Golayaasha Ma-gudbayaasha Somalia iyo Somaliland maxay wadaagaan? - TopicsExpress



          

Golayaasha Ma-gudbayaasha Somalia iyo Somaliland maxay wadaagaan? By: Ibraahim Jaamac Cabdi Waa Ramadaan. Bini-aadanka xishoonaya, siiba kiisa Muslimka ah ee caqiidada leh, wax badan ayaa ka reebban. Sidaa si la mid ah, wax badan ayaa u bannaan inuu wax ka yidhaahdo haddii uu – weliba – aqoon ama ragti fog u leeyahay cidhib- dambeedka wax u muuqda markaasi. Waxa aragtidan kallifay inaan wax ka idhaahdo wax isula kay ekaaday, oo aad mooddo in loogu talo galay inay ishu sidaasi u qabato, maanka fiyoobina sidaa u garto. Waa laba gole-ku-sheeg oo muddo toddoba maalmood gudaheed ah, lagaga kala dhawaaqay Somalia iyo Somaliland. Haddaba, waxa aan isweydiin karnaa, maxaa labada gole ka siman yihiin oo isaga eg yihiin? Maxaa se labadoodu ku kala duwan yihiin? Waxa ay isaga eg yihiin: • Labada Gole waxa ku jira dad xilal kala geddisan ka soo kala qabtay Somaliland iyo Somalia. (a) Somalia: afar raiisal wasaare hore oo kala ah Cali Khaliif, Cabdiweli, Cumar Cabdirashid, Cali M Geeddi iyo murashaxa laga badiyey ee Baadiyow; (b) Somaliland: Golaha Guurtida (Xasan Ciise & S A Koore), Wasiirro hore (Maxamed Xaashi & Boobe), Xisbi Qaran muuqan waayey (Faysal Cali Waraabe), ex-ex SNM Dhegaweyne & Ciise Curaagte… • Waxa labada ka muuqda rag ay bulshada hore isu soo arkeen oo aan ceebtooda si badheedh ah hore loogu sheegin, haatan se loo akhriyi doono • Waxa ku jira rag saaxadda siyaasadda looga guuleystey, hase yeeshee muujiyey in aanay dulqaad iyo dadnimo toonna u lahayn inay aqbalaan • Magaca labada gole look ala bixiyey oo ka siman magaca ‘badbaadinta Qaran’, iyada oo kan Somaliland loo bixiyey Golaha Badbaadinta iyo Wadatashiga Qaranka Somaliland halka kan Somalia loogu wanqalay ‘Golaha Badbaadinta Qaranka Somalia’. • Iyada oo labada Gole isku toddobaad gudihii lagu dhawaaqay • Iyada oo bulshadu rumaysan tahay in labada goleba midba meel laga wado, oo cid ku liddi ah degganaanshaha dabada ka riixayso, sida: kan Somaliland oo xafiiska Raiisal Wasaaraha Somalia laga wado, loona soo mariyey Foziya iyo Faysal; halka kan Somalia waddamo jaarka ahi riixayaan, sida Kenya. • Iyada oo labadu ka siman yihiin wadatashiga hoose ee ka dhexeeya iyo isku-sar-goynta hawlaha kharbudaada ah ee loo igmaday Waxa ay ku kala duwan yihiin: • Golaha Somalia kuma jiro nin qaranka uu eesaynayo/eedaynayo mushahar ka qaata, halka kan Somaliland ay cashuurta dadweynaha mushahar ku qaataan rag ay ka mid yihiin Xasan Ciise iyo Saleebaan Cali Koore • Golaha Somalia kuma jiro nin Xisbi qaran guddoomiye u ah oo, miisaaniyad qaranna ku qaata, oo halkii raga ku soo darsan lahaa, isagu dibedda ula boodey, Faysal Cali Waraabe • Golaha Somalia kuma jiro rag caadaystay keligii-xariifnimada, oo iyaga mooyaane cid kale aanay waxba aqoon, sida Maxamed Xaashi iyo Boobe • Golaha Somalia kuma jiro rag aan maamul soo marin, oo haddana kan maamulka soo maray iyagu kaga dheereeya qaylada, sida Dhegaweyne iyo Ciise Curaagte • Golaha Somalia kuma jiro nimaan saaxadda si weyn uga soo muuqan, halka kan Somaliland magacyo maqalkoodu maanta ugu horreyso ka buuxaan • Golaha Somalia shisheeye ayuu iska celinayaa, waa sida hadalka loo dhigaye, halka Golaha Somaliland sokeeye u heensaystay, qabyaaladina ka sanqadhayso hadal kasta oo ka soo baxa Haddaba marka qodobbadaas la eego, waxa cad in aan midkoodna cago ku taagnayn, fashilaad hor lehna ay nafahooda iyo intii tuhunsanayd u soo jiideen bishaa barakaysan ee Ramadaan. Ilaahay ha soo hadeeyo … ama halkay is dhigeen ha ku aroorsho! Ibraahim Jaamac Cabdi
Posted on: Tue, 16 Jul 2013 00:42:01 +0000

Trending Topics




© 2015