Maahmaahyo xul ah:--- * Qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna - TopicsExpress



          

Maahmaahyo xul ah:--- * Qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado:- * Inta barasho ku tarto, bahdaa kuma tarto:- * Qaxoonti ku faane, facii ma higsado:- * Aqal aanad lahayn, awaare hantiya baa dhaama:- * Dal faqriye ma jiree, dawlad faqri ah baa jirta:- * Nin cunto kaa martiyey iyo qof cilmi kaa martiyey midna lama caydhiyo:- * Wixii adiga ku dhibaya, walaalkaa looma quudho:- * Inta hadal duulo, haad ma duulo:- * Rag waa afkii maal, aduunkii maal, adoogii maal:- * Ubad waa beer oo ninba si bay ugu baxdaa:- * Dan gaar, mid guud looma dulleeyo:- * Nin shalay ilaaway, beri ma odoroso:- * Dulmi xigaal iyo dagaal sokeeye midna laguma degdego:- * Ummad caddaalad weyday iyo muslim cibaado diidey midna laguma cigto:- * Gar xeerdiiday iyo ummad gole diiday midna guul ma dheelmo:- * Talo waa gole ku nool:- * Talo qori saaran iyo tumaati sokeeye tagoog jabay baa laga dhaxlaa:- * Nabar aan bogsan naxli sokeeyaa leh:- * Xumaan nin ku foogan, xil looma asteeyo:- * Nin qoys ku hungoobay, qaran ma hogaansho:- * Aduun aan laga faqriyin, aqoon baa jirta:- * Ifka waxaad taransataad aakhiro ugu tagtaa:- * Hadii dulmi gurigaaga yaal, dudada samo lagama raadsho:- * Hed lama baajiyo ee hawl baa la korodhsadaa:- * Nin dhukuran bidaartiisa lama dheehdo:- * Dhib nin yaqaan, Colaad ma dhidhiyo:- * Tacab baa lagu hodmaa, Tuugsi laguma dhargo:- * Nin aan gaadhi fuuli jirin, geedka dhaafayuu ku wareeraa:- * Dal aanadafkiisa aqoon duxdiisa ma heshid:- * Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburey baa adag:- * Ninkuu dhimanaayey dhiigaaga ma xalaashado:-
Posted on: Thu, 19 Sep 2013 21:08:03 +0000

Trending Topics




© 2015