Niman badani way rabaan inay roomaantik noqdaan, laakiin habkii - TopicsExpress



          

Niman badani way rabaan inay roomaantik noqdaan, laakiin habkii ayaa ka maqan ama ma garanayaan sidee. Sidaa darteed waxaan ku siinayaa afkaar kaa dhigaysa nin roomaantik ah.ka faidaysi wcn Ka waran: * Hadaad ubax udhigtid iyadoo uu lasocdo hadal macaan oo aad uqortay, udhig meel ay ka arki karto sida sariirta ama miiska, si ay uaragto adoo ka maqan guriga. * Haday kaa hor marto sariirta si ay useexato adna wali aadan seexan, daqiiqado sug kadib si tartiib leh soo gal qolka, oo bustaha ama go�a u huwi sifiican oo dhunko kadib iska bax si tartiib leh. * Marmar ggaariga hadaad koraysiin ka hor mar oo ufur albaabka ggaariga. * Markay seexato uqor masej (fariin) hadalo jacayl ah iyo xiiso ku jira, si ay marka ay soo kacdo u akhriso. * Hadaad ka soo hor kacdid marmar quraac fudud u diyaari waxa aad awoodid, oo sariirta ugu keen kuna kici hadal macaan. * Markaad qadaysid marmar dhunko gacanteeda oo ku mahdi cuntada adoo amaanaya cuntadeeda, oo la aruuri weelkaa adoo la aruurinaya weelka oo jikada gaynayana layara fara cayaar. * Marmar haday baxayso oo ay kabaha xaragooda xiranayso uyara foorarso oo isku day inaad kala caawisid xirashadeeda. * Marmar barnaamij idinkoo wada daawanaya, jikada aad adoo aamusan oo kaga yaabsii inaad ukeentay shaah iyo buskud, adoo dhoola cadeenaya oo faraxsan. * Iyadoo qolka hagaajinaysa kaga yaabsii inaad qolka kale hagaajisay iyadoo rabta inay hagaajiso. * Adoo banaanka ku maqan shaqo ama asxaabtaada la maqan, iska soo wac daqiiqado oo usheeg inaad usoo xiistay. * Hadii baabuurkiina qof sadexaad idin la saaran yahay, iyaduna ay gadaal fadhido, indhaha ku xad muraayada oo u iljabi marmar, ha yaabtee. * Marmar u duug jirkeeda, intaad saliid keentid. * Hadaad ka hor kacdid oo la idin ka rabo qubayska waajibka ah, inaad u diyaarisid tuwaalka markaad adiga dhamaysatid, oo aad huwisid ama ugalisid tuwaalka. * Inta ay uurka leedahay inaad uduugtid, ama kareem umarisid cageheeda. * Banaanka idinkoo wada socda kaga yaabsii inaad dukaan iska gashid oo aad hadiyad uqaadid. * Inta ay uurka leedahay caloosha usalaax oo aabe sugi kari la�a ilmihiisa noqo, marmarna ka dhunko caloosha, oo iska dhig mid raba inuu ilmihisa dhagaysto,,,,,,,,,, waad ku mahadsantihiin waqtigiina qaaliga ah
Posted on: Sat, 10 Aug 2013 07:38:01 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015