Ergayga caalamiga ah ee arrimaha Suuriya, Lakhdar Brahhimi, ayaa - TopicsExpress



          

Ergayga caalamiga ah ee arrimaha Suuriya, Lakhdar Brahhimi, ayaa sheegay in uu ku dadaalayo in wadaxaajood nabadeed ay yeeshaan dhinacayada isku haya dalkaasi, ka hor inta uusan dhamaan sanadka. Ergayga ayaa shalay ku guul daraystay in kooxaha mucaaradka ah uu ka dhaadhiciyo, in ay shaaciyaan xilliga ay diyaarka u yihiin wadaxaajoodka nabada. Mr Brahhimi ayaa hadalkan sheegay, kaddib markii uu magaalada Geneva kula kulmay saraakiil sar sare oo ka socota Maraykanka, Ruushka, iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in xaalad xun ay marayaan kooxaha mucaaradka oo ay kala qeybsanaan ku jirto, taasoo uu ku tilmaamay in loo baahan yahay in xal laga gaaro ka hor shirka nabadeynta. Suuriya ayaa lagu qiyaasay in maalin kastaa ay ka barakacaan dad gaaraya 6 kun oo qof. kala bar dadka weli ku nool gudaha dalkana waxaa la sheegayaa inay u baahan yihiin gargaar biniaadamnimo. rayigaaga oo kooban ka dhiibo.
Posted on: Wed, 06 Nov 2013 02:24:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015