Muwaadin Soomaali Ah Oo Ku Shahiiday Dagaal Ka Dhacay Magaalada - TopicsExpress



          

Muwaadin Soomaali Ah Oo Ku Shahiiday Dagaal Ka Dhacay Magaalada Xalab Wadanka Suuriya. Written by Maamul on 17 November 2013.Dagaalka ka socda wadanka Suuriya waxaa kaalin weyn ka qaadanaya dagaalyahada muslimiinta Muhaajiriinta ah ee dibadda ka tegay kuwaasi oo shacabka Suuriya ka difaacaya nidaamka dabadhilifka wadankaasi.Boqolaal dhalinyara Soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay ku suganyihiin dalka Suuriya iyagoo ka barbar dagaalamaya jamaacaadka jihaadiga ah ee dhulka Shaam oo ay ugu tun weynyihiin ISIS iyo Jabhadda Al Nusrah.Shabakadaha bulshadu kuwada xariirto ayay xubno katirsan xoogaga mujaahidiinta soo dhigeen war kooban oo sheegaya in dagaal saacado badan qaatay lagu dilay wiil dhalinyaro soomaali ah oo safka mujaahidiinta katirsanaa.“Cismaan Alsomaali ayaa ku shahiiday dagaalkii malxamada ahaa ee maanta ka dhacay degmada Talal-caran allaha ka aqbalo shahaadadiisa”ayaa lagu yiri war barta Twitterka lasoo dhigay.Magaalada Xalab iyo Hareeraheeda waxaa weerar safballaaran ku qaaday ciidamada Nidaamka Bashaar Al-asad iyo maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah Isku magacaabay kuwaasi oo isku dayaya in ay dib u qabsadaan dhul ballaaran oo horay ay ugala wareegeen mujaahidiinta dhulka Shaam.Bishii Ramadaan ee sanaddii lasoo dhaafay waxaa duleedka magaalada Dimishiq ku shahiiday Abuu Xafsa Al-soomaali oo katirsanaa mujaahidinta Jabhadda Al Nusrah ee qeybta ah jamaacaadka ka jihaada wadanka Suuriya.Bishii lasoo dhaafay gabdho Soomaali ah oo ka tegay wadanka Norway ayaa gudaha ugalay wadanka Turkiga iyagoona sheegay in ay gurmad ufidiyeen shacabka wadanka Suuriya ee dhibaataysan.
Posted on: Sun, 17 Nov 2013 10:55:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015