Dr. Abdirahmaan Baadiyow, oo kamid ah Musharaxiintii looga - TopicsExpress



          

Dr. Abdirahmaan Baadiyow, oo kamid ah Musharaxiintii looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadii ugu dambeysay ee Somalia, kana tirsan Guddiga Badbaadinta Qaranka Somalia ee lagu yagleelay Magaalladda Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ay ka wada dhexeyso Ummada Soomaaliyeed. Dr. Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed balse Xukunka dalka uu yahay mid aan ka hadal laheyn oo ka dhexeeya gabi ahaan Bulshadda Soomaaliyeed. Waxaa kamid ahaa Haddalka Dr. Baadiyow ‘’Dawladda Somaaliyeed waa la wada leeyahay, waana loo simanyahay oo dadka oo dhan waa muwaadiniin. Waa in aan la kala xigsan dawladnimada, dadaka oo dhanna waxaa u dhexeeya waa Dastuurka oo la dhawro’’ Ayuu yiri Dr. Baadiyoow, oo dhanka kale sheegay in Xukuumadda Somalia aysan wax waliba isku koobin. Mar aan wax ka weydiiyay Dr. Baadiyow dhismaha Guddiga Badbaadada Qaran ee lagu yagleelay Magaalladda Nairobi, ayaa waxa uu sheegay in Guddigaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin. Sidoo kale mar aan Dr. Badiyow wax ka weydiiyay sida uu u arko Xariga Xassan Dahir Aweys ayaa waxa uu meesha ka saaray inuu ka xun yahay xariga Wadaadka Alshabaab ka soo goostay ee Xassan Dahir Maxamuud, isagoona sheegay in arrinkaasi uu yahay mid aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda inuu ka xun yahay Xarigiisa, waxa uuna Tilmaamay in Arrinta Xassan Dahir uu yahay mid horyaala Xukuumadda Somalia loogana baahan yahay inay go’aan ka gaarto. Waxa uu beeniyay wararka leysla dhex maraayo ee ku aadan inuu kamid yahay Mas’uuliyiinta ku jirta Guddiga Badbaadinta Qaranka Somalia oo ay ku bahoowen Siyaasiyiin Qaswadayaal, waxa uuna dhanka kale, sheegay in loo baahan yahay in Xilligaani Mucaarad la helo, Dalkuna uu yahay mid ka dhexeeya Shacbiga Somalia iyadoo la tix-raacaayo Dastuurka dalka u degsan. Dr. Baadiyo, oo looga itaal roonaaday Doorashadii Somalia, ayaa waxa uu iminka u muuqdaa mid adeegsanayo Siyaasad ay ku dheehan tahay Mucaaradnimo, wallow dadka qaar ay is weydiinayaan Ujeedka ka dambeysay in Baadiyow uu xiligaani ka soo horjeysto Xukuumadda Somalia oo la sheegay mid ay Mabda ahaan isu dhow yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh. Ugu dambeyntii, Guddiga lagu yagleelay Magaallada Nairobi,ayaa waxaa ku bahooway Tiro Siyaasiyiin isugu jira Siyaasiyiin ku fashilantay Masraxa Siyaasadda, kuwo Dowladda ka waayay xilal iyo kuwo Daneystayaal ah oo damac beeleed iyo damac Shaqsiyadeed iyo dane shisheeye ku howlan.
Posted on: Mon, 22 Jul 2013 23:14:43 +0000

Trending Topics



30px;">
LOS SIMPSON Muerte de Bart. El episodio comenzaba como
PENIS ENLARGING CREAMS AND HERBS Dear Dr Jay Jay and

Recently Viewed Topics




© 2015