DEG DEG: Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia iyo madaxweynaha - TopicsExpress



          

DEG DEG: Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia iyo madaxweynaha Jubaland oo shir xasaasi ah War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay xubin kamida wafdiga Jubaland ee kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in hada shir xasaasi ah usocdo wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhananm iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan. Dhobley fm ayaa waxay xog ku heshay in labada masuul ka wada tashanayaan talaabada xigta ee la qaadayo mar hadii dowlada Somalia cagajiid iyo wakhti dhumis aan loo baahnayn. Kualanka labada masuul ayaa lagu wadaa inuu soo idlaado saacadaha soo socda. Ilo ka agdhow kulanka oo Dhobley fm u waramay ayaa sheegay in labada mid un ay kulanka kasii bixi doonto dowlada Somalia oo wixii lagu heshiiyay caawa saxiixda iyo in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe bari subax ka dhoofo Addis Ababa si uu ugu dhawaaqo maamulkiisa inta ka dhiman lagana tala baxo cagajiidka Muqdisho. Jubbaland state ayaa inshaa Allaahu idiin soo gudbin doonta wixii kasoo baxa kulanka labada masuul
Posted on: Sat, 24 Aug 2013 16:15:01 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015