Dadku Waxay U Dhexeeyaan Cadaab Laba Dhabanle Ah Maxamed - TopicsExpress



          

Dadku Waxay U Dhexeeyaan Cadaab Laba Dhabanle Ah Maxamed Xasan Details Published on Sunday, 13 April 2014 08:14 Xogta Shacabka (Qabridahare): Maxamed Xasan waa muwaadin u dhashay magaalada Qabridahare ee gobolka Qorraxay oo qurbaha ku noolaa booqashona ku tagay Qabridahare todobaadkii u horeeyay bishan April. Barta Facebook ayuu soo dhigay warbixin uu kaga waramayo xaalada amni ee guud ahaan deegaanka gaar ahaana Qabridahare iyo nawaaxigeeda. Warbixintii Maxamed oo siduu u soo qoray ah nala arka. Ammaanka aad baa loo adkeeyay. Sifo ayna u dhicin, gaar ahaan deegaamada magaalooyinka,wax carqalad ah ayay dawladdu u adkaysay. Waxa laga adkaynayo inayna carqalad keeninna waa Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) oo halkan loogu yeedho UBO. Ammaanka la adkeeyay qiimo culus ayuu ugu kacay dadka deegaanka. Intii aan dhulka tagay waxaan la kulmay saddex nooc ciidan oo kala duwan. B). Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya, T). Booliiska Khaaska (Liyu Police) ah ee Dawlad Deegaanka, iyo J). Malleeshiyaad dagmeed. Saddexdan ciidan waan wada arkay hase yeeshee waxaa ugu muuqasho badan Liyuu Booliska, oo iyagu meel kasta taagan. Waxay saddexdooduba isugu soo kulmeen mar Koryeedhigii aan la socday istaagay Shaygoosh. Waxaa gaadhiga nala soo fuulay laba nin oo midkood aad u yar yahay xidhanna dirays cagaar tikh ah, oo la iigu sheegay inay ahaayeen maleeyisho. Waxaa iyana sidoo kale damcay inay gaadhiga nala fulaan laba nin oo dirayska askarta (Camouflage) xidhan. Hase yeeshee shacabkii gaadhiga saarnaa ayaa u diiday inay soo fuulaan kuwa dambe waayo waxay ahaayeen Milatari (aan Soomaali ahayn). Sababkaa ma fahmin. Buuq yar baa ka dhashay waxaana u yimid nin (Soomaali ah) nooc kale oo dirays askareed ah qaba oo labadii nin halkaa laabta ah sidaa uga riixay, af xabashina ku daldalay. Ninkaasina inuu Liyu Police ahaa baa la ii sheegay. Isku soo duuduuboo, saddexdan nooc ee askarta ah, ayaa geed kasta oo ku dherersan laamiga dheer hoos taagan. Waxaan arrinkan gaar ahaan aad uga bogtay maalintii Axadda ahayd ee 6 April ee aan ka soo noqday Qabridaharre. Laba laba iyo saddex saddex ayay xidhka ku teedsan laamiga il arag isugu muuqdeen. Xoogga afraad ciidan ah ee dhulka jooga waa ciidanka JWXO laakiin anigu ma arag. Waxaa igu maqaalo ah, si looga hortago si magaalooyinka ayna u soo galin Jabhad wax qarxisaa, in dadka oo ay u sii badan yihiin dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba loo diyaariyay cutubyo dadka dabagala ama maraanmara. Cutubyadani aqal kasta miyi iyo magaalaba dadka ku nool ayaa u tira kooban. Haddii cid kugu soo koradhana waa inaad soo war galisaa qofka aaggaaga qaabilsan. Waxay awood u leeyihiin in ay istaajiyaan qof kasta oo soconaya waydiiyaanna warqadda aqoonsiga. Dadka shacabka ah ee aan la sheekaystay, siday u badan yihiin, cabsi badan ayay ii sheegeen. Ciidamada nooc kasta ha ahaadeen ee ay ishaydu qabatay waxay ahaayeen dhallinyaro. Waxaana aad looga sheegtay in markii arrini timaaddo ayna dhallinyaradu u aabo yeelin ama tixgalin waxyaabihii dhaqanka iyo diinta ku samaa oo idil. Ciidanka Liyu Booliska ayaa ay dadku aad uga cabanayeen gaar ahaan. Maleeshiyo beeleedyadu iyagu qiimo badan (xushmo iyo cabsi toona) dadka agtiisa kuma lahayn. Waxa ugu badan ee LB lagu eedaynayay waxaa ka mid ahaa In ay dadka u xidhaan, una cadaabaan in ay yihiin taageero ama qof xigtadooda ah oo dhaw uu ka mid yahay JWXO. Quus ayay dadku ka muujiyeen arrinkan. JWXO iyaduna sidaa LB ayaa la iigu warramay inay shacabka u ciqaabto, una dhisho haddii raad la shaqayn dawladda ah uu soo galo. Intii aan joogay Qabridaharre waxaa la ii sheegay in ciidanka LB ay xareeyeen geelal qoysal lagu tuhmayay in ubadkoodu ay ku jiraan Jabhadda. Waxaa kale oo iyana aan warkeeda helay in dad badan loo