Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa goordhow - TopicsExpress



          

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay xafladda heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay dhowr qoddob oo ay ka mid yihiin in dowladda ay aqoonsatay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba oo hogaamin doono Axmed Madoobe. 1- In maamulkaas uu ka arrimin doono gobalada Jubbooyinka iyo Gedo muddo labo sanno ah. 2- In magaca maamulka uu yahay Maamulka KMG ah ee Jubba 3- In Seddaxda gobal loo sameeyo guddoomiyaal kuwaasoo hos imaanaya Axmed Madoobe. 4- In maamulka dekedda Kismaayo muddo lix bilood uu maamulo maamulka Axmed Madoobe kaddibna dowladda lagu soo wareejiyo. 5- In nabad-galyada laga shaqeeyo. 6- In la qalabeeyo maleeshiyaadka gobalka jooga laguna daro ciidamada dowladda. 7- In la qabto shir dib u heshiisiin loo dhan yahay oo looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo Gedo kaasoo ka kala dhacay Kismaayo iyo Muqdisho. 8 -In Axmed Madoobe uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka, lana dhiso golaha baarlamanka iyo fulinta 9- In Garoonka Kismaayo muddo bil ah uu maamulo maamulka KMG ah ee Jubba, kadibna lagu wareejiyo dowladda. 10- In maamulka Axmed Axmed Madoobe uu u aqoonsado dowladda fedaraalka Soomaaliya lana shaqeey. Heshiiska waxaa dhinaca dowladda u saxiixay Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada halka maamulka Jubbooyinka uu saxiixay Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe. Sidoo kale waxaa heshiiska goobjoog ka ahaa Dowladda Ethiopia, xubno ka tirsan IGAD, Wakiilka QM ee Soomaaliya , Nichalas Key, Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo diplomaasiyiin kale. Labada dhinac ayaa muddo ka badan toddobaad waxa uu shir uga socda Hotelka Hilton ee magaalada Addis Ababa.
Posted on: Wed, 28 Aug 2013 18:09:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015