Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu - TopicsExpress



          

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Naciimo, mahad ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-gall shabakadda facebook/wiilkiiriyada, oo laga la xiriiri moh ashirow waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan. Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markii ahaa 1985-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Fajri oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, sidoo Naciimo waxay dhigan jirtay iskuulka Mujamac Umul Quraa, oo ku yaalla degmada Boodheere. Aniga iyo Naciimo waxaa ku wada nooleyn degmada Yaaqshiid, sidoo kale naciimo waxaa isla soo dhiganay Dugsi Qur’aan, waxaana aalaaba qalbiga ku heyn Naciimo, anigoo aad ula dhacsanaa quruxda uu Rabi ugu deeqay. Muddo markaan wada joognay ayaa waxaa u qaaday jaceyl baaxad weyn leh, isla-markaana waxaa ka cabsin jiray inaan Naciimo u sheegto jaceylka aan u qabo, hase ahaatee waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah Naciimo oo iskuulka ka timid, misana aad u faraxsan ayaa waxaan u sheegtay jaceylkii, iyadoo si diiran igu soo dhaweysay. Waxan usii qaaday jaceyl kal iyo laab leh, mar walbana kama aysan bixi jirin qalbigeygaIyadoo iga dhaweyd dhamaan dhalinyarada xaafadda oo idil, maxaa yeelay waa gabadha kaliya ee aan jeclahay. In muddo ah markaan wada soconay ayaa waxaa Naciimo u suurta gashay inay aado Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaa oo ay ku nooleyd hooyadeed, isla-markaana waxaa magaaladda Muqdisho ku noqday qof kiligiis ah, maadaama ay iga tagtay gabadhii aan ifka ugu jeclaa ee Naciimo, waxaa iga soo haray fikir iyo amagaag, wareer aan dhamaad laheyn ayaa ila soo darisay, iyadoo ay igu xumaatay nolosha oo dhan, waxaana aad iga hor yimid dhamaan gabdhihii kala duwanaa ee ku noolaa degmada Yaaqshiid. Wuxuu waqtiga is-guraba ayaa waxaa dhacday inay Naciimo dib ugu soo laabato magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi ayaana kasii amba qaadnay jaceylkii inoo dhaxeeyay, waxaa noqonay lamaane uu ka dhaxeyo jaceyl ku dayasho mudan, mararka qaarkood dhalinyarada nala degneyd degmada Yaaqshiid ee aan isku xaafadda aheyn ayaa aad nooga maseyri jiray. Waxaa noqonay laba qof oo isku uur ah, waxaa noqonay laba qof oo uu ka dhaxeeyo jaceyl cajiib ah, sidoo kale Naciimo waxay aheyd gabadha kaliya ay nafteeda tabi jirtay, isla-markaasna waxay iga soocdeyn dhamaan gabdhihii xilligaa ku noolaa guud ahaan magaaladda caasimadd ah ee Muqdisho. Waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah inay Naciimo igu tiraahdo macaane waxaan doonaayaa inaan iskaga tago magaaladda Muqdisho, oo waxaan doonaayaa inaan aado Qaaradda Yurub, anigana waan ka aqbalay codsiga ay ila timid Naciimo, dardaaran xoogan ayaa iskula dar-daaranay, waxayna martay safar dheer oo ah, Syria, Turkey, Greece, ugu dambeen waxay nasiib u yeelatay dalka Norway. Naciimo markii ay Norway gashay ayaa waxaa inoo bilowdo xiriir toos ah, anagoo ku wada xiriiri jirnay qadadka Internet-ka iyo Teleefanadaba, wuxuuna jaceylkeynu ahaa, mid ku socda si habsami leh, isla-markaana waxaa muujin jirin tex-gelin xoogan oo dhanka naciimo ah. Muddo kadib ayaa waxaa dhacday is-badal xoogan oo ku yimid Naciimo, taa oo aad iga fajacisay, waxaana dhawr jeer isku dayay inaan Naciimo u sheegto, hab-dhaqanka cusub ee igu bilowday, mar walbana markaan wax ka weydiiyo, ayaa waxay igu jawaabi jirtay waa caadi, wax is-badal ah majiraan ama waxaan ahaa mashquul. Naciimo ayaa waxay kusii adkeysatay inay iga cago jiido, aad baan ula yaabay sida ay ila dhaqmeyso, misana ay ku ilowday jaceylkii halboolaha dhiiga goystay ee inoo dhaxeeyayWaana mid aan garan waayay sida ay ii deyrisay, misana ay iga goysatay. Kama aanan quusan oo waan daba orday, oo jeer baan dib u xasuusiyay jaceylkii iyo wacadkii inoo dhaxeeyay, nasiib daro taasi maaha mid ay wax ka qabatay Naciimo oo waxay ku adkeysatay inay iga goosato. Markaas ayaan waxaa ku calaacalay, Alla caashaqu dhib badanaa, dumarka Soomaaliyed qaarkoodna dayacaad badanaa, addduunkana wal-wal badanaa, waxaan iska baroorto, ama aan iska dhibtooda, Alle wuxuu qadaray inaan ka gaabsado Naciimo, xilli dheer kadibna waxaan guursaday gabar kale, oo iminka i heysa hal wiil, wuxuu waqtiga is-guraba, waxaan imaaday dalka Norway oo ay ku nooleyd Naciimo, sidoo kale Naciimo weli maysan guursan oo weli waxay dhex joogtaa dalka Norway.
Posted on: Fri, 27 Sep 2013 12:57:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015