Ka Daawo Qeybta Sare Wixii Af laan Hindi Ah Ma Dooran Waa La ii - TopicsExpress



          

Ka Daawo Qeybta Sare Wixii Af laan Hindi Ah Ma Dooran Waa La ii Dooray (Sheeko Jaceyl oo aad u Xanuun Badan) Published on July 7, 2013 by Abdilaahi Qorshe · No Comments Markasta oo an soo xasuusto habeenkii aan afkeyga ka idhi haa ilin ba iga soo daadata mana aqaan sidan u iloobi lahaa, Ma doqonima i geeysay miyaan maan gaabna ma aqaan mise meel kale ban ka fakarayay . Waxay ahayd horaantii sanadkii 2007dii waxaan ku suganaa wadanka kenya waxaan la noolaa Gabadh aan ilmo ader ahayn oo u socotay wadanka Uk si ay ula midowdo Odaygeda . Galab galbaha ka mida ayaa waxa soo wacay dumashigeed nin la dhashay ninkeeda Mana aysan joogin guriga Nafiso Waxay jirtay adeeg Telkii markaan qabtay oo aan u sheegay in aysan joogin Nafiso ayuu i su’aalay ya waye adiga ?waan isku sheegay wada hadal yar ka dib wuxu i waydiyay magacaa ?waxaan dhahay magacaygu waa HaboonIsagana wuxu dhahay waxa la i dhaha Shugri waan qoslay qosol aan isku celin kari waayay !!!! waa markii igu horeysay oo aan maqlo nin la dhahoo Shugri Waligey Magacaas gabadh ban u haystay . Barasho ka dib wuxuu i waydiyay meesha maxaa ka qabataa waan u sheegay , In Nafiso iyo hooyaday aad iskugu fiican yihiin aan soo cawiyay hadey nafiso baxdana aan somalia ku laaban doono,Telki wan dhigaay. Waxa timid Nafiso oo daalan alaabtii ban ka qaaday Telki ba haddana so dhacay markaan ayada qabatay wayna la baxday waxayna ku so hadashay teleefonki waay soo laabatay Ayadoo amaan dusha uga tuuraysa qofkay la soo hadashay Walaahay waa wiil fiicaan alla intaan kan guursanaayay xagge kani jiray iyo amaan badan oo aad iga yaabisay waxay kalo dhahday alla kan naagti hesha walle waa caano ma daadiye “allow qof aan aqaan u guursada waa mid liibaanay” Ilaahoow nimaan wax ogayn ha cadaabin . Shugri wuxu wadanka Uk soo galay sanadihii 1988 waligiis waalidkiis lama hadlin mana ku soo laaban wadanka Laabasho iska dhaafe waligiis mustaqabal ma samaysan mana ku fakrin , wuxu ahaa nin shaqeysta balse sidiisa kale beerta ugu jiraa , dadiisa waa ku dhawaad 40kii waa nin aay daryeel la,aan dishaay aan helin duco waalid qof kasta oo ducaysani dadka waa ka duwan yahay Aqabar moog ban ka ahay waxaas dhaan. Nafiso waxay habeenba i faanso ninkii shugri ahaa ayay igu qalqaalisay in aan guursado ka faaidaysto fursadaan oo aan wali noqono dad isku sii arka wadana uk , hooyaday bay la hadashay waay ka dhamaysay Familkeyga wuxu ahaa famil ka kooban 4 qof 3 gabdhood iyo hal wiil aabahay wuxu dhintay anagoo yaryar hooyadeen waxay nagu soo korisay agoonimo intaas waxa noo dheer abahay wuxu lahaa ilmo kale oo waweyn aad banaan isku colaadin jirnay hooyooyinka oo la isla qabay darteed wax hanti saas ahana kama tagin odayga . Hooyadeen ba dhaxda no xidhatay walaashaay Hibo waxa lagu qaba wadanka southa Afrika waxay si maqan tahay ugu yaraan 2 sano waxna ma dhalin Walaashay kale ee nagu yar Hibaaq ayadana wax bay barataa wali waxay ku jirta sanad dugsiyeedkii ugu danbeyay Halka wiil ee nala dhashay bahdeena wuxu jooga itoobiya wuxu sugayaa bixitaan uu u balan qaaday wiil abtigeey dhalay oo ku suaaan wadanka Ustalaiya. Hooyaday ba galab