Iyadoo ay ka jiraan dalka Greece dhibaatooyin fara badan oo ay - TopicsExpress



          

Iyadoo ay ka jiraan dalka Greece dhibaatooyin fara badan oo ay dadka qaar ku sababtay inay isaga soo baxaan dalka Greece ama Gariiga ayaa waxa haatan lagusoo daabacay Jariirad kasoo baxa dalka Switzerland oo lagu magacaabo Swiss news agency SDA arrin ka yaabisay dadyowga ku dhaqan caalamka kadib markii ay soo gaartay dalka Switzerland Bisad kasoo baxday dalka Greece magaalada Athens ee caasidamada dalkasi Greece.C.L.de Bisada ayaa kusoo dhex dhuumatay Diyaarad nuuca rakaabka ah oo kasoo kicitantay magaalada Athens ee dalka Greece oo kusoo jeeday magaalada Zurich ee caasimada dalka Switzerland.(Calanside).. Bisadan ayaa waxa la sheegaya in ay ku jirtay dhanka ku dhow matoorada kiciya diyaarada islamarkaana ay aad ugu yareed Oxygen ay ka hesho qaybaha kala duwan ee diyaarada waxaana kadib badbaadinta bisada ka hadlay arrinta Duuliyaha diyaarada oo u waramayay Jariirada lagu magacaabo Blick wuxuuna usheegay in haatan ay tahay Bisada mid wanaagsan kadib dib udhac laba sacadood kadibna ay tahay Bisadan mid ku dhex badbaaday Diyaarada dhexdeeda Calanside,. Arrintaan ayaa noqotay mid ka yaabisay dunida qaybaheeda kale maadama horey loogu arkay dadyow iyagu kasoo baxsaday nolosha ka jirta dalka Gariiga balse haatan ay xaaladu tahay mid kasii yaab badan kadib Bisad nolosheeda u baxsatay xili ay usii baxsatay dalalka Yurub kuwooda ugu dhaqaalaha xoogan.
Posted on: Mon, 05 Aug 2013 22:13:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015