Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Kooxda lagu magacaabo - TopicsExpress



          

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Kooxda lagu magacaabo (Aaran-Jaan) ee u ololeyneysa in mar labaad dib loo doorto Madaxweynaha Puntland ayaa si xeeladaysan u dhacay kursigii Xildhibaanimadda Beesha Meheri Ismaaciil (Carab-Saalax)ay ku lahaayeen Gobolka Nugaal,waxaana kursigii laga dhacay la siiyay nin u dhashay Beesha Leelkase oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Nuur,waxaana ninkan booska loogu dhacay si uu codka u siiyo Madaxweynaha Puntland oo markii uu ogaaday inuusan cod ku filan helynin bilaabay inuu dhac u geysto Beelo ay ka mid tahay Beeshi Meheri,waxaana dhaca uu Faroole iyo Kooxdiisa Aaran-Jaan ay ku kaceen uu ku soo aadayaa xili Kursigii Beesha Reer-Cumar laga dhacay lana siiyay Nin u dhashay Beesha Cismaan-Maxamuud oo codkiisa siin-doono Madaxweyne Faroole,markaasna waxaa la oran-karaa Faroole iyo Kooxdiisa Aaran-.Jaan inay qaab musuq-maasuq ah doonayaan in mar 2-aad Xilka Madaxweeynaha Puntland si xeeladaysan uu musaq-maasuq ah loogu doorto Madaxweyne Faroole. Halkaan ka akhriso bayaan kasoo baxay Beesha Meheri: DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA Taariikh 18/11/2013 Ku: Isimada Puntland…………………………………………………………Fadhigooda Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland……………………………..Garoowe Ku: Xafiiska siyaasada UN ka (UNSOM) ……………………………….Muqdisho Ku: Murashixiinta Xilka Madaxweynaha DPL……………………….Fadhigooda Ku: Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland…………………..Garoowe Ku: Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland………………………Garoowe Ku: Dawladda Federaalka Soomaaliya…………………………………..Muqdisho Ku: Hay’adda xuquuqul insaanka………………………………………….Fadhigooda Ku: Guddiga Ansixinta Baarlamaanka ee Puntland……………….Garoowe Ujeeddo: Bayaan Beesha Meheri(Carbeed)kaasoo ku saabsan Xubintii Baarlamaanka ee Gubalka Nugaal. Sida la wada ogsoonyahay, taariikhda sooyaalkeeduna xusayso Beesha Meheri waxay ka mid ahayd beesha ugu faca wayn beelaha daga dooxadii la oran jiray Nuugaal ama ahaaba dadkii loogu yimid dooxada Nuugaaleed. Waxayna ahayd beeshii u horreysay ee aasaastay deegaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe. Waxayna ilaa iyo hadda ka mid tahay beesha ugu hufan ee deggan Gobolka Nugaal oo ku caan baxday ixtiraamka dadka deegaanka la ah iyo xaqdhawrka deriska. Haddaba waxa nasoogaartay in si aan shuruucda iyo Dastuurkii lagu heshiiyey 1998 ee Puntland aan waafaqsaneyna,in xubintii Baarlamaanka ee ay laheyd Beesha Meheri ama (Carbeed)laguwareejiyey beel kale oo xubnahoodii Baarlamaanka Qaybtankoodii horey u haysatay,taasoo koox yar oo kamid ah Beesha ugu badan Gubalka Nugaal kuwaasoo kalahaa dano ugaar ah iyo mid siyaasadeed,toosoo ah wax lalayaabo oo aan horey uga dhicin dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed, haddaba Beeshu waxay caddeynaysaa in ay si Dastuuriya uleedahay xubinteeda bareerka loo dhacay. Waxaa layaab ah in xubintayadii Baarlamaanka ee Gobalka Nugaal intay kooxi dhacday ku martiqaaday Beelkale, Beeshaas oo ah Leelkase laguna qoray ninka layiraahdo Mohamed Farah Nuux taasoo loo maray si aan waafaqsaneyn shuruucda iyo Dastuurka Puntland waxayna tahay xubin si bareera ah looga dhacay Beeshii Carbeed ee lahayd xubintaas, Haddaba sida loo wada goobjoogga ahaa dhismihii Dawladda Puntland ee 1 August, 1998 kaas oo ay dhisteen beelaha Puntland deegaanka u ah waxayna ku heshiiyeen beelahaasi axdigii ku meelgaarka ahaa ee looyaqaanay Axdiga Puntland, kaas oo ay beelihii