Diiwaanka Dhacdooyinka (3) Xaajada oo halkaas mareysa, ayaa Dareen - TopicsExpress



          

Diiwaanka Dhacdooyinka (3) Xaajada oo halkaas mareysa, ayaa Dareen oo hadalka labada nin u dhug lahayd si suuq madow ahna ku dhageysaneysay, waxay ku jeedsatay Dalmar oo ay ogeyd inay Daacad isku reer yihiin, waxayna u taana-taaneysay in Dalab ku gooddiyey inuu Daacad ku dili doono Dildila, markii Dalmar inaas la maqashiiyeyna wuxuu Baabuurkii oo socda uu abaaray halkii laga hagayey iyo Darawalka, wuxuuna u sheegay sida wax u dhaceen, isagoona ka codsaday in lagu celiyo Dalsan oo ay mar dhow ka soo dhaqaaqeen, maadaama Dildila loogu dhaarsan yahay. Markii ay cabbaar doodayeen ayaa baabuurkii la istaajiyey, waxaana dhulka la isugu geeyey, Daacad, Dalab, Dalmar iyo Dareen, dhinaca kalena dhowr oday iyo darawalkii baabuurka ayaa iyana dhulka u soo dagay, si arrinta loo qaboojiyo. Odayaashii oo ay isku beel ahaayeen Dalab, ayaa waxay wareysteen Daacad, wuxuuna uga warramay wixii dhex maray isaga iyo Dalab, markii warbixinta laga dhageystayna waxaa Dalab la weydiiyey waxa uu ka leeyahay doodda, balse nasiib-darro Dalab wax hadal ah waa laga waayey, isagoo wajigiisa ay ka muuqato caro xoog leh, indhihiisana guduud ayey noqdeen, ama cassaan qofba suu u yaqaano, waxaana la wada arkayey inuu u hamuun qabay daadinta dhiigga Daacad. Waa ninkii u soo asxaan falay, laakiin waxbaa soo socdee aan watigeeda dhowrno. Odayaashii markii ay ka quusteen Dalab, ayey waxay galeen kulan gaar ah, iyagoo markii shirkoodu soo dhammaadayna u yeeray Daacad iyo Dalmar, waxaaney u sheegeen in baabuurka aan Dalsan dib loogu celin Karin, iyagana aan halkan lagu reebi Karin, sidaas darteed ay iyagu damaanad qaadayaan ammaanka Daacad, maadaama meesha uu ku hanjabayo Dalab ee la sii mari doonana ay odayaasheedii yihiin, waxna uusan uga qaadi Karin. Markii in cabbaar wax wax leysla rogrogayna waxaa lagu faataxeystay in talada odayaasha la yeelo, baabuurkii ayaana dib loogu soo laabtay, waana la dhaqaaqay. Dhimashooyin iyo Murugooyin soo wajahay rakaabkii baabuurka Xoogaa markii la soconayey ayaa waxaa la gaaray meel magaalo ah oo qado iyo tukasho loo istaagay, waxaana baabuurkii soo wajahday cilad kale, taasoo keentay in haddana meeshaas lagu nagaado, dadkiina intiisii badneyd waxaa ka dhamaatay sahaydii ay ku soo talagaleen. Dadka gaariga saaran waa badan yihiine waxaa ka mid ah laba dumar ah oo wada dhashay, kuwaasoo ay la socdeen laba wiil oo ay kala dhaleen, labada dumarka ahna mid walba waxa ay caruur ka dhashay wiilka la socda. Wiilasha da’doodu dhowr iyo soddon iyo dhowr iyo labaatan ayey u dhexeysay qiyaastii. Maadaama sahaydii ka go’day reerkan, ayaa mid ka mid ahaa wiilasha waxa uu helay gaari xoolo siday, wuxuuna ka qalqaashaday inuu u raaco magaalada Dildila oo safarkoodu ku ekaa, xusuusnow taleefoonadan meel walba loo dirsan karo majirin oo wax badan fududeyn kari lahaa, way jireen laakiin deegaanka hadda aan mareyno si fiican ugama shaqo bilaabin waagaas shirkadaha isgaarsiinta. War yaanan kugu daalinine, wiilku nin dhallinyaro ah oo fudud buu ahaaye wuxuu boos ka helay gurada gaariga, waana tagay. Markii uu in cabbaar ah sii maqan yahay, ayaa waxaa soo yeeray war aad looga naxay kaasoo sheegayey in wiilkii hadda naga dhaqaaqay uu u dhintay xabbado ay is weydaarsadeen qolyihii gaariga watay iyo qolyo joogay meel isbaaro tiilay, kuwaasoo lacag ka doonayey gaariga. Aad ayaa looga murugooday dhacdadaas. Wax kale lama qaban karo. Waxaa loo tacsiyeeyey islaantii wiilkaas kaligiis ka dhashay, taasoo awoodi kari weyday inay xitaa Oohinteeda banaanka soo dhigto. Ilmadii ayaa ku noqotay oo ka soo bixi weyday. Waa qaddar rabbi oo aan la dhaafi Karin. Bal caawana Akhiyaarey aan halkan ku hakano amuuro culus ayaa inagu soo socdee.
Posted on: Sun, 08 Sep 2013 19:38:46 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015