galbaha ka mid ah ila soo hadashay ina sheegtay in aay ku qanacday hadalka nafiso aayna go’aan ku gaartay in la i guuriyo Shugri Ana hooyaday war kama diidi karo sidi ban ku yeelay Waxa ila soo Hadlay Shugrigii la i siiyay wuxu yidhi “Honey waxa jeceshay waan ku samaynaya” waa markii igu horaysay oo eraygas la i dhaho , Ma lahayn qibrad aan ku fahmo qiyaanada ama karata waayo qurbo wali ma imaan mana aqaano dadka qurbaha qaarkood waxa aay yihiin Mudo markii sidaas u wada hadlaynay ayaa maalinkii danbe i dhahay haye meherka ayaa dhigaya ka dibna waan ku imanayaa waana ku soo xaraynayaa leynka. Gabdhahii xaafada aan is naqaanay dhan ba i hambalyay sida fudud aan u helay nin i kaxaysanaya ,Habeenki ma seexdoo yaab siduu u eeg yahay ninkaan lagu siiyay waliba aad la si hadasho waan caatoobay dadka waxay igula kaftamaan haye odaygii ba so so socda ma is cayatane mise waa naxsan tahay. Hooyo iyo shugri ba is bartay si fiican ba hooyaday loaga farxiyay Meherki ba ka dhacay somalia waxa kulmay labadii famil Hooyadiis aad bay u faraxday maadaama wiilkeedii intaas aysan aqbartiisa helin hadda la soo xidhiidhay oo guurna u rabo adeerkay ba i bixiyay xoolo badan ba la keenay maalinkii dhamaa waa la faraxsanaa Farxad aan laga fiirsaneey mar badda foogataa Meherkeeni waxa ka soo wareegatay ugu yaraan hal sano Nafiso waxay gashay is qabanqaabin waxa u so baxay Visihii ani murug ba ila so daristay qoftii dhameed aan wadan noleen ban kala safraynaa waxaa u dhiman bixitankeeda in aay goosato tikid bes Balse waxay i tiri aadan horta ku aqal geeynaya adoo ah gabadh la qabo oo gurigeeda dagan baan ka tagayaa . Wax soo dhow bishii barakaysneyd waxa la galay qaban qaabadi guri geyntayda Waxa go’aan lagu gaadhay in habeenku yimaado aqal geynta lagu beego Xafladana laga dhigo dumar bes sidi bayna noqotay markii la iga keenay holkii aan imi gurigeeygii oo aan soo galay qolkii jiifka oo dadkii i macsalameyeen ayaa albaabka la so garaacay naxdin wadnaha i istaagi dhagay cod daciifa ban ku dhahay ya waye Cod aan igu cusbeyn oo aan horay u aqaanay ba i dhahay xabiibi ya kale hee ani wayee Markan furay uu u so galay gudaha wuxu igu bilabaaay in uu isku keey duubo , Waan iska fujiyaa mar waxan damacay in aan qayliyo misana wan xishooda oo waxaan is idhahaa nin iyo naagtiisa tihinee bal ha is ceebeyn sug . Waxan dhahay war iga fuq bal aan is baranee wuu iga yeelay wuxu i dhahay waan ku dhararayay maana ku sugi karin iga raali noqo wuu iska seexday Talo waxay faraha kabaxaday qofna qofka kale sawirkisa ma arkin oo la isma aqoonsan karo , Balse ani codkii un ban aqoonsanahay markuu seexday oo aaday xagii sariirta ban farxay oo is dhahay wuu ka seexdee alxamudlilahi Waaba nin siduu u soo cabayay qamri saqraansan oo daalaan safarna ka yimiy Wuu iska hurday subaxii markii waagii baryay oo nala keenay quracdii buu eegmo cusub i galay ana aan eegay ka dibna midkeena midka kale lama hadlin wuu baxa=ay habeenki ma soo hooyan habeenkii labaad ma so hoyan marku 3 maalin iyo 3 habeen si maqana ban u tagay Nafiso una sheegay siday wax u dhaceen meel kasto laga raadiyo waa la waayay qaracan dadki xan iyo wax xumo tashiil ayay nafta iga qadeen waxan maqala marmar ayadoo la