Gool hayihii ee hore ee kooxda Manchester United, Edwin van - TopicsExpress



          

Gool hayihii ee hore ee kooxda Manchester United, Edwin van der Sar ayaa aaminsan in tababaraha cusub ee kooxda Manchester United boss David Moyes uu gali doono xaalad ay adag tahay sida looga baxo. Edwin van der Sar oo mudo lix sano ah ku soo qaatay garoonka Old Trafford ayaa sheegay in qorshaha Moyes uu la mid yahay filimkii mission impossible. “Inaad aragto qof leh anaa buuxinaa booska Ferguson waa geesinimo ,laakiin waa howl gal aan macquul aheyn ayuu usheegay The Sun. “Moyes waa macalin wanaagsan laakiin waxaan ii muuqday in aaney xaaladu sahlaneyn, laakiin nasiibku waa iska gooni. “Ferguson waxaan la hadlay labo asbuuc ka hor waa macalin weyn,waxaana dhihi karaa waxaa uu la mid yahay iyadoo ay United iska iibisay 11-ka joogtada ah mana aqaano sida loo buuxin karo booska uu baneeyay ayuu hadalkisa ku daray. Jumaa©
Posted on: Sun, 26 May 2013 11:14:18 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015