Juan, Mata, De Gea, Kovacic Iyo Wararkii Kale Ee Ay Maanta Qoreen - TopicsExpress



          

Juan, Mata, De Gea, Kovacic Iyo Wararkii Kale Ee Ay Maanta Qoreen Wargeysyada Ingariiska. ift.tt/14caNxv Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida dacaladeeda ka joogtaan, waxaan idiin soo gudbineynaa sida caadada aheydba wararkii ugu waa weynaa ee maanta lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa dalka Ingariiska. Waxaana maanta magacyada la soo hadal qaaday ka mid ah Juan, Mata, De Gea, Kovacic. Manchester United ayaa dooneysa inay 20 milyan ginni ku fasaxdo Juan Mata, iyadoo Atletico Madrid, Juventus iyo Valencia ay dhamaantood xiiseynayaan. (Daily Express) Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Morgan Schneiderlin oo 25 sanno jir ah ayaa ku celiyay hamigiisa ah inuu u ciyaaro koox weyn, iyadoo Arsenal ay dib u soo cusbooneysiineyso xiisaheeda xiddiga reer France. (Daily Mirror) Tababaraha Arsenal Arsene Wenger u calaamadeystay 20 jirka daafaca Athletic Bilbao Aymeric Laporte saxiixiisa koowaad ee bisha Janaayo. (Daily Star) Manchester United ayaa u aragta saxiixa goolhayihii hore ee Barcelona Victor Valdes oo 32 sanno jir ah bedelka David de Gea, umana arkaan goolhaye u fadhin doona madaama De Gea uu ku sii jeedo Real Madrid. (Independent) Tottenham ayaa qorsheyneysa inay bisha Janaayo la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Fabian Delph oo 24 sanno jir ah kaasoo ku dhawaanaya dhamaadka qandaraaskiisa Villa Park. (Daily Mirror) Kabtanka Croatia Darijo Srna ayaa kula taliyay xiddiga ay isku wadanka yihiin Mateo Kovacic inuu isaga tago Inter Milan si uu u badbaadiyo waayihiisa ciyaareed. 20 jirkaan khadka dhexe ayaa waxaa xiiseynayay Arsenal, Liverpool, Man United iyo Real Madrid. (InsideFutbol) CIYAARO November 12, 2014 at 12:00PM
Posted on: Wed, 12 Nov 2014 09:13:25 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015