Madaxweyne Xassan oo qarka u saran inuu laado Liiska Xukuumadda - TopicsExpress



          

Madaxweyne Xassan oo qarka u saran inuu laado Liiska Xukuumadda Cusub (Xogta Qarsoon). Illo Diplomaasiyiin ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa shabakadda u sheegay in Madaxweynaha uu qarka u saran yahay inuu laado Liiska ay ku qoran yihiin Magacyadda Golada Cusub ee Xukuumadda. Illo Diplomaasiyeedka ayaa sheegay in Liskaasi uu Xafiiska Madaxweynaha yaalo ku dhawaad Muddo Hal Asbuuc ah, iyadoona uu Madaxweyne Xassan ka waayay Ragg muhiim u ahaa oo ay in muddo ah isku Khilaafsanaayen Ra’isul Wasaaraha Dowladda C/farah Shirdoon. Madaxweyne Xassan ayaa isagu wato Siyaasiyiin gaar ah kuwaasii oo la sheegay in Fakir ahaan ay kasoo jeedan Xarakadda Dam Jadiid ee ka faracantay Ikhwaan Muslimiin, hayeeshee uu Magacyadaasi caqabad ku noqday RW Shirdoon isla markaana is hortaagay. Madaxweyne Xassan uma cuntamin Liiska uu soo xulay RW Shirdoon, waxaana jira Khilaaf hoose oo ka dhashay xulida Golahaasi Cusub. Dhanka kale,Xog Hoose ayaa iyana tilmaameyso in Madaxweyne Xassan iyo RW Shirdoon ay isku fahmeen tiro Siyaasiyiin Dam Jadiid ah, balse ay warar hoose sheegen in RW Shirdoon uu ka didsan yahay darsinka uu Madaxweynaha wato kuwaasi oo iminka ku sugan Villa Somalia kana dhowr sugaaya inay kamid noqdaan Liska la filaayoin dhawaan la shaaciyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la sii saadalin Karin halka ay ku biyo shuban karto Shucaaca hoose ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo RW, kaasoo la aaminsan yahay inuu ka dhashay Liiska ay ku qoran yihiin Golaha Cusub, wallow warar hoose ay tibaaxayaan in ku dhawaaqida ay ku imaan-doonto dib u dhac. Xafiiska Shabakada Allbanaadir Muqdisho Somalia Allbanaadir@live
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 19:39:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015