswana. Waddamadaas waxay uga aamuseen waxaa kamida ah laba qodob oo muhiim ah. 1) Xiriir fiican ayey la leeyihin dalalka aduunka oo dhan oo uu ka mid tahay Russia. Mana ay doonayaan inay la kala saftaan quwadaha adduunka. 2) Go’aankoodu maaha mid wax ka badalaya xaaladda taagan, waayo waa go’aan aan looga baahnayn Ruushku inay fuliyaan (non-binding), maadama uusan isku raacin Golaha Amaanku oo ay diidmo qayaxan adeegsadeen. Xaalad noocaas oo kale ah waxa dalkaaga dantu ugu jirtaa inaad labada dhinac midna lumin oo aad iska aamusto. Waana sababta keentay dalalkaas badan ee Afrikaanku inay aamusaan. Waryaa nimankaan Somaliya hogaaminaya bara diblomaasiyadda. Codeynta waxay ka yaqaanan in ladhaho HAA iyo MAYA. Maxaa udiiday inay dantooda aqoonsdaaan, oo iska aamusaan?. Mise meeshii Turkigu u codeeyey bay fiirsanayeen oo la codeeyeen ? lol
Posted on: Fri, 28 Mar 2014 07:41:27 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015