Filimki Cabdullahi Xuseen oo maanta lagu soo shaac bixiyay - TopicsExpress



          

Filimki Cabdullahi Xuseen oo maanta lagu soo shaac bixiyay Xafladweyn oo ay SVT TV ku qabatay Wadanka Sweden Xaflad weyn oo soo qaban qaabisay SVT TV ayaa maanta lagu qabtay wadanka Sweden, halkaas oo lagu soo shaac saaray filimkii Cabduullaahi Xuseen. Hadaba Filimkan oo Cabduulaahi Xuseen ay kawada shaqeynayeen Wariyaashi Ree Sweden sanadkii 2011 lagu qabtay Gudaha Ogadeniya iyo Khubaro kale oo caan ku ah sameynta Filimaanta ayaa maanta lagu shaaciyay wadanka Sweden in filimkaas si rasmi ah loo baahin doono Bishan October 2013. Cabdullaahi Xuseen, Suxufi Martin Schibye iyo Tafatirayaaashi iyo iskudibaridaha filimka Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta Saxaafada Wadanka Sweden uga waramay u jeedada filimka iyo waxa ku dhex duugan. Iyada oo si toos ah looga daawaday wareysiyadooda TV-yada wadanka Sweden islamarkaasna lagu soo saaray Saxaafada wadanka Sweden oo idil. Prisoners of the Dictatorship Cabdullaahi Xuseen oo lahadlaya Saxaafada wadanka Sweden ayaa sheegay in Filimka waxa uu ka hadlayo uu yahay xabsigii labada wariye ee ree Sweden sida foosha xun loogu waxyeelayay wadanka Ethiopia iyo dhaawaci lagu gaadhsiiyay Ogadeniya, Sidoo kale waxaa uu ka hadlaya Tacadiyada lagula kaco shacabka Somalida Ogadeniya gaar ahaan Xabsiga Jeel Ogaden iyo arrimo kale oo aad xasaasi u ah. Filimkan oo loogu wan qalay Maxbuusiintii Digtaatorka waxaa kale oo wax laga weydiiyay Martin Schibye oo ku tilmaamay Cabduulaahi Xuseen innuu yahay muwaadin halyay ah (Hero). waxaa kale oo uu sheegay innuusan ilaawi Karin shacabka Ogadeniya ee dulmiga ku hoosjira, Seebaan u ilaawi karaaa markasta oo aan muraayada isku fiiriyo waxaan arkaya sumada boogtii igasoo gaadhay, waxaana soo xasuusta shacabka Ogadeniya waqti kasta, sidaas awgeed ma illaawi karo dhulka Ogadeniya mana fadhiisan doono inta tabartayda ah waan dadaali doona sidii aan u caawin lahaa shacabkaas. Hadaba Filimkan oo noqday filimka ugu caansan ee lagu sameeyo wadanka Sweden ayaa lagu soo saari doona TV-ga uGu weyn wadanka Sweden SVT Channel 1 bartamaha October 2013. Shacabka Ogadeniya ayaa mudooyinkanba sugayay filimkan, Wadanka Sweden ayaa noqday wadanka ugu-horreyay caalamka ee si toos ah ugu ololeeya qadiyada Ogadeniya iyaga oo TV-yadooda waqti dheer ka siiyay qadiyada Ogadeniya. Shacabka wadanka Sweden oo ah dad arxan wanaagsan ayaa xiiso gooni ah u qaba qadiyada Ogadeniya oo Aqoon badan ka kororsaday kadib markii filimada Cabdullaahi Xuseen soo gaadhay wadankaas. Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta u sheegay saxaafada wadanka Sweden in filimkan iyo muuqaalo kaleba ay la socdaan wadamo badan iyo haayadaha xuquuql insaanka u ololeeya. Filimkan ayaa la rajeynaya innuu wax badan ka badalo caalamka, qadiyada Ogadeniyana uu kusoo kordhiyo guulo waaweyn oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Hoos waxaad ka daawan kartaan muuqalki wareysigi Cabdullahi Xeseen martin schibbye iyo tafatiraha filimka oo kawaramaya. Waxaad ka arki kartaan daqiiqada 31aad ee filimkan.
Posted on: Thu, 22 Aug 2013 09:13:09 +0000

Trending Topics




© 2015