xidhxidhay in wiil ama walaalkood uu Jabhadda ku jiro. Ololahan ooy dadku iigu warrameen in uu carancoorri yahay hadda, waxaa loo eersanayay in ay JWXO meel agagaarka Qabridaharre ah nin ay haybta is xigaan Madaxwayne Cabdi Maxmaud Cumar kaga gawraceen 80 neef oo adhi ah. Ninkaasi wax kale oo ku lug lahaa arrimaha ciidamada iyo LB midna la iiguma sheegin, si kasta oon arrinkaa u raadiyay. Waxay dadku u dhaxeeyaan, sidaas darteed, cadaab laba dhabanle ah. Qisooyinka aadka fajaca ii galayiyay een soo maqlay waxaa ka mid ah in dagaal ka dhacay deegaanka oo dhexmaray LB iyo JWXO lagu dilay hooyo afarteedii wiil oo ay lababa dhinac ka soo jeedday. Arrinka ugu daran ee shacabka haystay, sidaan soo dhagadhageeyay wuxuu ahaa, in dhallinyarada ku jirta labada dhinac ay iyagu isba yaqaannaan. Waxaa badan in wiil ka duday wax ay LB ku sameeyeen isaga iyo xigtadiisu uu u galo JWXO. Sidoo kale mid ka duday waxay JWXO ku fashay reerkooda uu u galo LB. Arrintani waxay dhalisay in marka si aaro goosi ku dhisan iyo utumo qabiil oo hore loo adeegsado hubka gacanta ku jira. Waxaana caadi ah in nin shalay ciidan ahaa, uu kuwii kale galo. In kasta oo arrinkan ay u badan yihiin JWXO u soo gasha LB. Waxay shacabku aad uga cawdeen laba arrimood oo hawshaas ku aaddan. B). Ninkii ka yimaadda JWXO si wayn baa loo soo dhaweeyaa, sadna waa la siiyaa, shacabkii iska joogay waxaan loo quudhin baa iyaga lagu sadaa. Arrinkani masayr buu keenay sida muuqata. T). Isagii soo xarooday ayaa, run iyo beenba, ku magac doonta daannaynta dad ay arrini u dhaxaysay, oo uu markaa ku sheego inay ahaayeen taageero JWXO. Ama qof shacab ah oo maalin u damqaday ay dawladda dib ugu soo xidhaan. Nin aan ku lug lahayn dawladda, ayaa iiga sheekeeyay qiso uu yidhi maankiisa kama baxdo. Malaha ciidamada LB iyo JWXO ayaa isugu dhigtay meel ka tirsan deegaanka. Waxaa la jabiyay JWXO. Nin dhallinyaro ah oo cararaya ayaa aqal ugu galay gabadh. Maqashay xabbaddii dhacaysay. Meel kale oo la galiyana ma leh. Markiiba dhakay saartay. Jeerikaan (haamo wax la yidhaahdo ma jiraane) meesha u qotomay ayay haf la tiri oo caagad ka buuxisay. Iyada oo filanaysa in wiilka lagu daba joogo, ayay isna karbaash huwisay. Iyana dharkii intay iska dhigtay maydhasho halkaa aqalka docdiisa ah isku qabatay. Askartii reerka baadhaysay ayaa u soo gashay. Bismillaahi raxmaani raxiim war ceebtaad Alla ma asturee naga iga joog. Sidaas ayuu ku badbaaday wiilkii. Mar uu soo xarooday kii la badbaadiyay, ayaa iyaga oo sida la sheegay qayilaya uu uga sheekeeyay rag LB kii ah in ayaantii dagaalkaas ay gabadhi sidaas u badbaadisay. Intii dib loo soo kaxeeyay ayaa gabadhii xabbad dhafoorka lagaga dhuftay buu yidhi. Ninkan sidan iigu xog warramay runbaan ku aqaannaa. Haddiiba ay sheekadan wax ka soo noqdaanna, waxay tusaale u tahay in dhib qoto dheer shacabka haysto. Waxaa kaaga sii daran, fursadaha tacliinta ee daadsan, oo aan anigu indhahayga ku soo arkay oo jira, kurayga Qabridaharre joogaa waxa ugu wayn ee ay ku himiloodaan ma aha bogashadeeda. Nin saaxiibkay ah oo waddanka ka shaqeeya, gaar ahaan horumarinta tacliinta ayaa iiga warramay daraasado kooban oo uu ku sameeyay himilada dhallaanka. Mar uu waydiiyay tobaneeyo wiil oo 8-12 jir ah waxa ay doonayaan in ay noqdaan markii ay waynaadaan, waxay u sheegeen in ay doonayaan inay noqdaan askari ama xerow. Askartana ma ayna kala qaadin, sheekh iyo macallin toonana ma ayna sheegin siduu hadalka iigu dhigay. Marka xasaradda qorigu haba oognaatee, waxaa kaaga sii daran sida xaabo loogu sii hayo. Waxyaabihii iyana mahadho igu reebay ee qalbigu ila xanuunay waxaa ka mid ahaa, haweenay lagu soo eedeeyay inay tahay taageere, oo garaacii loo dheereeyay wajiga, badanka iyo xubinta taranka oo laga gubo kaddibna xabsi dheer loogu daray. Xogtashacabka@outlook
Posted on: Fri, 16 May 2014 20:57:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015