leeyahay ninku kuma qancin. Marku maqnaa mudo 9 maalin bu so laabtay wuxu dhahay aad ban uga xumahay waxa dhaca=ay gabdhan yar in mustaqabka uga dheelo ma rabo waxaan ahay nin aad u istcimala qamrigaa mana i dul qaadan karto ama ha la i siiyo jaanis aan iskaga gooynayo cabista qamriga !!!!!! anigii naxdin iyo waji gabax ba i so hor istaagay shalan guursaday maanta ha lagu furo waa dhibaato xadkeeda leh Samar ban kaashaday waxan idhi na keen aan wada hadalno labadeena wada hadal badan oo aan cidna nala joogin labadeena ayaan dhamaysanay wuxu u so noqday gurigii waan aqal galnay wax kasta waay no dhamadeen wuxu ku laabtay dhulkiisi asoo safarka ku sii weheliyay Dumashdii Nafiso iyo ciyaalkeeda. Kali bsan ku noqday halkii markii aay si maqnaayeen mudo Kadib waxaan yeeshay uur oo uu aad ugu farxay ayuu haddana soo laabtay wuxu ila joogay 2 week Mudo aad u yar ba la i ogolaaday in aan la midoobo odeygayga waxaan soo caga dhigtay cariga ingiriiska waxaan tagnay gurigii shugri naxdin ma baqaar lagu xareeyo gasacyada ma qashin quba waan garan waayay waxan ka codsaday in uu i geeyo Nafiso wuxu i dhahay meel aad u fog bay dagan tahay ee iska naso xagee ku nasta oo nasasho taala waxan dhahay guriga sidaan ah ma seexan karo ee meel kale i gee Yaab meeshan ka sugayay naxariis ayuu dharbaaxo iga so gooyay anigii naxdin waxaan ku sigtay in aan suuxo waxaan ahay xamilo ah 7 bil ah waxaa qayladeeni ku soo baxay dariska aniga lama socodo in la xidho qofki qof u gacan qaada Si hoose ba police ka lagu wacay anagoo murmayna oo ana leeyahay marna ma seexanayo meeshan ayaa police-kii noo yimid naxdin tala faraha ka baxday waxaan u qaatay in la i celinayo . Police-kii ban ka cararay asagaan isku marmaray walaalo wax kasta wan maqlaya mar un naga wad police-kan ban ku tuugtamay Policke way na fahmi waayeen waana naga tageen. Nafta ayaan u yaabay habeenkii gasacyadii ban dhax seexday xata haddan ka shaqayn laha guriga way i fiicnaan lahayd wax ma qaban karo oo daal safar iyo xamilanimo ayaa isku keey darstay siidi baan habeen ku barinaay. Waan fakaray waxaan is dhahay saan ma ku dhax dhalee anoo yaaban buu noo keenay cunto ma cuntaa i cuntantaa allow mar un meeshan iga bixi baaban taaganahay. Telksi ba so dhacay mise waa Nafiso oo rabta in i dhahdo ilaahay ma ku nabad keenay Meeshan salaami lahaa oohin ban ka dul keenay wuu i dharbaxay i han daday wuxu ku maray balan in uu igu celin dono kenya. Nafiso way maqlaysa oo qadkay ku jirtaa Qayladeeni ba waxa ku soo baxay famil somali ah waxayna nagu so garaceen albaabki siduu guriga u yaalo bay ka naxeen anay i dhaheen walaaley hadad tahay xaaski ninkan horta maxa guriga iskaga hagaajin waysay yaab waxan dhahay haddan ayaan Afrika ka imid ninkaan ma dooraan waa la i dooraay way fahmeen in aanan is fahmayn oo dagaal na dhax yaal waxay u waceen policeka waxayna u sheegen arinkii oo qoftaan wa qof uur leh guriga sidaan u yaala kuma noolaan karto ,, waa la i waday waxa la i dajiyay hotel Teleefon la iga so waco ma haysto meel la igu sheego oo la iga so raadiyo lama yaqaan waxay ka baaqan haddii aay u sheegan in uu i dilo waxaa wadanka uu ka yahay gangister dhowr mar dil iyo dhac geystay sidi sidaan u ahaa ban dhalay