Maanta magaalada Nairobi waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco shir - TopicsExpress



          

Maanta magaalada Nairobi waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Shirkan ayaa saddexda dhinac waxa ay ku saxiixi doonaan heshiis ku aadan sidii qaxootiga soomaliya ee Kenya ku sugan iskood ay dib ugu laaban lahayeen Soomalia. Tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay xarunta Westgate ee Nairobi bishii Septembar, waxa isa soo tarayey baaqyadda ku aadan in qaxootiga ay dib ugu laabtaan Soomalia. Ma kula tahay in la gaaray wakhtigii qaxotiga soomalida ay dib ugu laaban lahayeen Soomaliay?
Posted on: Sun, 10 Nov 2013 03:08:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015