Guddoomiye Ku/Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad - TopicsExpress



          

Guddoomiye Ku/Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Wafdi uu hogaaminayo kusugnaa Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa manta booqasho rasmi ah oo ay ku tageen Aqalka Baarlamaanka ee Dalka Ingiriiska ayaa waxaa halkaa si diiiran ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku/Xigeenka Aqalka Baarlamaanka ee Dalka Rt. Hon Lindsay Hoyle iyo Madax sare oo ka tirsan Baarlaamnka Dalka Ingiriiska iyo kale British Group Inter-Parliamentary Group, iyadoo Guddoomiyaha Ku/Xigeenka iyo Wafdigiisaba lagu soo wareejiyay Dhammaan Goobaha Taariikhiga ah ee Aqalka iyo goobaha ay ku shaqeeyaan labada aqal ee uu ka kooban yahay Aqalka Baarlamaanka Dalka Ingiriiska (House of Common), iyagoo si qoto dheer uag wada hadlay sidii ay u sii hagaajin lahaayeen xiriirka labada Aqal iyo arrimo kale oo aad muhiim u ah waxaana uu soo dhamaadat mahadnaq iyo is-afgarad. Wafdiga Golaha Shacabku waxay si gooni gooni ah aqoon Iswaydaarsi iyo xog waranba la qaateen madax iyo qubaro ka kala socotay Aqalka Baarlamaanka, IPU iyo Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda International Relations and African Studies Students oo halkaan su’aalo iyo jawaabo ay isku dhaafsadeen Wafdiga Golaha Shacabka. Galabnimaddii maanta 8th July 2013 waxay wafdigu Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada kula shireen Mr. Mark Sommonds oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada iyo Xafiiska Commonwealth ee Afrika, iyagoo halkaa uga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira iskaashiga labada Baarlamaan iyo labada dawladoodba. Mudane Mahad Cawad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka iyo guud ahaanba dowladda Ingiriiska uga mahad celiyey casuumaada ay u fidiyeen wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen, sidoo kalena Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu aad u ammaanay sida ay Dowladda Ingiriisku u garab taagantahay xiligan Dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed. Mr. Mark Sommonds oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada iyo Xafiiska Commonwealth ee Afrika oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad u ammaanay hormarrada uu sameeyey mudooyinkii ugu dabeeyey Baarlamaanka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay iney horseed u yihiin isbedellada dhanka siyaasadda ah ee Soomaaliya ka jira lagasoo bilaabo doorashadii Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka. Socdaalka Shaqo ee Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ay ku joogaan dalka Ingiriiska ayaa qeyb ka ah dadaallada uu Baarlamaanka Soomaaliya ku doonayo inuu dib ugu soo nooleeyo wada shaqeyntii uu Baarlamaanka Soomaaliya la lahaa Baarlamaannada Caalamka ka hor burburkii Dowladdii dhexe.
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 22:54:25 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015