. Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey . Isaguna - TopicsExpress



          

. Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey . Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey · Markuu geed koraayaba ninkaan badhi- gantaalaayey · Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey · Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay · Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey · Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay · Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey · Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray · Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey · Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey · Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey · Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey · Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey · Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay · Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey · Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey · Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey · Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey · Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey · Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay · Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey · Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay · Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey · War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay · Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay · Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey · Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey · Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday · Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey · Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey · Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey · Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray · Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey · Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirkaw celiyey · Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya · Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey · Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay · Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay · Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye · Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye · Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe · Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey · Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay · Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey · Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday · Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene · Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye · Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato · Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye · Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne · Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise · Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin · Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo
Posted on: Sun, 27 Oct 2013 19:12:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015