Kulan Garowe ka dhacay ” Jubaland haddii aysan dowlada aqoonsan, - TopicsExpress



          

Kulan Garowe ka dhacay ” Jubaland haddii aysan dowlada aqoonsan, waxaanu ka baxeynaa Soomaaliya oo dhan” Shirka ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayey xaalada magaalada Kismaayo iyo sidii taageero dhaqaali loogu heli lahaa maamulka Jubaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe. Shirka oo ay ka qeybgaleen xildhibaano Puntland ah, guddoomiyaha degmada garowe iyo qaar ka mid haweenka gobollada Puntland. Waxaana si adeg ay uga hadleen qaabka ay dowlada Soomaaliya u wajahday maamulka Jubaland. Xildhibaan Abdilaahi Quraan-jecel oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in maamulada Jubaland iyo Puntland yihiin mataano aana sina loo kala jari karin. Waxaana uu sheegay inay aad uga xun yihiin dadka walaalaha ah ee la isku diray. ” Jubaland iyo Puntland waa mataano aan la kala jari karin. Waxaana rajeynayaa shirkiina maanta oo ah mid laba waji leh. Tan koowaad waa in aan taageero xoogan siino walaalaha Jubaland, mida labadna waa sidii aan dhaqaale ugu uruurin laheyn dhaawacyada maanta inoo yaal Galkacyo ee laga keenay Kismaayo” ayuu yiri Xildhibaan Abdilaahi Quraan-jecel. Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee kulankan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya kasoo bixin wixii laga filayey ee ahaa inay ummada u dhexeyso, Waxaana uu sheegay inay dowlad dhinac un la shaqeyneyso, iyaddoo kuwa kale hangool dheer isaga fogeyneyso. Waa sida uu hadalka u dhigaye. Nabadoonka ayaa waxa uu ku tilmaamay Puntland maamul u taagan taageerida nabada iyo hirgelinta waxa lagu hishiiyey ee ah federaalka. Waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay tashadaan oo waliba u tashadaan sidii Jubaland loo taageeri lahaa. ” Dowlada waxaan ugu baaqayaa inay wax ka badesho nidaamka ay ku socoto. Puntland waxaan usoo jeedinayaa taageera Jubaland oo waliba wixii aad u huri kartaan ka shaqeeya, kolleey maamulkeena iyo shacabkeenaba waxay u taagan yihiin waa nabad iyo federaal shaqeeyee” ayuu yiri Nabadoon Khaliif Aw-Ali . Luul Feerayare oo ku hadleysay magaca haweenka Puntland ee ka qeybgalay shirka Garowe ayaa waxaa ay sheegtay inay ku faraxsan yihiin dhismaha Jubaland. Waxaana sidoo kale ay eedeyn xoogan u jeediyey dadka kasoo horjeeda nidaamka Federaalka. Waxaa ay Luul sheegtay in federaalka uu xal u yahay dhamaan Soomaalida kala irdhowday kadib dagaalkii sokeeye. Waxaana ay sheegtay in nidaamkaasi lagu hishiiyey qeybna ay reer Muqdisho ka qaateen halka qeybtii ugu muhiim saneyd laga tagayo. ” Federaalka waa midka kaliya ee xalka inoogu jira. Waxaana wax lala yaabo ah in reer Muqdisho ogol yihiin in Madaxweynaha Federaal lagu doorto, halka ay diidan yihiin in gobollada federaal ku dhismaan. Haddii aan arrintaasi wax laga badelin waxaan ku baaqayaa in Puntland gooni isku taag ku dhawaaqdo.” ayey tiri Luul Feerayare. Kulankan oo markii hore ku bilowday dhaqaale u raadinta dhaawaca Jubaland ee Galkacyo jooga ayaa waxaa wadahadalkiisa uu galay in aqoonsiga Jubaland lagu xiro Puntland oo kasii mid ahaata dowlada Soomaaliya, haddii kale inay gooni isku taag ku dhawaaqi doonaan. Puntland waxaa ay dhowr jeer horey u cadeysay inay taageereyso dhismaha Jubaland-ta uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Madoobe halka uu kuxigeen u yahay Gen, Fartaag. Balse Dowlada Soomaaliya ayaa meel fog arrintaasi iska taagtay, taasi oo markii danbe keentay inuu dhacay dagaal la sheegay inay kala taageerayeen oo dhaawacyo iyo dhimasho sababay.
Posted on: Sat, 06 Jul 2013 12:34:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015