Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Hague ee waddanka Holland uu - TopicsExpress



          

Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Hague ee waddanka Holland uu ka furmo shirweynihii sanadlaha ee dowladaha saxiixay heshiiska lagu dhisay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada. Midowga Afrika ayaa waxa ay soo jeedin doonaan in isbadel lagu sameeyo qodobka 27-aad ee heshiiska Rome si xasaanad loogu helo madaxda qaramada iyo kuxigeenadooda iyo qofkasta ee booskooda u taagan. Madaxweyne Kuxigeenka waddanka Kenya, William Ruto, oo ay maxkamadi kaga socoto ICC ayaa waxaa uu hogaamin doonaa wafdiga Kenya, fursadan waxa uu u addeegsan doonaa in uu u doodo wax ka badalida qodobka 27-aad ee heshiiska Rome, qodobkaas oo ka xayuubiyay isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta xasaanaddii ka hor istaagi laheyd maxkamadeyntooda. Haddaba maxay Midowga Afrika iyo Kenyaba ay ka filan karaan shirkan?
Posted on: Thu, 21 Nov 2013 03:21:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015