DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA Hooyo. 1: - TopicsExpress



          

DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA Hooyo. 1: (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).
Posted on: Thu, 07 Nov 2013 13:54:58 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015