DHEDO ROOB NOQON WEYDAY. RUN DACARTA KA QARAAR & RIYO AAN LA - TopicsExpress



          

DHEDO ROOB NOQON WEYDAY. RUN DACARTA KA QARAAR & RIYO AAN LA HELEYN. "Isbedelka aragtideyda siyaasadeed ee Soomaaliya" Waxaan mudo fog ku dhex jiray riyo wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah, jecel Diintiisa, Dadkiisa & Dalkiisa u wanaagsan inuu ku riyoodo, xitaa hadii uusan heleynin riyadaas macaan. Balse waxaa marar kaa hor imaanaya arimo ku argagax geliya oo kuu diidaya, xitaa inaad riyadaas macaan ku riyooto. Dad aad u fara badan ayaa isku dayay inay iiga digaan gogosha riyadeyda inaysan ahayn gogol gudaha ka wanaagsan ee inaan gogol ka wanaagsan riyada la doonto. Hal adayg & Soomaali jacayl Illaahay ii dhaliyay wax kastoo dhaca waxaan u arkay hadal wadkii galay & dad aanay u muuqan HALBEEGA & HIMILADA ii muuqata, waxaana ku oran jiray. Waxaan doonayaa inaan dadkan kuwa dhabarkooda kujira oo ay dhali doonaan badbaadiyo, hadii aan kuwan ka quusto. Marnaba kuma fekerin masku masbuu dhalaa. Waxaan sidoo kale u arkay asxaab iga hor cararay inay ahaayeen dad jilicsan sida. 1- Osman Obokor oo gudoomiye u ahaa xisbigii hanoolaato. 2- Prof. Ahmed Ismaaciil Samatar oo gudoomiye u ahaa xisbigii hanoolaato. 3- Prof. Mohamed Abdi Gaandi oo wasiir kasoo noqday xukuumadii Isbahaysiga. Iyo asxaab kale oo doorbiday inay hoos u gunaasaan. MASKU MASBUU DHALAA. Marnaba kuma fekerin, dadkii dagaalkii sokeeye ka qayb qaatay in dhididkoodu aanu dhaxal gal ahayn. Waa halka abwaanka Soomaaliyeed ka yiri. Nin walba dhacaankiisuu dhalaa DAD WANAAGSAN OO TIRO YAR AMA TAYO YAR. Waxaa jira dad aan wax lamid ah, Soomaalinimadooda & Islaamnimadooda aanay jirin oo ku dhex jira mowjadaha majaro habaabinta Soomaaliya. Dadkaasoo ay muhiim tahay in la xuso, isla markaasna aanay cadaalad ahayn in lagu eedeeyo midab takoor & musuq maasuq. Waxaana Illaahay ka rajeynayaa inuu kordhiyo tiradooda & tayadooda. CIRKA WARAF MALAGU DAYAY. Arimahan dheliyay inaan Federalka ka dhexdoono riyo kale oo wanaagsan, iskama imaanin. Balse waxaan sameeyay cilmi baaris & dhageysi dood cilmiyeedyo ku saabsan arimaha federalka, waxaan waraystay dad kala duwan, waxaan dhageystay doodo fara badan. Waxaan markii danbe go,aan saday inaan soo bandhigo. Waxayna taladeydii kusoo gabagabowday dood cilmiyeed la magac baxay HALBEEG oo aan ku qabtay London Savana Restaurant. Filasho wacan maqaalka oo dhameys tiran. Abdullahi Ali Hiirad hiirad.net twitter/hiirad7 facebook/hiirad7
Posted on: Wed, 31 Jul 2013 15:32:51 +0000

Trending Topics




© 2015