wada dhistay Puntland ku heshiiyeen, wada saxiixeenna, kaas oo ah kan kaliya oo ilaa hadda lagu maamulo Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Waxa kaloo la qaybsaday xubnihii golaha Baarlamaanka oo ka koobnaa 66 xubnood, kuwaas oo qaybtoodu martay laba marxaladood. Marxaladii hore waxaa wax loo qaybsaday saddexdii urur(jabhadood) oo dhistay Puntland ku waas oo kala ahaa:- SSDF, SNDU, iyo USP. Marxaladii xigtayna urur walba isaga ayaa u sii qaybshay beelihii taageeri jiray, Beel walbana waxay qaadatay saamigeedi loo qoondeeyey. Waxaaana axdiga ku meelgaarka ah lagu qoray sidii wax loo qaybsaday oo lagu heshiiyey In aan waxba laga beddeli karin ilaa laga gaarayo afti Dastuur iyo axsaab demoqraadi ah muddadii labada jeer ahaa ee dib loo dhisay Baarlamaanka Puntland, Sidaas ayey u soo xusheen beelihii lahaa xubnahoodii, markaana sidii oo kale ayaa gobollada iyo beelaha kale ee Puntland u soo xusheen marka laga reebo gobolka Nugaal oo gaboodfal xuni ka dhacay. Haddaba, waxaa la yaab iyo fajac noqotay in aan idin la socodsiino in ay dhaceen arrimahaan soo socda:- Waxaa si toos ah loogu tuntay axdigii ku meelgaarka ahaa oo ay ku heshiiyeen beelaha Puntland degan. Waxaa iyana ayaandarro taas ka sii daran oo lama filaan ah noqotay in ay ka dhaga adaygeen in ay wax ka qabtaan dhammaan hay’addihii u xilsaarnaa ilaalinta axdiga iyo qawaaniinta dalka loo dejiyey kuwaas oo aan u gudbinay dacwadayadii ayna ka mid yihiin:- 3. Madaxweynaha Puntland. 4. Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. 5. Guddigii Isimada ahaa ee loo magacaabay in ay xalliyaan Khilaafka beelaha. 6. Guddigii Dawladda iyo Murashixiintu u wakiisheen, khilaafaadka iyo ansixinta Xubnaha Baarlamaanka oo ansixiyey xubno ay ogyihiin in ay khaldan yihiin. 7.Waxaan ummadda reer Puntland u sheegaynaa in ay dhacday arrin ugub ah oo aan hore loogu arag dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed, tan diinta Islaamka, tan deriswanaagga iyo xushmada bani’aadamnimo midna taas oo ah in Beesha Meheri ay soo saartay BAAQ, ay ku muujinayso in guurtidooda, cuqaashooda iyo isimadoodiiba la xaqiray si cadna loo ilhaameeyey kadib markii si boob ah looga qaaday xildhibaankoodii ay ku lahaayeen Gobolka NUGAAL,. Gabogabo, Waxaan u soo jeedinaynaa uguna baaqaynaa dhammaan Isimada, Maamulka, Maxkamada Sare, Baarlamaanka iyo dhammaan bulsho waynta waxgaradka ah ee Puntland in si deg deg ah naloo ku soo celiyo xubinteenii baarlamaanka oo aan lahayn lana ixtiraamo axdigii iyo qawaaniinta aynu ku heshiinay 1 August, 1998. Isimada, Cuqaasha iyo Aqoonyahanka Beesha Carbeed oo ku nool Gobolka Nugaal Nabadoon Musse Said (Tiribo) Nabadoon Jama Ali Eid Nabadoon Mohamud Caseyr Abdulle Dr Abdulahi C/rahman Osman Dr Hussein Hasan Ismail Dr Abdiladif Omar Yare Eng Noor Abdulahi Noor Ali Ahmed Ali Eid Abdifatah Yasin Ali Samadoon Yasin Isse Wayreh Samadoon Hasan Abdulahi Haaji Nur Samadoon Jama Farah Weyrah Samadoon Abdirahman Osman Mohamed Samadoon Jamal Salaad Samatar Samadoon Farah Yusuf Jama (Dhunkal) Samadoon Ismail Hasan Farah (Dhagweyne) Samadoon Hasan Yusuf Karshe Abdikadir Mohamud Yusuf (Dhafuuje) Samadoon Abdulahi Salad Samatar Abdirisak Mohamed Yusuf (Qaawane) Eng Abdiwali Jama Farah (Xayle) Abdikarin Hasan yusuf Samadoon Mubaarik Mohamud Karshe Dr Hibo Mohamed Ali Marwo Maryan Abdulahi Haji Nuur Sahro Ahmed Yusuf Dr Aamin Ahmed Ali Morwo fadumo yasin Elmi Asho Abdi Mohamed ALLAA MAHAD LEH Shacabkamedia-Beyra-Puntland Runta Kama-Xıshoono
Posted on: Thu, 21 Nov 2013 09:44:37 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015