Museveni oo la qarracmay xog ay siiyeen ciidamo laga soo badalay - TopicsExpress



          

Museveni oo la qarracmay xog ay siiyeen ciidamo laga soo badalay Soomaaliya. Wargeyska lagu magacaabo The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa baahiyay warbixin hor leh oo ku aadan xaaladaha ciidamada Uganda ku heystay gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyay saraakiisha ciidamadaasi iney lunsadeen hantidii askartaas ayna beec geysteen agabyadii dagaalka. Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa la shaaciyay maalmo yar ka hor in xerada Singo uu kula kulmay askar Ugaandhees ah oo laga soo badalay dalka Soomaaliya, kuwaas oo si xaqiiqo ah kaga hadlay noloshii ku qabsatay Soomaaliya iyo xaaladaha heysta askartii ay ka soo tageen. Wargeyska The Observer oo soo xiganaya ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Museveni uu amar ku bixiyay dhamaan abaanduuliyeyaashii iyo saraakiishii ciidanka iney ka baxaan hoolka shirarka ee xerada isagoo doonayay si gooni ah inuu u wareysto askarta caadiga ah. Museveni ayaa ka dalbaday askarta in si xoriyad leh ay kaga waramaan wixii ay la soo kulmeen isagoo doonayay inuu ogaado wararka ku aadan musuq maasuqa lacagaha, xatooyada qalabka iyo dhaca raashiinka ee lagu soo eedeeyay saraakiisha ciidamada Uganda. “Askarta ayaa midba farta u taaganayay inuu hadlo, wixii ay sheegayeen ayuu aad ula qarracmay madaxweynaha, qaarkood waxey u sheegeen raashiin xumo iney dishay, qaar kale waxey sheegeen agabkooda in la iibsan jiray” ayuu yiri wargeyska The Observer. Iyadoo ciidamada Uganda ay hadda ka dagaallamayaan meelo howd ah oo ka baxsan Muqdisho, ayna ku heysato xaalado adag ayaa mid ka mid ah askarta wuxuu ku cataabay “xittaa raashin hal waqti ayaan heleynay, usbuuc walibana waa naga go’aye anagoo xaalad adag ku jirna”. Arrinta aadka uga sii nixisay Museveni ayaa aheyd xaaladaha ay ku sugan yihiin askarta hadda joogta Soomaaliya kuwaas oo looga sheegay ineysan niyad u heyn la dagaallanka Al-Shabaab oo mar waliba ay duruufo adag ku jiraan. “Sababo ku aadan duruufta adag ee heysata, ciidankaas waa mooraal jabeen, taagna uma hayaan la dagaallanka Al-Shabaab” ayuu sheegay mid ka mid ah askarta. Wargeyska Daily Monitor ayaa hore u shaaciyay musuq maasuq xoog leh oo ka dhexjira ciidamada Uganda, iyadoona arrinkaas uu sababay buuq siyaasadeed oo wali ka taagan gudaha Uganda. “White People (Caddaanka) oo ii yeeray waxey igu dhaheen ciidamadaadu waa wanaagsan yihiin balse waa tuugo” ayuu Museveni si caro leh u yiri markii qoraal saraakiil Mareykan ah ay soo saareen lagu sheegay musuq maasuqa ay ku kacayaan ciidamada Uganda. Waxaan shaki ku jirin xatooyada dhexdooda ah iney barbar socoto xatooyada hantida Umadda Soomaaliyeed iyadoona dhawaan ay ciidamada shisheeyuhu xoog ku qasheen xoolo, halka ay dhac u geysteen beeraley ku nool Wilaayada Sh/Hoose, waxaana arrimahaasi sii dheer tacadiyada dilka iyo kusfiga ee ka dhanka shacabka Soomaaliyeed. Ciidamada Uganda waxey qeyb yihiin duulaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo loogu yeero howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya, laakin waxey ka soo horjeedaan maamul Shareecada ku saleysan in laga hirgeliyo Soomaaliya, iyagoona qalqal gelinaya deegaanada Nabadda ah ee looga dhaqmo Shareecada Islaamka.
Posted on: Mon, 14 Oct 2013 10:40:07 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015