wiil intaan isbitaalka ku jiray ba la i keenay asogoo aay askari wado wuu i salamay wiikiisi buu dhabta ku qabtay wuxu i keenay ubax weyn iyo hadiyad kale wuxu i dhaafay waraaq markii u baxay ayaan aqriyay warqadii misena waa furinkeygii , Mar waan farxaa oo haddan kala dhamaanay Marna waan naxaa oo wiilkeyga abahiis nolasha u ku noal yahay Mudo markii aan joogay ayaan is maqalnay Nafiso waxaa igu soo dhacday siday igu amaani jirtay iyo dibintay igu riday waxaan dhahay walaaley maxa i sirtay ? !! meeshan ka sugayay hadal wanaagsan Bay i dhahday na yurub in aad ku timaado ban rabay ee reerkaada wax u qabso !!!! cajiib walle haddi guurkii dan noqoday sidee u nabad gali doonan reer badani ,Hadda waxan ku suganahay wadana uk wali nin kale ma guursan ilaa hadda shaki iyo cabsi baa igu tagaan wiilkeyga waa 2 sano iyo badh waxa nala siyaay guri nagu filaan naf aan dooran oo la i dooray islama daganaan karo mana is daryeeli karno. Q/ Qoraa Maryan Keynaan: Soo Saarista : C/laahi Qorshe: Wacadaraha Wahelkaada Ka Dhigo. Waxii Talo iyo Tusaale ah Kala Xariir: [email protected] Readers Comments (0) Name (required) Email Address (required) Website (optional) DAAWO AL JAZEERA LIVE TV HALKAAN ASXAAB CUSUB KA BARO DAAWO FLIM HINDI AF SOMALI (JODIDAR) HINDI AF SOMALI FULL MOVIES “FARZ” DAAWO HINDI AF SOMALI (BADAL) ARIMAHA BULSHADA Nala Daawo : Muuqaal Wax badan aad ka fahmeesid markaad daawato , waligaa ha iska dhaadhicin sidaan oo …….. September, 6, 2013 HALKAAN RIIX EE KA DAAWO Daawo : Muuqaal Cajiib Ah , Sidee buu sidaan u sameyn karaa? September, 6, 2013 HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA Daawo: Tartan waalan oo carabta ay qabsadaan oo dhimasho & dhaawac badan dhaliya. September, 6, 2013 HALKAAN RIIX KA DAAWO : Nin Indho Yar ah oo Dad Badan oo Mall Joogaan Kaga Yaab Saday Wax Yaabaha uu Is Kor Saarayo September, 6, 2013 HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA Daawo : Baabuurka Ugu Yaabka badan oo aduunka Ey Gacan u taagtay Kaas oo u Soconaayo Dhinac uu doono kala wareejintiisana Cajiib ay tahay September, 6, 2013 KA DAAWO HALKAAN RIIX Car qosol isku celi daawo dadkii dhamaa oo is celin waayey oo wada….. September, 6, 2013 HALKAAN RIIX EE KA DAAWO DAAWO : Layaabka Dunida , Nin Cunaayo Dib qalooc nool ninkaan ayaa u dhashay dalka…. September, 6, 2013 HALKAAN RIIX KA DAAWO MUUQAALKA Jilayaal caan ah iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan oo Qoorta Isugu Jira Maxaa La Isku Heystaa(Daawo Muuqaal) September, 6, 2013 Jilayaal caan ah oo ku shaac baxay ka qoslinta iyo maaweelinta bulshada soomaaliyeed ayaa guoomiyaha gobolka banaadir maxamuud ... Soomaali Markii u horeysay Sameyneysa Film aan Caadi Aheyn(Halkaan Ka Daawo Muuqaalka) September, 6, 2013 Waxaa markii u hreysay dhalinyaro soomaali ah ay soo saareen film action ah oo aad u sareeya heer ... Haween Soomaali ah oo Loo Kufsado Kabhad baa Taageertaan & Si Xuna Loola Dhaqmo(Daawo Muuqaalka) September, 6, 2013 Haweenka soomaalida ah ee ku nool dhulka soomaalida itoobiya ay dagan yihiin gaar ahaana deegaaanada ka baxsan ismaamulka ... WAX QOR Search for:
Posted on: Fri, 06 Sep 2013 20:08:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015