Ereyada waxa ay ka ciyaaraan door muhiim ah guurkasta,waxa ay - TopicsExpress



          

Ereyada waxa ay ka ciyaaraan door muhiim ah guurkasta,waxa ay noqon karaan kuwa kor u qaada,burburiya kalsoonida,kuwa ku dhiirigelin kara ama gebi ahaanba joojiya joojiya ficilada. Barashada luuqadaha u gaarka ah guurka waxa ay qaataan waqti iyo howlkarnimo,laakin dhihida kalmadaha qaarkood oo la joogteeyo waxa ay sababaan qasaaro aan laga soo kaban Karin. Qodob waxa ay idin soo bandhigeysaa ereyadaas qaarkooda, waana muhiim inaad ka digtoonaato in aad u adeegsato lamaanahaaga. Ereyga ugu horeeya waa adigoo adeegsada WELIGEEDBA : waxa uu dareensiiyaa marxalad aan rajo laheyn oo dhamaad ah. Marka aad dhahdo Marnaba waxaad u sheegeysaa lamaanahaaga in aaney fiicneyn, Malaga yaabo in ay noqoto mid wanaagsan,islamarkaana in aysan jirin rajo wax bedeli karta. Marwalba: marka aad isticmaaleyso ereygaan ayaa la sheegay in ay ka tarjumeyso dareenka wax adag,islamarkaana dhowrsan.Marka aad adeegsaneysana waxaad ku muujineysaa inaad adiga keliya tahay qofka saxan ee qofka kula lamaanana uu yahay marwalba kan qaldan,mana jirto wax kale oo la sameyn karo. Hadalada mala awaalka ah ee aad adiga iska fasirato adigoon aanan u raadin cadeymo ama aadan jawaabteeda heyn ee aad iska dhaadhiciso waa jahwareerka ugu daran ee guryaha dhibaateeya,hadii aad u baahan tahay in arin lagaa jaahil bixiyo adigoon la gamban u soo bandhig,kana dood intii aad cuqdad aan lagula ogeyn abuuran laheyd. Hadii aad dooneyso inuu guurkaaga noqda mid ku dhisan Isfahan iyo kala dambeyn,marka hore ka gudub inaad adeegsato ereyo amar ku taagleyn ah ama wax u dhimi kara kalsoonida qofkaad nolosha wadaqeybsateen. Ixtiraamka qofkaaga si aad ugu bedelato naxariis iyo dareen xanaano iyo kalgaceyl wata,hana ku xadgudbin xuquuqaha aasaasiga ah. Ha u adeegsan kalmadaha dhaawaca kalsoonida waqtiyada carada, kana fogow inaad joogteyso dhaawacyada aan bogsan ee sabab kala taga iyo niyadjabka. Isku day inaad la timaado inaad marwalba ka fiiriso dhinaca wanaaga, xilliyada carada iyo hinaasaha noqo mid kontorooli kara naftiisa,kala xaajoo arimaha kugu adkaada ee aad u aragto iney mustaqbalka dhaw Qatar idinku keeni karaan, si looga gudbo in arimahaasi gaaraan marxalad aan wax ka qabasho laheyn. Hadaba aqriste fahanka iyo kala turxaan bixinta waxyaabaha mugdiga kaaga jira waa inuu u noqdaa aasaaska guur kasta, ha u qiyaasan hadalada sidey adiga kula noqota waayo waxaa taas ka dhalan kara qasaarooyin horseeda burbur qoys ama ismari waay xalkiisu adkaada. Hal af adeegnimada iyo adeegsiga ereyadaan korku soo xusnay waxaa hubaal ah inuu baa’bin doono kalsoonida lamaankaaga ama tan guurkaaga, Qodob waxa ay ku leedahay marwalbo isku day inaadan keligaa go`aanada nolosha idinka dhexeeya qaadan ee isku day in aad wadatashi kala sameyso.
Posted on: Wed, 17 Jul 2013 01:14:05 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015