Guurkii Beenta ahaa 3-aad. Dabcan waxaa isugu kaaya dambeysay - TopicsExpress



          

Guurkii Beenta ahaa 3-aad. Dabcan waxaa isugu kaaya dambeysay iyadoo Caruus aad u faraxsan yahay, ma naqaano inuu farxadda gudaha ka dareemayey oo ay toos uga imaaneysay qalbigiisa, iyo inuu jilayey, balse Farxad ayaa ka muuqatay. Caruus wuxuu noo sheegay in bartamaha bisha May 2004 ay gabadhu imaaneyso, kuna aroosi doonaan Nairobi, wax la joogaba markii la gaaray xiligii gabadhu Nairobi imaan laheyd, ayuu haddana wuxuu sheegay in uu Mombaso aadayo, qorshahaasna uu yahay mid gabadhu jeclaatay, laakiin laba toddobaad kaddib ay Nairobi imaanayaan, haddii Illaah ka dhigo. Wuu na mac-salaameeyey, wuxuuna aaday halkaas iyo Mombasa, saan dhaqaaqday si walba mudan ee Illaahow sxb keen Caruus soo nabad uruuri, idinkuna aamiinta halaka bakheylina.kkkk. Raggu iyagoo asaxaab wada ah ayey haddana isu sii kala dhow yihiine waxaa jiray nin ka mid ahaa dhallinyarada oo ay aad u xiriiri jireen ragga kalena isaga dhawaayeen, markii laga joogo dhowr maalmood xiligii uu ku aaddanaa imaanshaha gabadha, ayaa Caruus wuxuu nagu soo war-geliyey inuu Mombasa Aroos ku yahay, gabadhiina la aqal galay. wuxuu ka sheekeeyey sida uu u wanaagsan yahay guurku, iyo is-beddelka uu durbadiiba dareemay. wuxuu si gaar ah ula hadlay raggii aan xiligaas xaasaska laheyn, wuxuuna kula dardaarmay in fadhiga laga kaco, madaxa ayaanna loo ruxay talo soo jeedinta saaxiibkeen Caruus. War yaanan idinku daaline bil kadib ayuu noo yimid Caruus, wuxuuna noogu warramay in waqtigii ay ku qaateen Mombasa, gabadhiina ay tagtay oo ay haysatay fasax yar, wuxuuna noogu bishaareeyey in gabadhu ay Walacday oo ay kheyr la laabatay, waa loo hambalyeeyey, Illaahna looga baryey inuu nabad ku dhasho Ilmaha Caloosha loogu wado. Dhammaadkii bishii 2-aad ee sanadkii 2005kii, ayuu Caruus noo sheegay in wiil ugu dhashay Isbitaal ku yaalla magaalada London, magaca Isbitaalka wuu noo sheegay laakiin hadda aniga ma xuuusto, waxaa laga yaabaa in raggii kale qaarkood xusuusanayaan. Soomaalidu dhalashada wiilasha waa jeceshahaye si farxadi ku dheehan tahay ayaa loo soo dhaweeyey maqalka dhalashada wiilka, wax yar kaddib ayaan u tagi doonnaa xaqiiqada warkaase. Maalmo yar kaddib, ayaa mid ka mid ah raggeenii Caruus Saaxiibbada la ahaa, waxa dariiq uu yahay uga soo hor-baxday gabar la dhalatay Caruus oo uu xaafaddeeda ka tirsanaa. waa is-nabdaadiyeen, caafimaadka iyo xaalka guud markii ay iska wareysteen, ayaa waxa uu gabadhii weydiiyey xaalka dumaashideed iyo wiilka ay eeddada u tahay ee London ku dhashay, gabadhii yaab ayaa alle u keenay, mar ayey moodday in malaha wiilku uu khaldan yahay oo uu cid kale mooday, waxay ugu war celisay dumaashidee i weydiineysaa? wuxuu saaxiibkeen isagoo bakadsan ku war-celiyey inuu weydiinayo gabadha Caruus qabo ee wiilka dhashay. kkkkkk, marka aan qormadan qorayo waxaan la qoslayaa sida arriintaas ula yaabnay. gabadhii ayaa tiri walaal Caruus naag iyo caruur midna ma lehee yaa waxaas kuugu sheekeeyey saaxiibkeen weli waa rummeysan kari layahay xaqiiqada gabadhu ka warrameyso, wuxuu yiri walaal sow isagii Meherka Muqdisho loogu dhigay, ee ay gabadhu ugu timid Mombasa sanadkii la soo dhaafay ee ay Uurka ku qaadday!!!!!!. gabadhii Caruus walaashiis aheyd iyadoo yaabban ayey saaxiibkeen u sheegtay in warkaas oo dhan uu been yahay, marka uu Mombasa aadayna ayba la socotay, waxayna intaas raacisay walaal Caruus si dhab ah wax uma guursanine malaha wuu ku riyooday, allaha u aqbalo hammigiisee. Isla habeenkaas, ayaa inteenii kale waxaa soo gaaray wixii saaxiibkeen Caruus noogu sheekeyn jiray inaaney waxba ka jirin, cid walaashiis ka dambeysa oo warkiisa loogu noqonayona ayan jirin, habeenkaas waxaan falan-qeynay sababta ku kaliftay inuu noo jilo sheeko noocaas ah oo ayan waxba ka jirin, haddana Meher,aroos, Uur iyo Ilmo dhashay ay ku jiraan. raggu kala aragti duwane ninba meel ayuu ku dhuftay, oo malihiisa la aaday. Ugu dambeyntii: cidina kuma dhiirranin iney si toos ah saaxiibkeen wax u weydiiso, laakiin waxaa arrinta sii xaqiijiyey. kkkkkkkkkkk. mid ka mid ah ragga ayaa maalin ku yiri Caruusoow gabadhii kuu dhalatay magacee loo bixiyey? wuxuu ku jawaabay waxaa loo bixiyey Sundus isagoon jawaabta meel fog ba ka doonin, sow ma xusuusatid inuu markii hore noo sheegay in wiil u dhashay?, dabeecadda Beenta lagu yaqaano ayaa waxaa ka mid ah in qofku wixii hore uu u yiri uu iloobo. alla maxaa qof hoosta ka qoslaya, Akhiyaarey anagu horey baan ugu soo qosolnay. Guurkii Beenta ahaa halkaas ayuu ku dhammaaday. Inta aan qormo kale oo xiiso badan isugu imaaneyno, waxaan inoo rajeynayaa kheyr oo dhan dhammaanteen. aragtidaada maxaa sababi kara in qofi ku dhiirrado been intaas leeg? .
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 20:08:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015